COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, June 21, 2010

Komishanka oo ku dhawaaqay Tirada Cod-bixiyeyaaasha doorashada Madaxtooyada

Hargeysa,(Nnn)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee cod-bixiyeyaasha doorashada.
Afhayeenka Komishanka Axmed Maxamed Xirsi (Geelle), guddoomiyaha diiwaangelinta Raabi Shariif Cabdi iyo guddoomiye kuxigeenka guddiga Diiwaangelinta Cabdifataax Ibraahim Sh. Xasan oo ka mid ah todobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka oo gelinkii hore ee shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay shaaciyeen tirada dadka qaatay kaadhadhka cod-bixinta. “Maalmahanba waxa nalaga sugayay liiska kama dambaysta ah ee dadka ka qaybgalaya doorashada, maanta (shalay) ayaanu noo soo dhamaaday,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanku.
Waxa uu sheegay in tirada guud ee kaadhadhka cod-bixinta qaadatay dhan tahay 1,069,914 (hal milyan, sagaal iyo lixdan kun, sagaal boqol iyo afar iyo toban qof). “Markii hore diiwaangelinta waxa isdiiwaangeliyay 1,375,660 (hal milyan, saddex boqol iyo shan iyo todobaatan kun, lix boqol iyo lixdan qof), waxaana ka go’ay 305746 (saddex boqol iyo shan kun, todoba boqol iyo lix iyo afartan qof). Markaa waxay tirada meesha laga saaray ay diiwaan gelintii hore ka noqonaysaa 22%, dadkuna 90% kaadhadhka way qaateen,” ayuu raaciyay. “Xeerka Diiwaangelinta ee No.37, qodobkiisa 28aad, waxa uu na farayaa in saddexda xisbi qaran iyo wasaaradda Daakhiliga mid walba nuqul la siiyo, cajalado ayaananu ku siinay nuqulada liiska codbixiyeyaasha,” ayuu yidhi Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
Mar la waydiiyay waxa ay qaab gobollaysan natiijada dadka kaadhadhka qaatay ugu soosaari waayeen, waxa uu sheegay in xilligan ay go’aamiyeen in si guud loo sheego, isla markaana goob kasta lagu dhejin doono dadka ka codayn doona. “Ma jiro wax madmadow ah oo aanu u sheegi waynay (natiijada gobollada), dadkana marba in baanu u sheegaynaa, imikana intaas baanu ugu talogalay in aanu bulshada u sheegno,” ayuu raaciyay Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha inuu jiro madmadow sababay in aanay natiijada qaab gobollaysan ugu dhawaaqin.
Ugu dambayn, waxa uu cod-bixiyeyaasha ugu baaqay inay si nidaamsan u codeeyaan maalinta doorashada Madaxtooyada ee 26 June, isla markaana ay dadka jilicsan gelida safafka ugu naxariistaan.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking