COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, June 17, 2010

UDHIS oo madaxweyne Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB dhalleecayn u jeediyay

Hargeysa (Nnn)- Urur-Siyaasadeedka UDHIS ayaa ka hadlay doorkooda Doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacaysa, waxaanay eedayn u jeediyeen Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa, isla markaana waxay baaq u direen shacabka Somaliland.
Masuuliyiinta Ururkan oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Hargeysa, ayaa Xukuumadda talada haysa ku eedeeyay inay xasilooni-darro ka abuurayaan dalka.
Muj. Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-wayne) oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, ayaa ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo la xidhiidha in Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga KULMIYE masuuliyiinta ka tirsani ay yihin Wasiiro hore xil u soo qabtay, qaarkoodna uu xilka ka qaaday. “Madaxweynaha Afkiisay ka soo baxday ragga Mucaaradka ahi waa kuwii aan eryay, anagu waxaanu ka mid nahay bahda Mucaaradka ah, ma waxaanu nahay dad shaqaale u ahaa oo la eryay. Waxaanu leenahay, bakhtiyaa-nasiib socon mayso haddii uu shalay ku helay.” Ayuu yidhi Muj. Dhego-wayne.
Dhego-wayne wuxuu Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay inay dalka gelinayaan Dagaal, isla markaana xasilooni-darro abuurayaan. “Shalay ayuu Degmooyin magacaabay (M/weynuhu), maaha arrin ee waa dawlad asqaysan. In uu maanta tollaay yidhaahdo ma ahayn (Madaxweynuhu) ee in uu yidhaahdo waxaasaan qabtay ayay ahayd. Dawladdanina iyada ayaa la shuraako ah waxa wax qar-qarxinaya, imikana waxa jira weeraro Xuduudka ku soo maqan.” Ayuu yidhi Dhego-wayne, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dagaalka ay oogayaanna waa ujeeddo xun, markii ay u socon wayday arrintii Gabiley iyo Ceel-bardaale. Umadda waxaan leeyahay iska jira arrimahaas oo ilaashada nabadgelyadiina.”
Waxa isna halkaa ka hadlay Siciid X. Axmed Qulunbe oo isna ka mid ah Ururkaas, oo isna ku baaqay in dadweynuhu meel uga soo wada jeedaan ilaalinta amniga, isla markaana wuxuu Murashaxiinta tartamaysa kii ku qanci waaya natiijada Doorashada ku tilmaamay cadow Somaliland leedahay. “Ninka aqbali waaya natiijada Doorashadu waa cadowga Somaliland.” ayuu yidhi Mr. Qulunbe.
Xasan Guure oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Shacabka waxaan ugu baaqayaa qof walowba Mucaaradka u code, si uu isbedel u yimaaddo. Waxa kale oo aan ugu baaqayaa in ay asluub ku galaan Ololaha oo aanu qofna taageere ama Gaadhi kale oo cid kale leedahay caayin, haddii kale waxa dhacaysa in isaguna cidda uu taageero la caayo.”
Intaa ka dib, Warsaxaafadeed ay soo saareen Ururkani, ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd sidan;
“Sida laga war qabo waxa lagu wadaa in ay 26 June 2010 dalka ka qabsoonto Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo ay ku tartamayaan Xisbiyadii siddeed sanno ka hor ay dadku kala doorteen. Haddaba, ka dib markii Urur-Siyaasadeedka UDHIS garawsaday in aanay waxba iska bedelinn qawadkii uu ka qabay saddexda Xisbi eek u heshiiyay in ay kooto ku haystaan tartanka hoggaan dalka. Markii uu arkay in aanay jirin wax badan oo ay is-doorinayaan ama aanay buuxin badiba shuruudihii Xisbinimo. Markii uu yaqiinsaday in Golayaashii Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) iyo madax-dhaqameedyadii ay ku milmeen siyaasadda iyo xisbiyada oo aanay jirin cid ka madax bannaan hirdanka Axsaabta, Maxkamad lagu kalsoon yahay iyo Garsoor kala saaraana aanu jirin, waxa uu Ururku go’aansaday in uu qaato door dhexdhexaad ah oo ka madax bannaan Ololaha dhinacyada ku loollamaya hanashada hoggaanka dalka, waxaana ay hoggaanka Ururku isla qaateen in ay kaalin wax-ku-ool ah ka geystaan adkaynta nabadgelyada ilaa inta ay ka dhammaanayso Doorashadani…
Ururka UDHIS wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku bogaadinayaa sida wanaagsan ee muddadii ay jireen wax-qabad muuqda uga geysteen xilkii loo igmaday, waxaana uu ugu baaqayaa in ay halkaas ka sii wadaan oo ay si xilkasnimo iyo masuuliyadi ku jirto u gutaan xilka culus e ay u xilsaaran yihiin, isla markaana ay sinnaan ugu garsooraan Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Madaxtooyada.
Maantana ma jirto cid ama koox shacabka ka leexin karta rabintaankooda ah qabyo-tirka Geedi socodka dimuqraadiyada iyo hannaanka doorasho xor iyo xalaal ah. Ururka UDHIS waxa uu bulshadiisa u soo jeedinayaa in si wadajir iyo midnimo ku ladhan tahay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta Xasiloonidooda, Dawlad-nimadooda iyo ka hortaga cid kasta oo isku dayda inay suldaaraan , isla markaana ay ogaadaan in muwaadin kasta masuuliyaddi ka saaran tahay xilka Ilaalinta Nabadgelyadooda.
Ururka UDHIS waxa uu ugu baaqayaa Goleyaasha Qaranka Axsaabta Siyaasada, Madax-dhaqameedyada, Saxaafadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si wadajir ah iskaga kaashadaan sidii ay Doorashadaasi ugu qabsoomi lahayd qaab Nabadgelyo iyo xasilooni ku jirto. Waxaanu dadweynaha u soo jeedinayaa in ay codkooda ku dhiibtaan si asluub iyo xilkasnimo ku dheehan tahay una doortaan cidii ay u arkaan inay ugu haboon tahay qabashada hogaanka dalka.
Ururka UDHIS waxa uu ka digayaa in hantida Qaranka, Gaadiidka Dawlada, Warbaahinta Dawliga ah iyo Ciidamada loo adeegsado ololaha Doorashada. Ciidamadana waxaanu ugu baaqaynaa in aanay ku milmin siyaasada oo aanay xisbi gaar ah u adeegin, balse si wadaniyad leh u gutaan xilka ka saaran sugida amaanka.
Ugu danbayn, ururka UDHIS waxa uu madaxda axsaabta kula dardaarmayaa in ay dib-u-eegis ku sameeyaan qaabka ololahooda - hab tartan ilbaxnimo ku dheehanatahay, si aanay u dhicin isku-xoqid iyo fawdo keeni karta xasilooni-darro iyo goldalooloyin cadawgu ka-faa’idaysan karo.
F.G: UDHIS waxay u gacan haadinaysaa cid kasta kana mid ah qaybaha ummadda Somaliland (dawlad & dadba) oo jecel inay si wada jir ah ugala shaqeeyaan sugida nabadgelyadeena aynu mataanaha ku nahay- gacmo wada-jir ayey wax qabtaan.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking