COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, July 4, 2010

“Shacabka waxaan leeyahay, waad ka xorowdeen afduubkii Aqoonsiga ee la xisaabtama dawladda cusub”

Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal
Dubai,(Nnn)- Cali Maxamed Ibraahim Cigaal oo ka mid ah Ubadka Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday dalka iyo natiijadii ka soo baxday, waxaanu baaq u jeediyay Shacabka iyo Xisbiga talada ku guulaystay ee KULMIYE.
Cali Maxamed oo isaga oo ku sugan magaalada Dubai Khadka Telefoonka ugu warramay Ogaal, ayaa hambalyo u diray Komishanka Doorashooyinka, Madaxweynaha la doortay iyo guud ahaan Shacabka Somaliland. “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka Somaliland ku dhaqan ee codkooda u dhiibtay sida quruxda badan ee sharafta lahe ee Caalamka oo dhami la dhacay ee soo jiitay Indhaha Caalamka, iyada oo aanay wax Rabshad ahi dalka ka dhicin. Ta labaad, waxaan iyana khalkan hambalyo uga dirayaa Guddida Doorashada, sida cad ee ay u guteen shaqadooda. Madaxweynaha cusub waxaan isna ku hambalyaynayaa xilka culus ee Umaddu u dooratay, Laascaanood ilaa Saylac. Xil culus ayaa laguu doortay ee waxaan Ilaahay kaaga baryayaa in si caddaalad ah oo aanay eexasho ku jirin aad u gudato xilkaaga.” Ayuu yidhi Cali Maxamed.
Wuxuu Cali Shacabka ugu baaqay in ay la xisaabtamaan dawladda cusub, isla markaana wuxuu xusay in shacabku ay ka baxeen in lagu baqo-geliyo ictiraafka. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Shacabka waxaan leeyahay, maanta waad ka xorowdeen oo aad ka baxdeen Afduubkii aad ugu jirteen Ictiraafka, mana jirto ictiraaf dambe oo aad u afduubnaanaysaan. Waa inaad la xisaabtantaan Dawladda cusub, mana jiro Ictiraaf dambe oo idinka xayirmayaa oo aad u afduunaanaysaan.”
Mr. Cali wuxuu sheegay in dadkii isdiiwaangeliyay aanay wada codayn doorashadii dalka ka dhacday 26 June, ee ay kala badh yihiin dadka codeeyay, waxaanu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha sababta keentay in dadku ay u wada codayn waayeen. “Arrinta Doorashada, waxa isu-diiwaangeliyay in ka badan Hal Milyan oo qof, laakiin dadka codeeyay ee codkooda dhiibtay waxay gaadhaysaa Nus-Milyan, taasi waxay ina tusaysaa in 50% aanay codkooda dhiiban. Anigu waxaan sababta arrintaas u qaatay kalsooni-darro ka jirta dhinaca siyaasadda dalka. Sidaa darteed, Dawladda cusub waa inay ka war haysaa oo ay ka feejignaataa arrintaa.” Ayuu yidhi Cali.
Cali Maxamed Ibraahim waxa kale oo uu ka hadlay hadal hore uga soo yeedhay Xisbiga UDUB, isla markaana uu raalligelin ka bixiyay Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Daahir Rayaale Kaahin. ““Hadalkii ka soo yeedhay UDUB ee ahaa codadka waa nalagaga shubtay, waxa raalligelin ka bixiyay masuuliyiin sarsare oo Xisbigaas ah, dadkuna raalligelintaa wuu qaatay, laakiin ragga hadlay awood baa jirtay ay haysteen ee arrintaana ha la daba galo.” Ayuu yidhi.
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland ayuu Mr. Cali talo u jeediyay, waxaanu yidhi, “Shacabku guul buu gaadhay, Axmed-Siilaanyo-na waa nin khibrad leh, waxaanan u soo jeedinayaa in uu si caddaalad ah oo eexasho aanay ku jirin ugu shaqeeyaa dalka, dadkuna waa inay wakhti siiyaan Dawladda cusub.”
Sidoo kale, Cali Maxamed waxa uu dardaaran u jeediyay Warbaahinta oo uu sheegay in ay door muhiim ah ka qaateen hawlihii Doorashada. “Warbaahintu xil-kasnimo badan ayay samaysay, xilkoodu waxa weeye in ay shaaciyaan haddii ay Dawladda cusubi fulin waydo ballan-qaadyadii ay hore u qaadday oo aanay qarin, balse ceebayn kale layska jiro.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking