COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, June 14, 2010

Warsaw: Basaas ka tirsan Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD oo loo xidhay dilka hoggaamiyihii garabka hubaysan ee Xamaas

Hargeysa (Nnn)- Wakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Yuhuudda ee Mossad oo lagu eedaynayo inuu ku lug lahaa dilka hoggaamiyihii garabka hubaysan ee ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas oo lagu dilay magaalada Dubai ayaa lagu xidhay waddanka Poland.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Uri Brodsky waxa lagu wadaa in la isku dhaafiyo waddanka Jarmalka oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay samaynta baasaaboorka Jarmalka oo been abuur ah kaas oo u adeegsaday mid ka mid ah kuwii fuliyay hawlgalka dilka ah.
Hoggaamiyihii ururka Xamaas Mr. Mahmoud al-Mabhouh, oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibka u taagay garabka hubaysay ee ururka, waxa 20kii Jeenwari ee sannadkan maydkiisa laga helay huteel ku yaala magaalada Dubai.
 Mahmoud al-Mabhouh oo ku socda qolkiisas
Masuuliyiinta dalka Poland ayaa sheegay in Brodsky oo u dhashay Israel, lagu qabtay waaran xadhig oo midowga Yurub ku rogay ka dib markii uu ka soo degay madaarka caasimadda Poland ee Warsaw.
 Mid ka mid ah dadka dilka gaystay oo iska dhigaysa inay ku hadlayso telefan
Dhinaca kale, masuuliyiinta Jarmalka ayaa sheeganaya inuu baasaaboorka ku helay isla markaana kaga qaatay masuuliyiinta magaalada Cologne magaca ninka kale oo magaciisa lagu sheegay Michael Bodenheimer. Waxaana lagu eedaynayaa inuu khiyaameeyay shaqaalaha isaga oo sheeganaya inay qaraabo yihiin qoys Yuhuud ah oo lagu magacaabo Bodenheimer 
kuwaas oo sannadadii soddomeeyihii ay ciidamadii Naazigu ka caydhiyeen gurigooda.
Sida sharciga Jarmalku dhigayo, qaraabada dadkii lagu baro-kiciyay ama lagu laayay xilligii hawl-gallada isir-nacaybka ee Naaziga, waxa loo ogolyahay inay muwaadiniin ka noqon karaan dalka Jarmalka.
Warbixin maanta lagu daabacay majallada Jarmalka ka soo baxda ee Der Spiegel, waxa shaaca lagaga qaaday in wakaaladaha booliska caalamiga ah ay Mr. Brodsky dhowr jeer arkeen isaga oo u socdaalaya magaalada Dubai ka hor bishii January ee shirqoolku dhacay. Masuuliyiinta Jarmalka ayaa sidoo kale ku andacoonaya inay hayaan caddayn muujinaysa been abuur ay Mossad ku samaysay ciwaanka guriga la siiyay Brodsky.
Xidhitaanka ninkani waxa uu dhibaatooyin khatar ah u soo jiidayaa Israel oo hore u beenisay inay ka dambeeyeen dilkii al-Mabhouh.




 Mahmoud al-Mobhouh

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking