COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 30, 2010

Xisbiga talada haya ee UDUB oo Komishanka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada codbixinta sheegtayna in deegaamo badan oo lagu shubtay

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa galabta Komishanka doorashooyinka Qaranka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada ku meel gaadhka ah ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishan June, oo ay sheegeen in degmooyin badan lagaga shubtay.
Xisbiga UDUB waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha olalaha doorashada Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxaanay shir-saxaafadeedkaasi ka akhriyeen qoraal u qornaa sidan:-
“Sidaad la wada soctaan doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoontay Ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga Somaliland.
 Foolxumada iyo Weji-gabaxa ka muuqda Masuuliyiinta UDUB
Waxaase jirta dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada Maroodi jeex degmadiisa Gabiley gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo Buhoodle, Sanaag degmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar’adag gobolka Sool degmadiisa Caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa 26 Juun iyo Axmed Dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Haddaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid nabadgelyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu mas’uul ka yihiin.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo aan weydiiyay su’aal ahayd inay deegaanadani ay yihiin kuwa ay ku badan yihiin taageereyaasha mucaaridku oo ay ka gal galanayaan natiijada Komishanku soo wado, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaad moodaa in su’aashaasi in aanay toosnayn sababtu waxa weeye Anagu markaanu xisbiga UDUB nahay gobol ama degmo noo gaar ahi ma jirto. Anaga dalka degmooyinkiisu way noo siman yihiin.
Waxaanu kuu sheegnay meelihii ay khaladaadku ka dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in lagu tacadiyay xuquuqdii muwaadinimo waana lagu shubtay doorashadii deegaanadaasi.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking