COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, June 21, 2010

Dahabshiil oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 43 ka mid ah Madaxda Gobolada Dalka Ee Shirkadaasi

Hargeysa,(Nnn) - Shirkada Xawaaladaha ee Dahabshiil ayaa xalay shahaadooyin guddoonsiisay 43 sarkaal oo ka kala socda xafiisyada Dahabshiil ee gudaha kuwaas oo muddo 5 maalmood ah tababar uga socday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Tababarkaas oo shalay ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay 43 sarkaal oo ka kala socda xafiisyada Dahabshiil ee gudaha, waxanu socon doonaa muddo 5 maalmood ah.
Xafladii xidhitaanka tababarka ee shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay shaqaalaha Dahabshiil, ayaa waxa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa shirkada Dahabshiil oo ay ka mid yihiin, Madaxa Shaqaalaha shirkada Dahabshiil, Maxamed Jaamac Iriir, madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo saxaafada Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), Axmed Cabdilaahi Caynaanshe, Maareeyaha Guud ee Dahabshiil, Cabdiraxmaan Cali Cabdi iyo Madaxa Suuq Geynta shirkada Dahabshiil, Faarax Bootaan.
43-ka xubnood ee ka tirsanaa Dahabshiil oo ahaa madaxda laamaha gobolada ee shikadaasi ayaa mudadii siminaarku u socday waxa la barayay duruus la xidhiidha raali gelinta macaamiisha iyo tayaynta adeega ay dadweynaha u hayaan.
Maareeyaha Guud ee Dahabshiil,C/raxmaan Cali Cabdi ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 43-ka sarkaal ee siminaarku u dhamaaday, waxanu kula dar daarmay inay sii laban laabaan adeegyada bulshada ay u hayaan.
Madaxa Suuq Geynta shirkada Dahabshiil, Faarax Bootaan, ayaa u sheegay xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyay inay duruustii ay barteen ku dabaqaan shaqadooda isla markaana dadkii la shaqeynayay uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.
Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dadkii shahaadooyinka la siiyay, oo magaciisa la yidhaa, Maxamed Cismaan, waxanu sheegay inay casharo muhiim ah oo u dhigma kuwa jaamacadaha lagu barto ka faa’iideysteen intii siminaarku socday, waxanu amaan u soo jeediyay macalimiintii wax baraysay.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking