COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, June 28, 2010

Sababaha ka dambeeya guushii ay somaliland dadkeedu ka soo hooyeen , doorashadii dhacday‏

Waxaan salaamaya , oo aan ugu hamabalyeynayaa guusha doorashada, ee ay ku farxeen dhamaan shacabweynaha somaliland meelkasta dunida ha ka joogaane , bacda salaan , waxaan isku dayi doonaa , inaan aragtidayda ku iftiimiyo arrin aanu soomalida kale oo dhan dheeraanay , oo ilaa hadda aanay iyaguna dhaadsanayn , balse ah , lix tiir oo ay somaliland maanta ku tiirsan tahay , alle ( s.w.c ) ka sokowna , aanay halkaas maanta somali oo dhami majiiranayso soo gaadheen , hadaanay jirin , lixdaa qolo oo aan aniga iyo inta ila aragtida ahi u aqoonsan yihiin , tiirarka dhabta ah , ee ay ku taagan yihiin guulaha ay somaliland gaadhay intii ay xoriyadeeda la soo noqotay , isla markaana aan ku guubaabin lahaa inay somalidan arrinteeda xalka loo waayey , inay nagaga daydaan , hadaanu nahay qaranka somaliland iyo dadkiisa.
Bal aan carabaabo anigo mid mid u kala qaadaya lixdaa tiir ee somaliland ay ku faanto oo aanu dheernahay wixii la odhan jiray shanta somaliwayn
(1) Askari , daacadnimo iyo akhlaaq wanaag isku darsaday
(2) Suxufi , daacadnimo , dhiiranaan iyo dhexdhexaadnimo isku darsaday
(3) Guurti , daacadnimo iyo xaqsoornimo isku darsaday ( f.g : guurtidu maaha 82 golaha noo fadhida oo kaliya ee waa qof walba oo nabada iyo wanaaga ka taliyayaaba isla markaana dadka isku soo jiida )
(4) Siyaasi aan axmaq ahayn oo dadkiisa iyo dalkiisaba u naxa , oo harag-daamada ka ilaaliya
(5) Sheekh caalim ah , oo sida alle iyo rasuulkiisu , raalida ka yihiin , caamada diinta ugu bayaamiya oo aan jaahwareer ku ridin
(6) Shacab dantooda u heelan oo kala garanaya wixii u dan ah iyo wixii dhib u horseedi kara

Aan mid walba taabtaabto waxqabadkiisa anigoon buunbuuninayn
(1) Waxqabadka askariga somaliland
Askari somaliland waa mid aan ku fikirin , sida ka dhacda askarta caalamka kale , diraysan aad gashan tahay waa mid aad waxaad doonto , ama danahaaga gaarka ah ayaad ku fushan doontaa, balse askariga somaliland waxa uu ka warqabaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa u shaqeeyo isla markaana ka difaacayo , cadaw dibadeed iyo midka gudahaba , askariga somaliland waa mid aan tacadi ku samayn , isla markaana xaqdhawra shacabka Police, iyo Milatari ka uu doono ha ahaadee, waa askari , binu-aadanimada iyo akhlaaqdii muslinimadu ka muuqato, waa askari marka uu cadawga qabanayo ku faro kulul, marka uu dadkiisa u shaqaynayana aad ka dareemayso , deganaan , dabacsanaan, akhlaaq wanaag , taxadar uu ka taxadirayo , inaanu wax hagardaamo ah u gaysan dadkiisa , mana aaminsana in uu dadkiisa xoogisa askarinimo u muujiyo, ee wuxuu aaminsan yahay odhaahda carbeed ee tidhaahda , qofka binu-aadamka ah wada ugu sahlan ee aad ku gumaysan kartaa waa adigoo wanaag badan u sameeya , dantu qofkaas aad wanaajisay waxay ku khasbin inuu ku adeeco oo kaa dambeeyo, somaliland dadkeedu markay arkeen akhlaaq wanaaga askartooda , dhamaan waxay ka siman yihiin fikirka ah , askarigu inaguu inoo shaqeeyaaye aynu la shaqayno ixtiraam badana ugu muujino la shaqayntaa , madaama baahiyihiisa badan ee uu khaaska u leeyahay dalkeenu maanta wada dabooli karin alse cadawga sida loo karbaasho waa yaqaan, marar badan oo cidda somaliland u cadawga ahi dibad iyo guddo meesha ay doonaan ha ka yimadeene , ay damceen inay shamacaa damiyaan , askarta somaliland talaabadii ku haboonayd way qaadeen , guulna way u soo hooyeen dalka iyo shacabka somaliland, taariikhdaana xusin oo aan ka duugoobayn.
(2) Askariga labaad aan ku baro ( suxufiga qalinka ku dagaalama )
Tan iyo intii somaliland xoriyadeedi la soo noqotay , waxay samaynaysa , astaamo ay ku muujinayso, erayga ah ( xoriyad ) oo ah erayga ay ku andacooto inay u dagaalantay oo 500,000 qof kaga baxeen sida ay u heli lahayd eraygaa kaliya ee ah xoriyad, waa laga yaabaa in dadka qaar u yaqaanaan erayga xoriyad , dhul , ama dad , balse waa eray intaas ka macno balaadhan , dhulkuna haddaanad xoriyad ku haysan macno kuguma fadhiyo , waxaana tusaale kugu filan , walaaleheena falastiin .
su,aasha meesha taal ayaa ah somaliland eraygii dalkeedu u burburay isla markaana kumanaan ay jeclayd u wayday ma heshay mise wali may helin?, su,aasha jawaabtan waxaa ka jawaabaya ninka suxufiga la yidhaahdo ee somaliland ka hawl gala , warbaahinta uu ka hawl galaa mida ay doonto ha ahaatee ( sida , websideyada , wargeysyada, tvyada , ) balse madaxa banaan ee aan loo yeedhin waxa ay qorayaan, isla markaana shaqada ay dadkooda u hayaan , aan cidna uga gaban , agaasime , wasiir , ama madaxweyn ka uu doono ha sheegte, hadii mur ay ka qadhaadhahayna, runta kolba shacabku ku sugan yahay soo gaadhsiiya, isla markaana ka taxadara in warbixintaa uu gudbinayaa keento isku dhac ama qalalaase hor leh , oo waa nin masuuliyada uu hayaa inay tahay seef laba afleh oo dhanka xunna loo adeegsan karo dhanka wanaagsana loo adeegsan karo garan kara, isla markaana mixnadiisa aan runta ku dabooli ee banaanka ku keena , isaga oo ka taxadiraya dhibka ay leedahay warkaa uu gudbiyaa , balse xagga wanaagsan ka eega.
waana askari meelaha qaar kaga wanaagsan askariga qoriga sitta, sida wasiirada iyo madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiintaayada khaldanta ama dhibka soo wada waddada aanu kaga cabano ama iskaga qabanaa waa wiilashaa iyo gabdhahaa dada yar ee u dibad-gaaloobay difaacida rayidka , uu ninka masuulka ahi ama siyaasiga ahi ku tuman lahaa.
waana waxyaabaha aanu dhamaan shantii somaliya lagu magacaabi jiray kaga duwanahay

(3) Guurtinimo
Erayga guurti fasilaad badan iigama baahna oo somali way wada taqaan ,balse halka uu waxqabadka somaliland kaga jiro aan yara xuso , somaliland waxay somaliyada kale dhamaanteed ku dhaanta oo ay nasiib u yeelatay , marka horeba in odaygeeda la tixgaliyo oo wiilka dhalinyarada ahi ka dambeeyo odayga guurtida ah , isla markaana aanu garab boodin ee uu u daayo talada , isla markaana adeeco go'aamada ka soo baxa , kolba arinta taagan cidda ka guurtiyeysa , guurtidaasina waxay ka dheeraataa inay ku kacdo wax eex noqon kara , illaahay dartiina arin kasta oo timaada dhexdhexaad ayey uga noqdaa, waana tallo waayeel waxa ay somaliland halkaas ku soo gaadhay , walow aad moodo in hadda qoladii , aanu sida gaarka ah guriga Guurtida u fadhisinay ay siyaasadii ku dhex milmayaan, waana arin khatarteeda leh , hadaan intay dhaw dahay xal loo helina dhibkeedu badan , saamaynteedana dalka iyo dadkaba waa ay ku yeelan, waayo siyaasigu waa cadaw , hadii uu arrinka odayga kala hoos baxana sida somaliya hadda ka taagan ayay noqon, oo odaygii waxba laga dhagaysan maayo , wiilkii dhalinyarada ah wuxuu noqon doonaa sida somaliya agab uu ninka siyaasiga ahi danihiisa ku fushado
waana wax alle loogu mahadnaqo in odayaasheenu cuqaal , waxgarad , abwaan , mutacalim ka uu doono ha ahadee ,garanayo macnaha guurti , isla markaana danta dalka iyo dadkaba dhexdhexaad ka yahay
(4) Siyaasi dadkiisa u naxa
siyaasiyiinta somaliland maaha , siyaasiyiin damacooda oo qudha tixgaliya, ee waa siyaasiyiin waxbadan eega isla markaana aan ka talaabsan danta dalka iyo dadka , oo aan dan khaasa oo ay leeyihiin u halaagin , ummada ay masuulka ka yihiin, balse hadii ay dhici lahayd sida ay u walaaqayaan siyaasiyiintu walaalahena somaliya meeshaas aynu hadda joogno maynaan soo gaadhnee
tusaalena waxa kugu filan , markii qamaamuurta kulmiye lagu yidhi 80cod ayaa laydinkaga helay , hadii ay damacooda ku sii taagnaan lahaayeen wax badan ayey kharibi lahayeen , balse dalka oo ay lexjeclo ka haysay ayey uga tanaasuleen cabashadoodii,
tii kale ee maalintii dhawayd saddexda xusbi dalka ku badbaadiyeena guul kale oo siyaasiga somaliland u soo hoyatay ayey ahayd , doorashada soo socotana alle xaqqa ha garan siiyo , komishanka , cidii ku guulaysatana waxaan filayaa inay labada kale u hambalyeyn doonaan , oo ay taariikhda ku gali doonaan waxaan afrika ka dhicin
(5) Sheekh diinta islaamka sida xaqqa ah u sheega
alle s.w.c umadiisa diinta isku si umuu wada barin , dalkastana waxa uu maalinta qiyaame kala xisaabtami doona kolba inta uu fursada u siiyey diintiisa macaan inay bartaa, cidii si khaldan u adeegsatana , alle waa yaqaan waxa uu abaal uga dhigi doono, waana ayaan daro hadda somalida ku soo koradhay in waxaan diin ahayn diin lagu sheego isla markaana , kitaabkii alle laga dhigo ( la jiifiyaana banaan ) oo aad arkayso laba nin oo culimo sheeganaya isla markaana midba aayad quraan ah soo daliishanayo , danahiisana ka dhex eegayo , ka fikirka kaga soo hor jeedo ku tilmaamayo ( gaal ) subxnalah , allahayow yaqiinta ha naga xumayn.
somaliland dadkeedu way ka nabad galeen , culumo isku sheeg caamiyaha wareerisa , isla markaana kitaabki alle ka dhigata , madedaalo qofba sida laabtiisu jeceshahay u marsado
waana culimo wixii alle kitaabkiisa ku diiday dadka u diida , wixii ku dhiiriyeyna ku guubaabiya inay sameeyaan si dambi dhaaf iyo naxariis ay xagga alle uga helaan
(6) Shacabka
Waa shacab yaqaana colaada iyo nabada farqiga u dhexeeya , horumarka iyo burburka farqiga u dhexeeya , isla markaana waa dad muwaadinimadu ka dhab tahay oo isku tanaasulka iyo istixgalinta dhexdooda ah yaqaan , waxaanad ka dareemaysaa marka ay sidan 26 jun dhacday oo kale iskugu yimadaan , kooda jilicsan waa ay ixtiraamaan , kooda naafada ah way u gargaaraan,
waana dad garaadkoodu sareeyo oo aan in gaar ahi ku shuban karin danaha gaarka ah ee ay kooxdaa gaarka ahi leedahay , ku darsoo waa dad baraarugsan oo intaanu ciidanku cadawga qaban isku taxalujiya inay iyagu qabtaan oo qofka ama kooxda dalka harag daamada u wada aan la sugin ciidanka dalka balse waxwalba isku daya inay iyagu saxaan, iyagoo dhexdooda is tixgalinaya sida uu qof kasta oo ololihii somaliland saddexda todobaad ka socday , ogaa , dareemi karo ama ka dheehan karo , sida shacabka somaliland u yihiin dad isku xidhan, waana sababaha somaliland halkaas soo gaadhsiiyey.
Somaliland qodobaddaas aan kor ku xusay ayey ku caano maashay , somalida kalena alle ha garan siiyo , wixii ay xaq u leeyihiin

Allena ummada islaamka ha u gargaaro meelkasta oo ay dunida kaga nooshahay dhibkana ha ka dul qaado

Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed
Hargeysa, somaliland

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking