COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, June 12, 2010

Kuwii Ku Baaqee.....Kulmiye Ku Biiray Waa Baayadooda iyo Barwaaqadooda.

Waxaan ku soo dhaweynaa dadweynaha reer Somaliland ee doorashada ka qayb gelaaya farxad iyo niyad wanaagsan, waxaan leeyahay dadweynow codkaaga iyo Cudaada ku ciil baxa, waxaan leeyahay kala garta nin iyo geed, waxaan leeyahay Udub waa talo seeg aan tamar iyo tayo midna la hayn ee ha ku khasaarina mar labaad.
Waxa lagu hungoobay Doorashii hore ee Udub la doortay. Waxa hubaal ah marka Codkeena oo midaysan aynu Kulmiye ku soo saaro in aynu Qaadayno 26 june 2010......Heestii aynu ku caano maalay ee ahayd*Waabaa Beryey Bilicsan Arooryo Baxsan Maalin Bokhran.....Kuwii ka Baydhee Bahdood ka leexday Waa Baaba'ooda, Kuwii Ku Baaqee...Kulmiye Ku Biiray Waa Baayadooda*

Ma doonaayo in aan ku talax tago wax ka sheega Udub, waayo Udub waxa uu la mid yahay nin qaawan. Nin Qaawana ALLEH uma Xil-qarin. Waxa kale oo Soomaalidu ku maahmaahdaa *Ninka Waxa Jooga aan garan waxa soo socda ma garto* taas oo aan uga jeedo Anigu shakhsiyan Osman-ahaan maalintii aan ka quustay talda Udub iyo hogaankeeda ayaa ahayd, markii Udub Doorashadii heshay ee Riyaale ku dhawaaqay Xukuumadiisii u horaysay ee ka koobnayd Wasiirada faraha badan ayaan fahmay in aan wax khayr leh soo socon, taas oo igu kaliftay in aan Candhuuftayda dib u liqo oo aan waliba qoro Maqaalkan xiisaha badan ee hoos ku qoran. Maqaalkan oo aan qoray Bishii September 2003-gii, kuna soo baxay warbaahinta Somaliland waxa uu iftiiminaaya Hogaaminta Riyaale iyo sida loogu hungoobay.

Wasiir-bararka Somaliland iyo War la'aanta Mooge.

Mujaahid Xabaal-mariwaa oo Warka u Tabinaaya Warmooge-Qurbaawi.

Warmoogaw i dhegayso: Islaantii Hooyadeen ahayd Indho la'aan ma ku ogayd...... Haa, Dadcunimana ku darsatay!!! Dawladii Wadankeena Daayacanimo ma ku ogayd....Haa.....Debecsanaana ku darsatay !!! Tayo la'aan ma ku ogayd.....Haa...Tamar darina ku darsatay !!! Wasiiro Fara badan ma ogayd......Haa.....Waxtar la'aana ku darsatay!

Su'aal: Wasiir-Barar Waa kee? Jawaab.....Wedka weeye Dhaqaale iyo Wasiir aan la aqoon oo Riyaale Wakiishay, Warshad kuu Furimaayo, Waddo kuu dhisimaayo, Waxtar maaha Aqoon leh, Wadaad ma aha Duceeya oo Wadka Weeye Dhaqaale, One Million-na Wuu kugu Joogaa!!!!

Warmooge: What the hell... Warkaa ma iga hubtaa?
Jawaab: Nacam-bilah

Mujaahid Xabaal-Mariwaa: Dalku maaha sidiisii oo Dibir-baa ka xoogsaday Dube-na wuu ku taagsaday Danyartiyo Agoontii, Daacadi ha Habawdoo, Dib waxay ka noqotaba Doorkan Wey-hungawdoo Dulmibaa ku haysta. Dadkuna wuxuu u Qaybsamay Dabaqadaa Wasiirada iyo Danyar Gaajo Dubatay.

WARMOOGE......TACABKAY BE' OO TALO FARO KA HAADAY,

KA BAX. KHADKA MUJAAHID....KA BAX....KA BAX....KA BAX.

Waraysigan dhexmaray labadan Muwaadin ayaa ah Qaylo-dhaan ka Turjumaaya Xaaladaha Qalafsan ee Dalku ku sugan yahay iminka siiba dhinaca dhaqaalaha iyo Siyaasada. hadaba hadii aynu faahfaahino dhibaatadan iyo sida ay ku timid ayaa ah.

Qaab dhismeedka dhaqaalaha ee caalamiga ah, ayaa ah; wax soo saarka dalka (GNP) oo ah halbeega dhaqaalaha ee dal kasta ayaa haddii uu ka bato kharashka dawladu isticmaalayso ay keenta hoos u dhac dhaqaale (deficit) taas oo horseeda sicir barar iyo dhaqaalaha oo bas beela. Haddii xaaladu sidaa ku sii socoto waxa ay keentaa qiimaha lacagta oo hoos u dhaca, shaqo la'aan , saboolnimo xad dhaaf ah, adeega Aasaasiga ah ee dadwenuhu ku noo yahay oo la waayo Iyo nolosha bulshad oo dabaqaad kala sareeya yeelata, taasina waxay ugu dambaynta keenta Kacdoon oo ku Dumo qarankaasu...

Dawladaha ay soo foodsaarto xaaladaha noocan ah ayaa markiiba ka hortaga oo qaata go'aan adag oo siyaasi ah si ay dalka u badbaadiyaan oo bilaaba kharashka dawladda oo xoog loo dhimo, shaqaalaha aan ku jahaysnayn meelaha aan wax soo saarka lahayn oo la dhimo, kobcinta dhaqaale oo sare loo qaado, isu dheelitiranka dhoofinta iyo soo dajinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Hadaba waxa wax lalo yaabo ah, Dawladan Madaxweyne Riyaale ayaa ilaa iyo maanta aan haba yaratee lahayn siyaasad dhaqaale oo cad (National Fiscal Policy) oo ay kaga hortagto dhibaatan dalka ka jirta . Taas waxaa markhaati u ah halkii laga xakamayn lahaa kharashka dawladda lana dhimi lahaa shaqaalaha aan wax soo saarka lahayn ayaa la abuuray tiro xad dhaaf ah oo wasiiro iyo wasaarado ah oo aan wax soo saar lahayn.

Dawladda Riyaale oo ah mid lagu soo doortay nidaamka xisbiyadda badan ayaan looga fadhiyin inay noqoto mid abuurta maamul wada darajo Xambaarsan iyo Wasiiro tiro badan oo lagu Marxabaysiiyo kooxo, Shakhsiyaaad ama qabiil.

Maadaamaa ay tahay dawlad Madaxweynaheedu ku yimi hab dimuqraadi ah ( One man one vote) Waxa la filaayey in ay noqoto dawlad Adag oo Sharciga ku Cad-goosata, kana nadiif ahaata Habrasho iyo Gorgortan......Nasiib daro se may noqon.

Dawladan cusub ee Madxweyne Riyaale oo Wasiir-Barar la Ciirciiraysa, walina ku jirta (honey moon) iyo hambalyooyin (From party to party) ayaa ah mid aan u jixin-jixin Danyarta iyo Saboolka oo lagu tilmaami karo heerka Musuqmaasuqa iyo isdhaafdhaafka ka dhex socda tii Dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Marcus ee dalka Phlippine ka talin jirtay.

Madaxweyne Riyaale iyo Wasiirka Maaliyada Mr, Awil ayaa dhawr jeer ku cawday goormaa wax nalaga sheegayaa nalama tijaabine' ama maa cagta noo dhigtaan Erayadaas oo aan Siyaasada loo adeegsan lagana aqoon goobaha Siyaasada lagu gorfeeyo ayaan ahayn qaar daboolaaya Waajibaadka horyaala ee looga baahanyahay, hadii aan hab dhaqameedkeenii u raacana, waxay somalidu tidhaahdaa " Wadaanta fayga ka xumaataa isha ayey la tagtaa" taas macnaheedu waxa ay tahay *Dhismaha Seeskiisu Xumaado ha eegan Saqafkiisa*

Aniga oo Qoraalkaygii soo Gabogabaynaaya ayaa waxaan ku talinayaa in Qodobadan hoos ku Qorani ay lagama maarmaanyihiin.

1- Qaab dhismeedka Dawlada in waxa laga bedelo oo Wasiiradan iyo Wasiiro ku-xegeenadan faraha badan la isu-furfuro lagana soo dhexsaaro tiro kooban oo Wasiiro oo Tayo leh ah, kuna Jahaysan Wasaarado Wax soo Saar leh.

2- In la-qaado Olole Dhaqaalaha lagu Tashiilaayo, Tacabka wax soo Saarkana kor loogu Qaadaayo, Musmaasaqan Xad-dhaafka ah lagula Dagaalamaayo.

Sidaas iyo Ismaqal, Isfaham iyo Isafgarasho wanaagsan.

Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist. 
sooldhuub@htmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking