COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, June 18, 2010

Jarmalka oo dhulka la dhigay, Maraykanka iyo Slovenia oo isku barbar dhacay iyo Ingiriiska iyo Aljeeriya oo isku ag kufay

Hargeysa, (Nnn)- Kulamadii maanta ee tartanka koobka adduunka ayaa ku dhammaaday natiijo aan la filay ka dib markii Xulka Jarmalka oo awood gaar ah is bidayay afka ciida loo daray galabta kulankiisii labaad ee cayaaraha adduunka.
Xulka dalka Serbia ayaa 1-0 ku dhulka ugu tuuray xulka Jarmalka cayaar ka tirsaneyd wejiga labaad ee guruubka D taas oo xiiso cusub u yeeshay Koobka adduunka.
Laacibjka M jovanovic ayaa ahaa geesigii garoonka kadib markii uu dhaliyay goolka guusha ee Serbia daqiiqadii 38-aad ee qeybta hore ee cayaarta.
Jarmalka ayaa ku cayaarayay inta badan cayaarta 10 cayaaryahan kadib markii laga saray cayaarta weeraryahankooda Klose ee lambarka 11aad qaata oo ah gool dhaliyaha Jarmalka daqiiqadii 33-aad ee qeybta hore taas oo aan waxba ka horayn markii goolku dhashay.
Jarmalka ayaa waxaa goolal badan ka qasaariyay xiddigooda weerarka ka cayaara ee Podolisk oo lambarka 10aad qaata isagoo xataa ka qasaariyay kubbad rigoodhe aheyd oo loo dhigay daqiiqadii 60-aad ee qeybta labaad ee cayaarta.
Guud ahaan cayaarta ayaa kusoo gebo-gebawday 1-0 oo guusha kula hoyatay Serbia.
Natiijadaan ayaa soo shaki ku abuuraysa wararka sheegaayay in Jarmalku tahay xulka ugu awoodda badan koobka sanadkan isla markaana aanay jirin cid iska dhicin karta.
Jarmalka iyo Seerbiya oo min laba kulan cayaaray ayaa wada leh 3 dhibic halka Ghana oo hal kulan cayaartay ay leedahay 3 dhibic iyadoo berri la cayaari doonta xulka Australia oo an wax dhibco ah aan laheyn.
Dhanka kale Cayaar ka tirsaneyd guruubka C ayaa kusoo idlaatay barbardhac kadib markii ay ismari waayeen wadamada Maraykanka iyo Slovenia.
Labada xul ayaa kala helay min 2 gool labada qeyb ee cayaarta iyadoo Slovenia ay qeybta hore ee cayaarta ku hogaamineesay 2-0.
V.Birsa iyo Z.Ljubikanjic ayaa u kala dhaliyeen labada gool xulka Slovenia qeybta koowaad ee cayaarta.
Hase yeeshee cayaaryahanada Mareykanka ayaa muujiyay dadaal badan qeybta labaad ee cayaarta iyagoo awood u yeeshay inay iska soo gudaan labada gool ee lagu lahaaa.
London donavan ayaa gool u dhaliyay 3 daqiiqo kadib billaabashada qeybta labaad ee cayaarta, hase yeeshee goolkeeda barbardhaca ah ayay heleen Maraykanku 8 daqiiqo ka hor dhammaadka cayaarta waxaana neefta kusoo celiyay taageerayaasha Maraykanak M.Bradley oo ahaa dhaliyaha goolkaas.
Slovenia oo cayaartay 2 kulan ayaa guruubkaan C ku hogaamineysa 4 dhibic, halka Maraykanku oo cayaaray 2 kulan ay leeyihiin 2 dhibic.
Waxa kale oo caawa dhacday Cayaar ka tirsanayd Group C oo ay isku haleeleen xulalka Ingiriiska iyo Aljeeriya taas oo natiijadeedu noqotay inay ku dhammaatay barbar dhac 0-0 ah. Labadan xul oo kulankani u ahaa cayaartii labaad ee ay dheelaan, Ingiriisku waxa uu leeyahay 2 dhibcood iyada oo ay hore barbarro u galeen Maraykanka, halka Aljeeriya oo hore uu uga soo badiyay xulka hoggaaminaya Group-kan ee Slovenia ay ka leeyihiin Hal dhibic oo kaliya. 

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking