COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, June 8, 2010

Dacwad Lid Ku Ah Dawladda JSL (M/weyne Daahir rayaale)

Ujeeddo:- Warqad Furan (Open Latter) oo ku kala socota:-
"Maanta waa maalintii uu shaqayn lahaa Qodobka 8aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL ee ay muuqan lahayd in aniga iyo M/weyne Daahir R. K. aanu sharciga hortiisa ku leenahay Xuquuqo iyo Waajibaad siman"
KU: Madaxweynaha JSL, muadne Daahir Rayaale Kaahin
KU: M/weyne Ku Xigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, isla Markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Hawlaha Qaban-qaabada Olalaha u Diyaargarawga Tartanka Doorashada M/weynenimo ee JSL.
KU: Dhammaan Madax-Dhaqameedyada Beelaha JSL
KU: Dhammaan Xuquuqul Iinsaanka JSL
KU: Sadexda Urur Qareen ee JSL, iyo D/weynaha JSL

Mudane M/weyne; Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxaan kuu sheegayaa oo aan leeyahay;
Maanta waa xilligii M/wyne Daahir Rayaale Kaahin uu kala dooran lahaa;
• Muwaadinka iyo Jeebka TOTAL;
• Sharciga iyo Jeebka TOTAL;
Maanta waa maalintii uu shaqayn lahaa Qodobka 8aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL ee ay muuqan lahayd in aniga iyo M/weyne Daahir R. K. aanu sharciga hortiisa ku leenahay Xuquuqo iyo Waajibaad siman; Maanta waa maalintii Sharcigu sarayn lahaa; Maanta waa maalintii uu muwaadinka danyarta ahi ee mudada 12-sanadood daba socday uu xaqiisa si sahlan oo sharaf leh ugu heli lahaa sharciga hortiisa, iyadoo aan loo daba fadhiisanayn M/weyne Muwaadinkiisa ka doorbiday Jeebka TOTAL. Waa Maalintii mar labaad aniga iyo Shirkadda TOTAL-ba ay Maxkamadda Sare horteeda ku kala qaadan lahaayeen.

Mudane M/weyne waxaad ogtahay in adigu Kursigan Madaxweynenimo ee JSL aad 14/04/2003 ku heshay Xukunkii (Go’aankii) Maxkamadda Sare ee JSL ay ku go’aamisay in 80 Cod aad kaga badisay/heshay musharixii Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo, sidaas darteedna aanay jirin cid kaa carqaladaysay Fulinta Go’aankaas Maxk. Sare, oo si sahlan aad ku heshay Xuquuqdaadii Siyaasadeed ee ahayd xaqa aad u leedahay in loo doorto Xilka M/weynenimo sida ku cad Qodobka 22aad xubintiisa 2aad ee Dastuurka JSL. Sidoo kale waxaa lawada ogyahay in Anigana Maxkamadda Sare ee JSL sida ku cad Xukunkeeda Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 ay ii Xukuntay Xuquuq magdhaw iyo musharo dhan $ 1,69,966 USD (Boqol iyo Sagaal iyo Lixdan Kun, Sagaal Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) kana midka ahayd lacagta magdhawga iyo Mushaharka dhan $ 5,09,900 USD sadexda muwaadin ee Fulinteedu Lidka ku yahay Shirkadda TOTAL
Haddaba, Su’aalaha is weydiinta mudani waxa tahay (1) Maxaa sababay ee aniga iyo Madaxweynaha na kala fadilay ee isna Xukun ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL uu ugu helay xuquuqdiisii Siyaasadeed, anigana aan muddada 12-ka sanadood ah u daba socdaa helintaanka xuquuqdaydii Maxkamadda sare ay ii xukuntay?!! (2) Maxaa sababay in M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu haddido Shaqada Garsoorihii Maxkamadda Sare ee Fulinyey Xukunka Maxk. Sare Lr MS/1/200 ee 10/09/2000 (Eeg Warqadda uu qoray Garsoorahaasi ee Summadeedu tahay MS/102/01 ee 2/2/05 oo iskeed isu fasiraysa), waxaanan Madaxda Saxaafadda ka codsanayaa inay warqaddaas ku soo sawiraan saxaafadda si Ummadda JSL ay u arkaan waayaha Hawlwadeenada Garsoorkoodu ay ku sugan yihiin, warqaddaas oo marag cad u ah madax bannaani la’aanta Garsoorka Dalka iyo Baahida Dadka Dalkani ay u qabaan helitaan Caddaalad Garsoor oo Madaxbannaan, waayo dhibtu ma aha mid aniga igu eg laakiin Somaliland oo dhan bay saamaysay).
(3) Ma Waxaan sitaa Xukun ka soo baxay Dal Shisheeye (Foreign Judgement) oo Madaxweyne Daahir Rayaale uu diidan yahay inay Dawladdiisu Aqoonsato Xukunkaas?!! (3) Maxaa sababay in M/weynahaygu Daahir Rayaale si uu ii seejiyo xaqayga uu igu khasbo in sifo sharci daro ah aan ku qaato xuquuqdaydii?!! (4) Maxaa sababay in M/weynahayga dhiniciisa la iiga soo dhaco?!! (5) Qiime intee le’eg buu M/weynuhu siistay inuu hortaagnaado Xuquuqda Muwaadinkiisa, inuu ku Tunto Sharciga Dalkiisa iyoinuu bahdilo Maxkamadda Sare ee Dalka JSL?!! (6) Shirkadda TOTAL-se ma tahay mid maanta ku filnaanaysa oo u gelaysa bedelkii Muwaadiniintiisa?!! (7) Muxuuse ku Diidan yahay M/weynuhu inuu Muwaadinkiisa uga garaabo dhibta gaadhay isla markaana uu aqoonsado oo uu ixtiraamo Xukunka kama dambaysta ah ee dhaqan galay ee ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL iyo inuu ka faa’iideysto Aayadda ________ oo Sharafta uu ka raaco

Maanta waxaan ka dalbayaa Maxkamadda Sare inay Awoodeeda iigu Fuliso Xukunkeeda Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 eelacagta dhan $ 1,66,666 USD (Boqol iyo Lix iyo Lixdan Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) kana midka ahayd lacagta magdhawga iyo Mushaharka dhan $ 5,00,000 USD.
TAAGEERADA BULSHADA
M/weyne labadeenuba waxaynu u baahanahay taageerada dadka JSL, taadu waxa ku xidhan tahay xod-xodxodasho iyo olele. Laakiin taydu way ka duwan tahay taas, waayo in aniga ay itaageeraan waa mid ay dhammaan dadweynuhu ku khasba yihiin, waayo anigu waxaan ilaaliyey Sharaftooda iyo Xuquuqdoodiiba oo mudaas 12-ka sanadood ahaa ee aad I silcinayseenba may dhicin inaan sharciga gacantayda ku fushado, maa dhibaatayn, maan afduubin manaan layn Gaalada iyo dadka ajaanibka ah ee Shirkadaha TOTAL iyo MEG-ba mudadaasba aniga ayuunbuu ahaa ciddii dhibaatoobaysay ee aad xidhayseen ee mudaaharaadayey. Waxaan ilaaliyey sharafta Qabiilkayga, Sharafta Deegaankayga Sharafta M/weynahayga, Sharafta Dadkayga iyo Dalkaygaba. Waxaan ku sugnaaday waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL. Sidaas darteed xaq baan aniguna ugu leehay inay ii hadlaan oo iyana ay ilaaliyaan xuquuqdayda, waayo jidh qudhaataanu nahay oo haddii xubini wax noqoto jidhka intiisa kalena ay la damqanayaan.
M/weyne waad ogtahay oo maalin qudhaata adiga iyo marxuum Cigaalba umaan soo kaxaysan Odayaashayda iyo Masuulinta Qaranka ee kazoo jeeda Qabiilkaygaba, kuwaasoo aad ogtahay inay yihiin Rag aan dhinacooda looga soo dhacayn dadkooda iyo dalkoodaba, way la socdaan qadiyadayda waxaanay eegayaan sidaad ka yeeshaan, waxaanay igu ogyihiin inaan ku ekaado Sharciga oo aanan wax dhibaato ah geysan.

Waxaan ka codsanayaa Madax dhaqmeedyada Beelaha Somalilanba, dhamaan Ururada Qareenada, Ururada Xuquuqul Iinsaanka, Madax Dhaqameedyada Beelaha JSL iyo Dhammaan D/weynaha JSL inay isha ku hayaan Dacwaddaydan oo ay la socdaan in M/weynuhu uu Dib u Amro Taliyaha (Jananka) Booliska JSL inuu is hortaago fulinta Maxkamadda Sare, waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa “ISAAQ LABA KA XEERAN”.
Madaxweyne waxaan ahay Qof Muslim ah, Qofna ma Dili Karo, Isma Qarxin Karo Toban Sanadood in kabadana Masii Dacwoon Karo, Helitaanka Xuquuqdaydana Ugama Hadhi Karo Xad-gudub iyo Awood Sheegasho Madaxweyne. Qormadaas waxaa ay maalmo kala dambeeyey ay kusoo kala baxday afarta wargeys ee kala ah HAATUF 27/11/2008; OGAAL 27/11/2008; WAAHEEN 30/11/2008 iyo GEESKA AFRIKA 30/11/2008. qoralkan oo iskii isu fasiraya Madaxweyne Daahir Rayaale muu sii wax ahmiyad ah (pay no attention), lakiin anigu waan ku nefisay qormadaas oo culays cadho, ciil iyo cadaadis badan oo i haystay ayaa iga dhacay. Waayo waxaan ahay DHEG XUMO NIMAAN DALKIISA LA JECLAYN OO XUMO LAGU KHASBAAYO. Waxaan gutay waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Iyo Xubnaha Kale ee Xisbiga UDUB Ma U Qabsoomi Doonaa oo Ma U Dhawrsanaan Doonaa Madaxweyne Daahir Rayaale?!!
Way adag tahay taasi inay dhacdo, waayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah runtii Qof Muslim ah oo Masuul dawladeed ah, ayaa waxaa dhacday in beri aan ku khaldamay oo aan ku Mudaaharaaday, oo isaga aan mooday inuu hor istaagay Waraankii Maxkamadda Sare ee Ujeedadiisu ahayd AMAR SOO QABASHO (MAAREEYAHA SHIRKADDA TOTAL Si Waafaqsan QOD: 95 XHC ee Summaddiisu tahay MS/102/2001 ee ku taariikhaysnaa 30/01/2003 ka dib markii maareeyahaasi uu ka dhego adayga inuu u hogaansamo oo uu Fuliyo warqadda Maxkamadda Sare ee MS/769/2002 ee ku Tr: 29/12/2002 ee hore loogu Amray bixinta Mushaharkaygii. Kadib markii aan ku Mudaaharaaday M/weyne Xigeenku wuxuu isoo diray Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Dr. Maxamed Ismaaciil Burco, markii aan u tegay wuxuu ii sheegay in aanu isagu isagu is hortaagin Fulintii Maxkamadda Sare Laakiin ka dib markii uu waydiiyey Taliyaha (Jananka) Booliska JSL, wuxuu u sheegay in M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu bixiyey Amarkaas, dabadeed M/weyne ku Xigeenka waxaan ka dalbaday inuu iska kay saamaxo, wuuna iga aqbalay, waxaanan u sheegay M/weyne ku Xigeenka inaan iminku sharaftaadii aan dib kuugu soo celin doono oo Telefishanka iyo Saxaafadaba ka sheegi doono in Cidda Fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare hor istaagtay uu ahaa M/weyne Daahir Rayaale, cidda ii sheegtay ee ii xaqiijisay warkan dambana uu yahay M/weyne ku Xigeenka JSL. Markii aan ka soo baxay kadinkiisa ayuu askartii iga soo daba diray M/weyne ku xigeenku oo uu iyeedhay, wuxuuna iga dalbaday inaan iska aamuso oo aanan cidna u sheegin oo aan iska dulqaato oo isaga aan berito ugu imaado Xafiiskiisa M/tooyada. Subaxdii markaan ugu tegayna Xafiiskiisii ayuu igu yidhi isug waxaan u gelayaa M/weynaha, cabaar markuu iga maqnaa buu M/weyne ku xigeenkii ii soo noqday isagoo wejigiisu bedelan yahay, wuxuuna igu yidhi laba cisho dabadeed ii kaalay. Laba cisho kadib ayaan haddana Xafiiskii M/weyne ku xigeenka aan ugu tegay, sidii hore oo kale ayuu igu yidhi waar bal xafiiska sii fadhi aan u tago M/weynaha, kadib markii uu iga tegay ee uu hal cabbaar ah iga maqnaa ayuu Madxweyne ku xigeenkii uu igu soo noqday dabadeed waxaan wejigiisa aan ka gartay inay ku adkaatay arintii oo uu marsiin waayey M/weynihii, isla markaana aanu iisheegi Karin waxa ay is yidhaahdeen. Intaan iska kacay ayaan ku idhi mudane M/weyne iga raali ahaw hawl culus baan ku geliyey, iskana kay saamax khaladkaygii hore, sidaad jeceshahayna waan yeelayaa oo waan iska samrayaa oo adiga dartaana waan u adkaysanayaa gefkaas M/weynaha.
Haddaba, muddo yar dabadeed, ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya Baahidayda iyo duruufaha adag ee igu xeeran ayuu M/weyne daahir Rayaale Kaahin wuxuu soo saaray Qoraalkiisa Xaaraanta ah ee Summaddiisu tahay JSL/M/TOT-001/02004 ee ku taariikhaysan 23/02/2004, isagoo M/weynuhu xuquuqdaydii Mushaharo ee Maxkamaddu ay ii xukuntay ku sheegay inay Baqshiish ahaan u qaato oo aan saxeexo inay baadil ahaayeen dhammaan xukunadii iyo Tallaabooyinkii Xuquuqda ku saabsanaa oo dhan.
Kumuu cibro qaadan in hortii jireba (Marxuu Cigaal) isagoo noolba ay socon weyday Warqaddiisii DUUDSIGA Xuquuqdayda ahayd ee summadeedu tahay JSL/MMXS/100-007/112000 ee ku taariikhaysnayd 4th November 2000 iyo Maxkamaddii Gaarka ahayd ee ka koobnayd 5-ta Guurtida ahayd ee Kiiskayga Baabiintiisa uu u samaystay, Maxkamaddaas oo Golaha Baarlamaanku Cod Buuxa oo Sare Joog ah ay laaleen sharcinimadeeda, waayo anigu dadka JSL baan la xaq iyo Xuquuqba wadaagaa, oo dabinka loo dhigo xuquuqdayda JSL oo dhan baa gelaysa.
M/weynuhu wuxuu ilawsan yahay in dalkani uu leeyahay qawaaniin lagu kala socdo oo ilaalinaya Xuquuqda Muwaadinka iyo Maxkamado aqoonsan Xukunkooda oo difaaca Xuquuqda Muwaadinka.!!

Xaaladdu si kastaba ha ahaatee, Maanta maadaamaa M/weyne ku xigeenku uu yahay Guddoomiyaha Hawlaha Qaban-qaabada Ololaha Doorashada M/tooyada ee Xisbiga UDUB, anigu waxaan qabaa inay tahay fursad uu M/weynuhu ku qancin karo si waadiniinta uu uu u tuso inay ka noqdeen khaladaadkoodii Maamul in M/weyne Daahir Rayaale uu Faraha kala baxo Arinkan isla markaana uu Amro Shirkadda TOTAL inay Ololaha Doorashada horteed ay keento Maxkamadda Sare horteeda lacagta dhan $ 1,66,666 USD (Boqol iyo Lix iyo Lixdan Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) ee Shirkadda TOTAL ay Damiinal-maalka ka ahayd ee ku cad Xukunka Maxkamadda Sare ee Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 ee ka midka ahayd lacagta dhan $ 5,00,000 USD.
Bar-Is-Marinwaaga
Mawqifyada aanu kala taaganahay ee aniga iyo M/weyneyaashu aanu isku mari la’nahay waxay tahay sidan;
• M/wyne Daahir Rayaale Kaahin: - waxaa Ka Go’an inuu i Xaq-seejiyo, oo Lacagtii Laga Qaaday Shirkadii MEG ee Lunaaniyiinta ahaa ee TOTAL ay Damiinal-maalka ahayd la lunsado oo aniga aan la isiinin, oo si aan loo helin Raadraac iyo wax Cadayn ahba oo ku saabsan Dhibtii Caafimaad Daro ee i gaadhay aanay dhicin inay Maxkamadda Sare Meelmariso Xukunkeeda;
• Aniga: waxaa iga Go’an in sifo Sharci ah mooyee aanan aqbalin Xoog-xoog iyo Qarjajac M/weyne oo aan daba Taagnaado helitaanka xuquuqdayda iyo Fulitaanka iyo Meelmarinta Xukunka Maxkamadda Sare;
• Maxkamadda Sare:- Waxaa Ka Go’an inay Fuliso Xukunkeeda oo Awoodeeda (gacanteeda) ay ugu soo qaado kuna bixiso kadib marka sidaas ay soo dalbadaan ciddii Loo Fuliyaha ahayd ee lahayd Xuquuqdaa Xukuman

Furashada Dacwad Maamul oo Lid Ku Ah Dawladda JSL
Waxaan ahay maanta Nin Looyar ah (Lawyer), waxaanan Maxkamadda Sare ee JSL aan ka Furanayaa Dacwad Maamul oo Lid ku ah magaca Dawladda JSL oo aan ku Dalbayo inay Dawladda la iga siiyo keligay Magdhow dhan $ 1, 000, 000 USD (Hal Milyan oo Doolar) oo ka badan kan TOTAL la iigu fulinayo ee M/weynahaygu uu ku mashquulay siduu ii seejin lahaa, magdhawgaas oo ka dhashay Maamul-Xumada (Maladministration) iyo Masuuliyad-darradda Madaxweyneyaashu kala dambeeyey ee Marxuum Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal illaahay ha u naxariistee oo qabriga ha u nuuree M/w. Daahir Rayaale Kaahinka maanta oo Dhibaatadii, Silicii, Rafaadkii, Naxdintii iyo Hagardaamooyinkii kala duwanaa ee isugu jiray (Physically, Morally, and/or psychologically) ee mudadaas 12-ka sanadood kudhowaadka ah ay ii geysteen oo iyagoo huwan Shaadhka Dawladnimo oo si khaldan u adeegsanaya Karaamada iyo Awoodda Masuuliyadeed ee Dawladnimo (Power abuses) iyagoo aan marqudhaataba ku xisaabtamin inay iyagu aniga i metelayaan oo ay ka masuuliyihiin ilaalinta Muwaadinka JSL ee Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba, inay gutaan waajibaadkaas iska daayoo ay kolba is hortaagayeen Maxkamadda ii Fulinaysa Xuquuqahayga, magdhagaas oo uu ku jiro labada jeer ee M/weyne ahaan aad sababteen in Dhismahaygii Qoysnimo uu ku Burburo daba socoshada Fulinta Xuquuqahayga. Waayo Dawladda JSL ma aha mid u taagan (udhisan) inay Dadkeeda Dulmida oo xaq-seejisa, mana aha aha mid Sharciga ka saraysa, mana aha mid aan qabsoomayn oo dadkeeda ka garqaadan weyda. Laakiin waa dawlad leh Qiyam (Values) oo sida Dawladaha Caalamka u taagan inay ilaaliso xuquuqaha aadamaha, oo khaladaadka maamul ee ay cidda metelaysa Magaca iyo Masuuliyadda Dawladdu diyaar u ah inay Sharciga hortiisa ka garbaxdo. Markaa Maxkamadda Sare ee JSL ayaa aniga iyo Qareeno badan oo Somalilander ah oo I barbartaagani aanu dhowr cisho kadib ka furaynaa kiiskaa Maamul ee aan Ku Dalbayo Magdhawga Maamul (Administrative Remedies).
Haddii Madaxweynaha JSL uu si cad Dadweynaha JSL hortooda uu uga qirto khaladaadka Maamul ee ay iga galeen, isla markaana uu si cad carabka ugu dhufto inaan ahay muwaadin Somalilander ah oo Sharciga xagiisa u ciirsaday oo Dawladiisu ku khaldantay, hadday taasi dhacdo anigoo eegaya karaamada iyo dhaqanka suuban ee ummaddan ayaa sababtaas darteed wax badan oo xuquuqdayda ah aan ka tanaasuli doonaa. Haddii kale, oo uu is adkeeyo Madaxweynuhu Sharcig hortiisa ayaanu ku xisaabtami doonaa.
Dacwaddan oo lid ku Dawladda JSL si waafaqsan Qodobka 97 aad xubintiisa 1aad, ee Dastuurka JSL waxaa oogisteeda ila geli doona looyaro dhawr ah oo Somalilander ah. Sidoo kale waan soo dhawaynayaa looyar kasta oo iga taageera arinkaas oo ila soo gala dacwaddaas oo ila difaacaigala dooda Maxkamadda Sare horteeda Xuuqda Muwaadinka ee magdhaw ahaan uu aka mudan yahay dawladdiisa. Lacagtaasi waxay ahaan doontaa mid laga saari oono jeebka daDawladda, oo lagu sunti faylkana loo gelin doono M/weyneyaasha oo ah khaladaadka Maamul xumo ee dadka muwaadiniinta ah ay soo gaadhsiiyeen
Qaddarka lacagtu ma aha muhiimadda Oogidda Dacwadda, laakiin Qaddiyadda ayaa muhiim ah, si tusaale ay ugu noqoto madaxda dalka, oo la arko in Dawladdu ay tahay mid aan u taagnayn inay dadkeeda dulmido magdhawna(Xaalna) ka bixiso dhibta gaadha muwaadiniinteeda.

ARRINBA ALLAA ISKA LEH
Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salidhige)

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking