COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 16, 2010

Hargeysa: Maxkamad xukun ku ridday Rag fikir khaldan ka dhaadhiciyay Arday ay wax barayeen

Hargeysa, 16 June, 2010 (Nnn)- Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa xukunno isku mid ah ku ridday saddex Nin oo laba ka mid ahi ay Walaalo yihiin, kuwaas oo la sheegay in Maxkamadda horteeda ay kaga caddaatay in ay xaaraan ku tilmaameen guud ahaanba Hilibka lagu cuno Somaliland, isla markaana ay fikirkaa ka dhaadhiciyeen Arday ay wax barayeen.
Dhegaysiga dacwaddan iyo xukunka oo shalay ka dhacday xarunta Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Guddoomiyaha Maxkamaddaas Mr. Cabdirashiid Beer-geel oo dacwaddaas garsoorayay waxa uu halkaa kaga dhawaaqay in laba Wiil oo walaalo ah, magacyadooduna kala yihiin Cabdicasiis Maxamed Cali oo da’diisu 25-jir tahay iyo Cayni Maxamed Cali oo isna 20-jir ah ay ku caddaatay in ay xaaraan ku tilmaameen Hilibka Xoolaha lagu qalo Hargeysa, isla markaana ay arrintaa u cuskadeen in dadka qala Xoolaha Hargeysa aanay tukan, waa siday aaminsan yihiine, eeddaas oo Garsooruhu sheegay in qirteen.
Laba ka mid ah Eedaysanayaasha La Xukumay
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in iyada oo Maxkamaddu cuskanaysa Aayadaha Quraanka Kariimka ee 118 iyo 128 ee Suuratul-Ancaam iyo qodobada 70,71,73,75,103,104,108,119,120,121, 68 iyo 149 ee Xeerka Ciqaabta Guud ay labada Wiil oo markii hore ka yimi dalka Itoobiya ay Maxkamaddu ku xukuntay min hal sanno oo xadhig ah iyo Hal Milyan oo Somaliland Shilin ah midkiiba. Waxa kale oo Maxkamaddu labadan Wiil oo walaalo ah ay ku xukuntay in laga masaafuriyo dalka markay xukunka hore dhammaystaan, loona masaafuriyo dalka Itoobiya oo ay hore uga yimaadeen.
Sidoo kale, waxa Maxkamaddu ay isagana shalay isaga oo maqan xukun ku ridday Xasan Mukhtaar oo la sheegay in uu fikirkan macallin ugu ahaa labada Wiil. Waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo hal Milyan oo Somaliland Shilin ah, isla markaana isagana laga masaafuriyo dalka.
Raggan la xukumay ayaa ahaa macallimiin wax ka dhiga Madarasad ka mid ah madarasadaha Hargeysa, waxaanay Ardayda ay wax u dhigi jireen ka dhaadhiciyeen in Hilibka Hargeysa iyo Somaliland lagu qalaa uu xaaraan yahay, maadaama sida ay yidhaahdeen ay qalaan dad aan tukan.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking