COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, July 16, 2010

Xogo ka soo baxay baadhitaanno guddida ilaalinta hantida Qaranku ka bilaabeen Berbera


Berbera, (Nnn)- Guddida ilaalinta hantida Qaranka ee wakhtiga kala-guurka ee uu magacaabay Madaxweynaha la doortay, ayaa guddi-hoosaad u saaray kormeerro xog-raadin ah oo ay ku soo maraan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kuwaas oo isla shalayba socdaalkooda bilaabay.
Inkasta oo aanay Guddida ilaalinta hantida Qaranka ee wakhtiga kala-guurka aanay si rasmi ah arrintan uga hadal, haddana siday Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Guddidani waxay magacaabeen guddi-hoosaad ka kooban saddex xubnood, kuwaas oo ay u xil-saareen baadhista, kormeerka iyo la-kulanka masuuliyiinta Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera. Warku wuxuu intaa ku daray in waxyaabaha xubnahan loo xil-saaray iyo ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayso xog-raadin la mid ah kormeerradii ay Guddida ilaalinta hantidu dhawaanahanba ku marayeen Xafiisyada Dawladda ee Magaalada Hargeysa.
Xubnahan guddi-hoosaadkani ka kooban yihiin, ayaa warku sheegay in ay kala yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Ibraahim Aadan Haybe iyo Cali Bulbul oo ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda. “Xubnahani waxay ka kooban yihiin guddi-hoosaad ay sii direen Guddida ilaalinnta Hantida Qaranku, maanta (shalay), ayaanay hawshoodu u bilaabantay.” Sidaa waxa yidhi masuul ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo u waramay Ogaal.
Guddi-hoosaadkan ayaa isla shalayba kormeer ku maray meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Kastamka Berbera, Dekedda, Cashuuraha berriga iyo Xarunta Gobolka. Warku wuxuu intaa raaciyay in xubnaha guddidan oo maanta dib ugu soo laaban doona magaalada Hargeysa, ay kulamo la yeesheen masuuliyiinta goobaha ay tageen, isla markaana ay kormeer ku soo mari doonaan meelo kale oo ay ka mid yihiin Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Maxjarka iyo Madaarka Berbera.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking