COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, June 10, 2010

MAANTA DALKEENA CADAW INAMA XUKUMO, HADDANA DIB AYEYNU U FAQASHOOBAYNAA!!

Maamulkii dawladii Soomaaliya waxaynu ula dagaalanay ee ay uga goosanay waxay ahayd Dulmi iyo Dhibaatooyin fara badan oo ay inaga galeen, kuna tacadiyeen xuquuqaheenii, waxaana aynu u bixinay FAQASH. Waayo nidaamka maamul ee meeshaan ka dhisnaa oo ahaa Kacaan Meliteri ayaa wuxuu ahaa mid caddaalad in lahelo aan xaqiinayn, xuquuqaha dadkana aan difaacayn.
Sidoo kalena madaxdu waxay ahaayeen kuwo aan runta isu sheegi kari oo kala habrada, oo aan lahayn kudhac kooda khaldama ee xadgudbaya ay iskaga qabtaan. Haddaba, Ereygan “FAQASH” wuxuu ka mid noqday erayada cusub ee ku soo biiray Af-Soomaaliga, ayaa anigu buug aan qoray waxaan ku micneeyey sidan ‘FAQASH’= waa ‘Maamul kasta (Every Regime) oo ku xad gudba Nidaam iyo Shuruuc u Dejisan Ummad (Dal), wanaaga aan isfarin, Xumaha aan iska reebin, Runtana aan isu sheegi Karin oo kala habrada’. Sidaasna cid kasta oo ku sifowda ama yeelata sifooyinkaasi waa FAQASH. Markaa FAQASH ma aha sifo iyo magic ay leedahay cid gaar ahi, laakiin waa sifo/magic taagan xilli kasta iyo meel kastaba oo lagu tilmaansan doono cid kasta oo ku sifowda ama yeelata tilmaamahaas sare aan ku soo sheegnay. Markaa hab-dhaqankaasi waa mid ka wada muuqda dhammaan madaxda maamulka Dawladda iyo Hay’addaha gaarka ahba. Sidaas darteed haddii aynu sidan sii ahaano oo madaxdeenu ay runta isu sheegi kari waayaan, khaladkana iska qaban waayaan oo lakala habrado, waxaa dhici doonta in la inagu salididoono qoom kale oo ku jira dhabarkeena oo ka dhiidhiya xumaha oo dalka dib inooga xorayndoona.

Tilmaamahaas FAQASH waxay lid ku tahay Dhaqanka wanaagsan ee awooweyaasheen aynu ka soo dhaxalnay iyo Diinteena suuban ee Illaahay (SWT) uu inagu manaystay, waxaanay lid ku tahay oo ay ka soo horjeedaa “GOBONIMO” waxaanay u dhigantaa “GUNIMO”. Aayadda boqol iyo tobnaad (110) ee Suuradda al-Cimraan ee Quraanka Kariimka ah wuxuu Illaahay uu inagu sifeeyey inaynu nahay Ummad Tii ugu Khayrka badan, waayo waxaynu nahay Kuwo Wanaaga isfara, Xumaha iska Reeba, oo illaahay (SWT) Aaminay.

Sidoo kale, sifaha habdhaqan ee ‘FAQASH’ wuxuu yahay mid dhaawacaya oo meeshaba ka saaraya xuquuqda ‘Xorriyadda Dammiireed’ ee Ummadeena. Bal dib u eeg madaxda dawladeena Xukuumadda, Baarlamaanka, Garsoorka, saddexda Xisbi Qaran, Shirkadaha, iyo ururada gaarka ah ee rayidka.

Waxaynu wada ognahay muddo konton sanadood (50th Years) ah (1960kii ilaa iyo maanta 2010) in dadka dadkani JSL aanay mar qudhaata ku xasilin wax Dawlad-wanaag ah, oo ay ahaayeen kuwa mudadaasba kusoo jiray Qax iyo kacaa-kuf. May jirin cadaw shisheeyo oo dibada uga soo dhacay. Laakiin dadka iyaga (JSL) ka dhasha ee aqoon yahanada iyo madaxda u ah ayuunbaa ah cadawga qudhaata ee sababaya, kuwaasoo aqoontoodu, fikirkooda iyo hab-maamulkoodu aanay ahayn kuwo ka turjumaya inay daboolaan baahdi horumarineed ee ay qabaan, sidoo kale aan ahayn kuwo ku salaysan kana soo jeeda dhaqanka, hab-u-fekirka, diinta suuban iyo duruufaha bay’adeed eek u xeeranba. Shaqaduna (U-shaqaynta Dawladda) waa guumaysiga keliya ee dalka ka jira.

Haddaba, waxaa is waydiin mudan MAANTA DALKEENA CADAW INAMA XUKUMEE, MAXAA SABABAY IN DIB AYNU U FAQASHOWNO?!!

MADAXNIMO IYO DAWLADNIMOOY MAXAAD TAHAY?!!

Qof kasta oo muwaadin ah waxaa waajib uu ka saaran yahay inuu ka fekero oo uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo, oo uu derso/baadho halka sartu ay ka qudhunsan tahay ee ay dawladnimadeenu ay ka xidhmi la’dahay, ee sababaya in dib aynu u faqashowno iyo sababta dawladnumadeenu ay u noqonweyday mid xaqiijisa himilooyinkeenii oo dadkeedana ilaashata oo ka shaqaysa horumarkooda.
Haddaba, anigoo muwaadin Sharciyaqaan (Lawyer) ah ayaa haddii Alle idmo waxaan halkan saxaafadda madaxa bannaan ee JSL aan ku soo bandhigi doonaa qormo taxane noqondoonta oo cinwaankeedu yahay QIIMO-DHACA SHARCIGA, QABYADA DAWLADNIMO IYO HABAYACSANAANTA SHARCIYAQAANKA JSL, Qormadaydan oo ah natiijadii kasoo baxday kana dhalatay baadhitaan dheer oo sharciyeed (Legal research) oo hore nooceedu aanay dalka uga dhicin oo deraasad aan ku sameeyey dhammaan aasaaska sharci ee dhismeyaasha Dawladda, Xisbiyadda iyo guud ahaanba xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dalka. Waxaay ka waramaysaa Mushkiladaha Madaxda, Siyaasiyiinta iyo Sharciyaqaanada dalku ay ku hayaan dadkooda dan yarta ah.

By: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-dhige)
e-mail address: dalabcilmi99@gmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking