COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, June 19, 2010

Kooxda isu-duwidda goob-joogayaasha Caalamiga ah oo ka hadlay Doorashada

Hargeysa,(Nnn)- Kooxda isu-duwidda kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Somaliland, ayaa ka hadlay qaabka uu u socdo Ololaha Doorashada ee Xisbiyada, wakhtiga loo asteeyay Doorashada Madaxtooyada iyo tirada goob-joogayaasha ka qayb galaya ee Caalamiga ah.
Kooxdan oo Beesha Caalamiga ah u qaabilsan kormeerka iyo isu-duwidda goob-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada, ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay geedi-socodka hawlaha Doorashada. “Caqabado kasta oo dhacay, bilihii u dambeeyay waxa muuqday horumar degdeg ah oo la xidhiidha sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho xor iyo xalaal ahi. Waxaanay u eegtahay Doorashadu in ay ku qabsoomayso wakhtiga loo cayimay. Tani waxay daliil cad u tahay firfircoonida Komishanka doorashooyinka cusub oo hawshan qabtay, ka dib markii ay Axsaabtu heshiis gaadheen.” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.
Mar ay Kooxdani ka hadlayeen hannaanka uu u socdo Ololaha Doorashada ee Xisbiyadu, ayaa waxay Warsaxaafadeedkaas ku yidhaahdeen, “Ilaa markii uu bilaabmay Ololaha Doorashada horraantii June, ma jirin dhacdooyin waawayn oo rabshado ah oo dhacay, heshiiska u dhaxeeya saddexda Xisbi ee ah in saddexda Xisbi ay maalmo kala gaar ah qabsadaan Ololaha Doorashada, ayaa u muuqda mid la hirgeliyay.”
Sidoo kale, waxay kooxdani ka hadleen dhinaca amniga. “Dhacdo la xidhiidhay siyaasadda oo lagu eedeeyay islaamiyiin oo ka dhacday Burco horraantii une, ayaa keentay dhimashada mid ka mid ah Ciidamada Booliska, taas oo sababtay welwelka khataro lagu khalkhal-gelin karo Doorashada, laakiin waxay hawl-galisay arrintani inay feejignaadaan Bulshada iyo Booliska Somaliland.” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.
Isu-duwaha Kooxdan Michael Walls oo isna ka hadlay goob-joogayaasha Caalamiga ah ee ka qayb-galaya Doorashada iyo tiradooda, ayaa yidhi, “Waxaanu rejaynayaa inay yimaadaan ilaa 70 kormeere oo Caalami ah, kuwaas oo ay la shaqayn doonaan ilaa 800 oo goob-jooge.”
Dr. Steve Kibble oo isna ka mid ah Kooxdan, ayaa yidhi, “Waxaanu dhiirigelinaynaa go’aanka dadka reer Somaliland ee ah in ay arkaan Doorasho nabad ah, lana aqoonsan yahay Qaran ahaan iyo Caalam ahaanba. Haddii ay sidaa ku socotana, waxaanu rejaynaynaa in la heli doono natiijo.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking