COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, June 17, 2010

Reer Oodweyne oo Roog Cas ku qaabilay Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE

Oodweyne(Nnn)- Dadweynaha Oodweyne, ayaa soo dhawayn diiran u sameeyay Murashaxa xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Axmed-Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayay oo shalay ololaha doorashada u tegay degaankaas, waxay reer Oodweyne ku qaabileen oo ay u dhigeen Rooga cas iyo Miyuusikada Baamboyda ee astaanta u ah qaabilaada Madaxweyneyaasha.
Weftiga KULMIYE oo hadal u jeediyay taageerayaashooda KULMIYE, waxay dadkaa reer Oodweyne uga mahadceliyeen siday ugu qaabileen degaankaas.
“Waxaanu kuu xaqiijinaynaa in beelahaa Oodweyne ay ku bahoobeen in maanta magacaa KULMIYE ay dhisaan,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobollada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Waxa uu sheegay in Rooga cas ee loo dhigay Axmed-Siilaanyo ay ka tarjumayso taageerada reer Oodweyne u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana fikirka qaabilaada Roogaa cas uu ka dambeeyay Xildhibaan ka mid ah xubnaha golaha Wakiillada ugu jira xisbigaas. “Aad baanu idiinka mahadnaqaynaa sida laxaadka leh ee qiimaha leh ee aad magaalada noogu soo dhawayseen,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo isna hadal u jeediyay taageerayashooda Oodweyne.
Murashaxa KULMIYE waxa uu sheegay in dalku isbedel u baahan yahay, isla markaana ay ka dhabayn doonaan haddii ay talada qabtaan, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay barnaamijkooda siyaasadeed.“Walaalayaal, markii uu baaba’ay xisbiga UDUB waxay Xukuumadda Rayaale miciin ka dhigatay inay tidhaahdo ‘hadii xibiga Kulmiye ku guulaysto doorashada dalka, wuxuu eryayaa wax shaqaale dawladeeda ah.’ Anagu waxaanu leenahay sharci buu ku joogaa, laakiin qofka hawshiisa ka soo bixi waaya waa sharci in la eryaa,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeyo) iyo masuuliyiin kale oo iyana hadalo kooban halkaa ka jeediyay, waxay dadweynaha reer Oodweyne uga mahadceliyeen siday weftigaa u soo dhaweeyeen.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking