COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 23, 2010

Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi Cumar waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland‏

Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan shacabaka xariirta ah ee Somaliland , ee karaamada,sharafta iyo qadarinataba mudan,meel kast oo ay joogaanba.
Mahadda dhammaanteed waxaa iska leh Allaha weyn subxaanahu watacaalee,waxaanan idiinka baryayaa dhammaantiin inuu idinka yeello kuwii if iyo aakhiraba liibaana.
Waxaa taa ii xiga oo aan hambalyo aan la soo koobi karayn iyana u dirayaa dhammaan saxaafadda Somaliland,hawsha qiimaha leh ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan,habeen iyo habeenna heeganka ugu jira , inay u soo gubiyaan bulshada Somaliland xaqaaiqa iyo xaaladda dhabta ah ee Dalka iyo Dadkuba ku sugan yihiin.

Aan u soo gondo noqdo xudunta qoraalkaygan, qadarrna aan is dul taago hawsha qiimaha iyo qadarinta leh ee ay ku tallaabsadeen Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Dr/Professor Maxamed Cabdillahi Cumar,si ay uga midha dhaliyaan himilada,rabitaanka iyo jeelka ay u ummaddu u qabaan inay aqoonsi buuxa bulshada Caalamka ka helaan.

Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaan ah, in maamulka Riyaale ku guul daraystay
inuu qadiyadda Somaliland gaadhsiiyo , kana dhaadhiciyo wadamada Caalamka ,gaar ahaan Dawladaha taladu ka go'do ee u badan reer Galbeedka,sida Maraykanka,Ingiriiska,iwm.

Wuxuu miciin iyo xeelado uu adeegsado ka dhigtay,inuu shacabka ku maaweeliyo
ballamo been ah,war baahinta Qarankana u adeegsado,kuna cel celiyo ."Aqoonsigii
wuu imanayaa,fadhiguu inoogu imanayaa,",subxaana laah, waar miyaan ilaahay laga baqayn, oon dhaartii laga baqayn.
Ta meesha taallaana waxay tahay, oon meel looga wareegaana aanay jirin,maah maahdii Somaaliyeed ee ahayd."Fadhi iyo fuud yicibeed laysla waa,",waxaanad u hawshoonna doobiga looma cusho.

Xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa sareba, iyagoo ka damqanaya hab dhaqanka iyo tamar
darrada Xukuumadda ,waxay go'aan sadeen inay buuxiyaan kaalintii maamulka Riyaale ka
gaabiyey,una guntadeen inay qadiyadda Somaliland Caalamka gaadhsiiyaan.

Xisbiga KULMIYE,isagoo oofinaya ballan qaadakaasi,waxay wafddi ballaadhan oo uu
hogaaminayo Mujaahid Axmed Siilaanyo ugu anab baxeen Dalka Maraykanka,waxaanay kala kulmeen soo dhaweyn aan abid loo fidin wefdi Somaliland ka socda,lana kulmeen madax sare oo ka tirsan baarlamanka iyo guriga odayaashaa ee carriga Maraykanka looga taliyo,una bandhigeen sida ay uga go'an tahay in Somaliland xaqeeda hesho , oo aqoonsi hesho ,cid kalena u daba fadhiisanayn Qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.Halkaasi waxaa kaag soo baxaya guusha iyo libinta ay u soo hooyeen gayigeenna Somaliland.

Waxaa iyana xusid mudan,oon marnaba la hal maami karin,sidii layaabka lahayd ee Jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka ku dhaqani,u soo dhaweeyeen,isu garab taageen,ugu han weynaayeen,inay la kulmaan madaxda Xisbiga KULMIYE,kana xog wareystaan xaaladda Dalkii ku sigan yahay,madaxda ay la kulmeen,barnaamijka siyaasada ee Xisbiga iyo guud ahaan xaaladda dalku ku sugan yahay.
Hawshaa baaxaddaa leh ee Muj Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi ku soo guuleyste en,waxay soo noolaysay ididiiladii,rajadii iyo quluubtii shacabka e u oomanaa inay arkaan madax karti iyo aqoon leh oo caalamka la gor gortami kara,kana dhaadhicin kara Qadiyadda Somaliland.


Haddaba waxaa is weydiin mudan, sidee bay u arkeen, ugana jawaabeen
maamulka Riyaale iyo Golihiisa Wasiiradu ?

Akhriste jawaabta suaashan waxaan filayaa inaanad meel fog ka doonayn,haddii
aad la socoto saxaafadda Xorta ah ee Somaliland,waxaanse anigu ra'yigayga ii gaar ka ah
ku soo koobayaa hal hays uu ka tagay Cabdi Malaw,ee ahaa:

"Sidii Waraabihii Biriijka Hargeysa ka dhacay,baraa rugay goor la soo
baxay,Ilaahaya ballankii barqaan kacay."


Guushaa Xisbiga Kulmiye soo hooyey,waxay duufaanno dabaylo xoogan wata ka
dhex kicisay ,maamulkii Riyaale , oo waqtigaa ku suganaa Hurdadii Asxaabul Kaafka oo kale ,meel adduun marayana ka baraad la'aa.

Habqankii iyo kala codlayntii Golaha Wasiirada ka soo yeedheyna,waxaa ka mid ahaa
"Mujaahid Siilaanyo waa inuu Riyaale Cafis soo weydiistaa ,haddii kale Dalka
kuma soo noqon karo.".....Yaabaye ma yaabteen....Ma Mujaahdikii Dalkan naftiisii
,aqoontiisi,xoogiisii iyo maalkiisiiba u soo huray ,ayaa maanta kuwii
uu ka xorreeyey naxligaasi ku hadaaqayaan,sidii ilma af barad ah....Waar maana waalan mise cadan baa laga heesayaa....


Taladase waxaanay kuba darsan,in shacabka Xariirta ah ee soo halgamay ,ee nabadda jeceli,inay ka talo baxeen Riyaale iyo Xulafadiisa ,hadalkooduna waxa miisaan iyo saameyn ah ku lahayn,Ri geeskeedna aanu jabin karin ....Wagar waar nimanku war la'aa..


Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo wefdigiisii guushii ay la soo guryo noqdeen,waxaa
caleemo qoyan ku soo dhaweeyey shacabakiisii,lagana soo bilaabo Egal International
Air Port illaa Gurigii Mujaahidkana , umaddii oo aad mawjado mooddo is tubeen dariiqa
hareerihiisa.

Maamulka Riyaale dakharkii maalintaa soo gaadhay,waata maanta shacabkii Somaliland
sidii Tusbax furtay ugu soo qul qulayaan Xisbiga KULMIYE. Ahristaw,yaan qalinku ila fogaanine ,bal aan kalmad sagootin iyo dar daaran ah aan siiyo Guddomiyahaha Xisbiga UDUB:

"Riyaalaw Galbataye,Toobaddu yey ku seegin."

Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan, Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi Cumar , waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland.

Allahayaw Dalkayga ka yeel kii Nabad iyo Caano lagu wada nagaado. Aamiin...Aamiin

Eng Mohamed Ali Muse
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking