COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 23, 2010

Shalay: Sagootintii Ololaha ee Shimbiraha, Sacabkii dadweynaha & badheedhihii Suugaanyahanka

Hargeysa,(Nnn)- “Walaalayaal waxaanu maanta haddaan xisbiga KULMIYE murashax u ahay aan la tartamayaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu dalka haystay siddeed sanadood, wax alla wax dalka laga qabtayna waad ogtihiin oo maanta ma jirto, wax alla wax lagu faanaa ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed oo ka hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Madaxweyne Rayaale.
Dadweyne aad u tiro badan, ayaa magaalooyinka dalka isugu soo baxay maalinta u dambaysa ee Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE oo shalay ahayd. Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha sida aadka ah shalay isugu soo baxeen dadku, waxaana halkaa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa xaaladda dalka, taas oo ay metelayeen, isla markaana sameeyeen Abwaano ay ka mid yihiin, Maxamed Aadan (Dacar), Xasan X. Cabdilaahi (Ganey) Ismaaciil Cabdi (Basbaas), taas oo ay nuxurkeedu ahayd in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu ku tagri-faleen taladii dalka, isla markaana ay ku jireen Heeso ka dhan ah.
Ka hor intii aanu halkaa khudbadda ka bilaabin Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa dhalinyaro ku labbisan Calanka KULMIYE, waxay hawada u sii daayeen Shimbiro cad-cad, hase ahaatee, loo mariyay Rinji ka kooban labada midab ee Calanka KULMIYE ee huruudda iyo Cagaarka, taas oo aan hore loogu arag fagaarayaasha Ololaha Doorashada.
Axmed-Siilaanyo, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waad ogtihiin Daahir Rayaale wuxuu si cad u yidhi oo uu sheegay inuu dhiisha buuxsaday, inuu isagu baahidii ka baxay, inaanu u baahanayn Xisbi kale oo dardar qaba in loo keeno, dadka sidiisii moodayaa..Abaal gudkii dalka iyo dadkana wuxuu ka dhigay inuu yidhaahdo weelkiibaa ii buuxsamay.” Waxaanu Axmed-Siilaanyo intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal, waa ayaan darro reer Somaliland waxaanu u cadaynaynaa inaan weelka anagu aanaan ka buuxsanayn ee insha alla shacbiga aanu weelkooda u buuxino.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in markii Qaraxyadu ka dhaceen Madaxtooyada 29 October 2008 ciddii u horraysay ee tagta Aqalka Madaxtooyadu ay ahaayeen hoggaanka Mucaaradka. “Walaalayaal wuxuu nagu tilmaamay oo masuuliyiinta waaweyn ee caanka ah ee aan magacooda iyo sharaftooda la taaban karin ee ummadan u soo halgantay ee dhaqanka wanaagsan ee aad wada taqaanaan, wuxuu ku tilmaamay xag jir, muxuu ugala jeedaa yuu qaldayaa. Ummadda ayuu galinayaa niyad-xumo, shacbigii la ogaa ee argagixisada la dagaalamay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “CCiddii ugu horeysay ee aqalkiisa tagtay maalintii la ina soo weeraray waxaanu ahayn aniga iyo guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe. Walaalayaal shacbigani waa kii nabadgelyada u daglaamay waa ka nabadgelyada ilaalinaya illaahay ka sakaw, waa ka argagixisada qabta, waa ka budhcada qabta.”
Gebo-gebadii, waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in Xisbigoodu wax badan qaban doono haddii ay talada ku guulaystaan.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. “Walaalayaal waynu ka wada war haynaa in dalku u dareeri doono doorasho madaxtooyo 26-ka bishan, walaalayaal maalintaasi waa maalin taariikhi ah, waxaana saaxiibo badan oo ay shacabka reer Somaliland ku leeyihiin dibadaha ay rajaynayaan inay doorashooyinku u dhacaan si nabadgelyo ah, oo salmi ah, oo xor ah, oo xalaal ah, waxaanay ummada reer Somaliland rajaynaysaa isabdelkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca ilaa 1993-kii markii aynu shir beeleedka ku galnay magaalada Boorama.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal himilooyinka qaranka Somaliland leeyahay waxa ugu wayn inuu noqdo dal aqoonsi hela, bulshada caalamkana xubin ka noqda.
Waxa muuqata in maamulka imika jira ee siddeeda sano dalka xukumayey inuu si aad iyo aad ugu fashilmay oo uu ku guul-darraystay inuu riixo oo uu dhaqaajiyo oo uu horumariyo, ictiraaf uu keeno iska daaye Daahir Rayaale waxa uu xumeeyey oo muuqata saaxiibadii qaranakani lahaa ee aynu 19-ka sanadood dhisaynay. Haddaan soo qaado xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka dawlada ugu wayn dunida ee ugu awooda badan ee xidhiidhkeeda, taageeradeeda iyo saaxiibtinimadeeda aynaan qaran ahaan ka maarmi karayn, Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu way burburisay, waanay baabiisay, arrintaasio anagoo ka duulayna xisbi ahaan, anagoo ka diuulayna himilada shacabka reer Somaliland, xisbiga KULMIYE wuxuu ka galay hawl gal aad u badan, waxaanu dib u soo noolaynay oo aanu dib u soo celinay xidhiidhkii wada shaqaynayneed ee ka dhexeeyey Maraykan iyo Somaliland, waana guul wayn oo shacabka reer Somaliland u soo hoyatay oo xisbiga KULMIYE-na hormood ka ahaa, Kongreeska Maraykanka oo ah meesha awooda ugu way nee maraykanku ku dhisan tahay aynu ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda Rayaale uu gaadhay meeshii ugu hoosaysay oo xataa cilaaqaad caadi ahi aanu ka dhaxaynin.”
Dr. Maxamed waxa uu sheegay inay dalka imanayaan Goob-joogayaal Caalami ah, waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd marti-qaadka goob-joogayaasha.
Waxa kale oo uu Xoghayuhu ka hadlay kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya iyo aragtidooda la xidhiidha. “Walaalayaal, waxaynu ognahay inay jiraan kooxo xag jir ah oo arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika khatar ku haya, xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa kooxahaa inay joojiyaan rabshadaha iyo nabadgelyo xumada. Waxaananu cambaaraynaynaa falalka argagixisonimada ah ee ay kooxaasi ka wadaan Geeska Afrika, dalkeena 2005-tii iyo 2008-dii waxa ku soo duulay cadaw shisheeye ah xisbiga KULMIYE wuu cambaaraynayaa waanuy ka soo horjeedaa waxaanu xoojinyaa nabadgelyada, difaaca dalka iyo ka hortaga aragagixisada iyo wixii rabshada ku keenaya mandaqada iyo dalka Somaliland-ba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE rabshadaha iyo khilaafaadka ka Geeska Afrika wuxuu ugu baaqayaa kooxaha isku siyaasadu inay si nabadgelyo ah oo wada hadal ah ay ku dhamaystaan cid uu gacan saar iyo taageero la leeyahayna ma jirto.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking