COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, July 1, 2010

Ururka Qareenada Somaliland oo ka hadlay qaabkii sharciyan doorashadii Madaxtooyadu ku dhacday

Hargeysa, (Nnn)- Ururka Qareenada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka sharci ahaan ay ku qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii todobaadkan dalka ka qabsoontay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka SOLLA oo uu ku saxeexnaa guddoomiyahooda Jaamac Cilmi Xaashi, waxay ku sheegeen inay qayb ka ahaayeen goobjoogayaashii maxaliga ahaa ee la socday doorashada, waxayna amaan u jeediyeen Komishanka Doorashooyinka, ciidamada iyo xisbiyada siyaasadda Somaliland. Warsaxaafadeedka ururka Qareenada ee SOLLA, waxa uu u dhignaa sidan; “Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) wuxuu si balaadhan dusha ugala socday geedi socodka doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo dalka ka qabsoontay 26kii June, 2010, isla markaana goob-joognimo wadani ah oo aan cidina ka caawin ay xubno qareeno ururka ka tirsan oo dhexdhexaadnimo lagu xushay kaga qayb-qaateen maalintii doorashada ee Sabtidii 26kii Jun,2010, inta badan Gobolada dalka, iyadoo laga duulayo ogolaanshaha iyo hab-raaca goob-joognimada ee GDQ.
Hadda, iyadoo Ururka Qareenadu kor-joogtayntiisa Doorashada Madaxtooyada uu diirada saarayay, sida loo ixtiraamayay, loogu dhaqmayay loona illaalinayay tilmaamaha Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha degaamada Xeer Lr.20/01 iyo labadii kaabisood/wax-ka-bedel ee lagu sameeyay iyo tilmaamaha heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah (International standard of fair and free election).
Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), ka dib markuu uu dersay, lafa-guray oo isu-duwayay, warbixinta ay soo gudbiyeen xubnihii ururka Qareenadda ee goobjoognimada maalintii codaynta iyo bilawgii hab-raaca tirinta cododka ee Goobaha Doorashada ku haylanaa iyo xogaha Ururku ka helay xubnihii Goobjoogayaasha maxaliga ahaa ee ka socday hay’ada (SONSAF) oo Ururka Qareenadu isagoo xubin ka ah dalladaa uu u soo xulay SONSAF qaar ka mid ah Goobjoogayaasha u joogay dhammaan Gobolada dalka, iyadoo xubnaha SONSAF ee ka socday SOLLA ay u badnaayeen aqoonyahano sharci, oo ay si gaar ah SOLLA uga warbixiyeen sida loo illaaliyay sharciga.
Ururka Qareenaddu isagoo ka duulaya xogahaa goob-joognimo, welina dusha kala socda geedi-socodka tirinta iyo hubinta codadka ee weli hawlwadeenada Guddiga doorashooyinka ku hawlan yihiin, soona saari doona warbixin dhamaystiran, dhexdhexaad ah oo la hufay, marka ay hawshan hab-raaceeda sharci soo dhamaado, wuxuu cadaynayaa in Doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii 26kii Jun, 2010, ka dhacday Jamhuuriyada Somaliland doorasho sharci ku dhisan, xor ah, xalaal ah oo waafaqsan heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah, kana madhan ilaa hadda, ceeb, ku shubasho iyo madmadaw, taasoo uu ku ayidayo warbixinadii hor-dhaca ahaa ee goobjoogayaasha gudaha iyo goobjoogayaasha caalamiga ah.
Ugu danbayn, Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), wuxuu mahadnaq bogaadin iyo hanbalyo u jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland oo si hufan, xor ah, xalaal ah oo nabadgelyo ah codkooda uga dhiibtay goobihii cod-bixin, wuxuu kaloo ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa masuuliyiinta iyo hawl-wadeenadda GDQ, si la mid ah wuxuu ku hanbalyaynayaa doorkoodii wax-ku-oolka ahaa ee uu mid kastaa ka qaatay habsami u qabsoomida Doorashada Madaxtooyada JSL ee sabtidii 26, Jun,2010, Guddiga Anshaxa Doorasha, sadexda xisbi qaran ee tartamaya, hawlwadeenadii Goob-joogayaasha wadaniga ee SONSAF iyo Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa; waxaa iyana hanbalyadaa iyo ammaantaas oo kale mudan warbaahinta wadaniga ah iyo kuwii Caalamiga ah ee sida hufan ee dhexdhexaadnimada ah uga waramay Doorashan, una hogaansamay amaradii GDQ, waxaan kaloo la ilaawi karin ammaanta iyo milkaha ay leeyihiin Ciidamada ammaanka ee JSL, doorkii ay ka qaateen guushaa Qaran ee u soo hoyatay ummadda JSL.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking