COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, June 20, 2010

Beesha Bariga Hargeysa ( ISAXAAQ) oo taageertay Xisbiga UCID

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa shalay xaflad ku qaabilay Beesha bariga Hargeysa oo ku dhawaaqday inay taageradoodii ku biiriyeen xisbiga UCID.
Xafladaas oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Inji, Xoghayaha arrimaha Gudaha Maxamed Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo oo Golaha dhexe ee xisbiga ka tirsan, madaxda iyo taageerayaasha beesha bariga Hargeysa ee ee sida xoogan taageeradooda ugu soo wareejisay xibsiga UCID.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe oo xafladaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey beesha bariga Hargeysa ee taageerada u fidisay xisbiga UCID, isaga oo sheegay inay yihiin cidda keliya ee ka dhinnayd. “Hargeysa waxa ay ka koobnayd Afar dhadhaar, haddii dhadhaarkii Afraad maanta xisbiga ku soo biiray waa alxamdulilaah. Waxa ay digniin u noqonaysaa shakhsiyaadka doonaya inay foodka Gobolka Hargeysa iga gacan-maroojiyaan oo meel kale geeyaan.” Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Maanta waxa halkan fadhiya Cumar Sulub Caalin oo reer Hargeysa ah, Xuseen Xaaji Axmed Il-dab oo reer Hargeysa ah, Maxamed Ibraahim oo is-na reer Hargeysa, Werdi Baasbaas oo reer Hargeysa iyo Faysal Cali Waraabe oo is-na reer Hargeysa, xaggee laga marayaa waa taase..Ardaagii shanaad ee Oodweyne ilaa Berbera ka soo duulay-na waxaa Wakiil ka ah Caddiraxmaan Cirro [Gudoomiyaha G/Wakiilada], kii lixaad ee Gabiley-na waxaa wakiil ka ah Muuse Inji [Xoghaya Guud]. Markaa Gobolkii la odhan jiray Waqooyi galbeed wuu is raacay.”
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in xisbiga UCID ka samaysmay dhibaatada hogaan xumo ee waddanka ka jirta, “Walaaloyaal xisbiga UCID waxa uu ka samaysmay ilaahay ayaa nagu oge hogaankii siyaasada waddanka oo inaga saqiiray, markii waddanka la xoreeyey ee aynu ka badbaadnay wixii dhibaato inagu dhacday ee aad ogaydeen sidii aynu u dagaalan-nay, oo aad ogaydeen ballantii aynu ilaahay la galnay ee ahayd haddii ilaahay inaga qabto Fircoon [Afweyne] oo uu xasuuqa inga badbaadiyo inaynu Kitaabka ilaahay iyo sunnaha rasuulka isku xukunno. Ballantii aynu kala baxnay siyaasiyiintii hirgelin wayday ee isku bedeshay inay Ceerigaabo dagaalanto, Berbera isku dirto, reer Burco isku dirto, markii dambena reer Hargeysa isku dirto. Horta taasaanu ka dhalan-nay inaanu soo saarno hogaan wanaagsan oo ilaahay ka baqaya oo dadka mideeya oo aan isku dirin.”
Waxa uu baaq u jeediyay dadweynaha reer Hargeysa, waxaanu yidhi “Hargaysi waxa ay ahayd halkii laga bilaabay halganka Soomaali oo dhan, inaga ayaa siyaasada Somaliland iyo ta Soomaaliya-ba hayn jirnay. Maanta wanaaga u bilaaba, oo foodkiinu [codkiinu] halka uu maro ayay dadka kalena marayaan, oo waa inaad Somaliland u hiilisaan annaga ha noo hiilana’e. Somaliland maanta waxa ay u baahan tahay in la badbaadiyo, labada xisbi ee kale [KULMIYE iyo UDUB] mid-na ma badbaadin karo ee yaan been la diin sheegin oo dalka isuma ahayn karaan. Maanta-na UCID ayaa dalka isku hayn karta oo dadka midayn karta. Annagaa war-qad cad haysana, macnaheedu maaha UDUB ayaan ka baxay oo KULMIYE ayaan galay, dee ilaahay dadka dib uma abuuree kii shalay UDUB joogay ayuum-baad tahay. Markaa maaha inay kooxi inagu war-wareegto oo intay kolba Albaabka ka baxdo hadana daaqada ka soo gasho, taasi wax-ba ma kordhinayso. Annagu 18-kaa sannadood ciddii talo dalkan ka soo qabtay, waxa aanu leenahahay idinku Jaanis ma lihin ee wakhtigiinii waad soo cunteen.”
Mar uu Guddoomiyuhu la hadlayay Beesha ku biirtay Xisbigooda, ayaa wuxuu yidhi, “Waxa aan leeyahay Beeshan maanta soo biirtay, dawlada Rayaale laba Wasiir ayaad ku leedihiin, ee dawlada UCID idinka ayaa wada-wasiir noqonaya oo qof weliba isaga ayaa lacag helaya oo shaqaysanaya.”
Waxa is-na halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa aad maanta og tihiin inaynu ku jirno wakhti doorasho, marka ay doorasho joogtana dadka waxa la siiyey inay wax kala doortaan. Maanta waxa ina hortaala fursadaa qaaliga ah ee laga yaabo inaanay ina soo marin shanta sannadood ama lixda sannadood ee soo socda. Markaa waxa aynu u baahan-nahay inaynu u hubsano meesha aynu codkeena dhigayno, oo codkeena yaynaan ku dooran shan sannadood oo biyo la’aan ah. Sannadkii 2000-dii ayaan soo degay Waaxda Gacan-libaax Weli Qasabad kamaan cabin oo guriga aan ku jiro weli Qasabad lagama cabin. Imikana waxa aan degenahay Maxamuud Haybe, iyadana gurigeyga qasabad lama cabo. Tobankaa sannadood ee aan Hargeysa ku noolaa weli qasabad kamaan cabin ee Booydan ayaan ka dhaansadaa. Ma waxa aynu dooranaa shan sano oo dambe oo biyo la’aan ah? ‘MAYA’ Maxa aynu dooranaa shan sannadood oo tahriib ah ‘MAYA”. Walaaloyaal hadaba codkiina sii xisbiga UCID.”
Gudoomiyuhu waxa sheegay in dhab tahay in xisbiga UCID waddanka ku xukumi doonbo shareecad Islaamka, isla markaana uu wax badan ka qaban doonoo baahiyaha iyo kaabashayda bulshada ee sida weyn u dayacan.
Waxa iguna halkaas ka hadlay Werdi Basbaas, Caaqil Xasan Aadan Jirde iyo Oday Xuseen Geele Abokor oo dhamaantood ku hadlayay magaca beesha bariga Hargeysa ee taageradooda ku soo biirisay xisbiga UCID, oo sheegay inay xisbiga UCID ugu soo biireen, ka dib markii ay u arkeen inuu yahay xisbiga Somaliland ka saari karaya xaalada adag ee uu ku jiro, iyaga oo si buuxda u xaqiijiyey in ay codkooda iyo taageradooda-ba siinayaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking