COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, July 8, 2010

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo ka hadlay war laga faafiyay

“Marka horeba guddiga talo-bixinta maanu gelin, Madaxweynahana…”
Hargeysa, (Nnn)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa beeniyay warar saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidhay inuu ka baxay guddi Madaxweynaha la doortay dhawaan magacaabay.
Cabdicasiis Samaale oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in marka horeba aanu xubin ka noqon guddi uu dhowaan Axmed-Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talobixiyaan dhismaha Xukuumadda cusub, wuxuuna beeniyay in isaga iyo kuxigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay ka baxeen guddigaas. “Warkaa Wargeyska Haatuf ku soo baxay waa been, sababtoo ah marka horeba aniga iyo Baashe Maxamed Faaraxba guddiga maanu gelin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. “Waanu ka cudurdaaranay, maadaama aanu nahay Shirguddoonka golaha Wakiillada oo ah golaha hadhow ansixin doona xukuumadda cusub. Sidaa aawadeed, guddigaa maaanu gelin, Madaxweynahana waanu la socodsiinay, magacyadayadu way ku soo baxeen, laakiin kamaanu mid noqon marna, wuuna naga aqbalay,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay sababta Madaxweynaha la doortay u cadayn waayay bedelkooda, maadaama ay labadooda magac ku soo baxeen liiska guddigaas oo 15 xubnood lagu sheegay, waxa uu qiray in aanu jirin war dambe oo wax lagaga bedelay guddigaas, balse waxa uu tilmaamay in aanay jirin sabab loo buunbuuniyo guddi talobixineed. “Guddi talo soo bixinaysa in la buunbuuniyo mabay ahayn, makaanu mid noqon, manaanu gelin, wax is diidani ma jiro. Markaa waxaan umadda u caddaynayaa in wax is diidani aanay jirin, wax la isla seegan yahayna aanu jirin. Xisbiga hawl baan u soo qabtay, waanan u qaban doonaa, heerkii aan markii hore ka taagnaana mid ka sareeya ayaan ka taaganahay, labadayaduna daacad baanu u ahayn, una ahaan doonaa xisbiga,” ayuu yidhi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in Madaxweynaha la doortay ka aqbalay ccudurdaarkaa ay xilli horeba u gudbiyeen. “Hawl baanu qaranka u haynaa, taasoo ah Shirguddoonka golaha Wakiillada, waxaanan umadda u caddaynayaa in marka horeba aanaan guddigaa gelin, meel aanu kaga baxnayna jirin,” ayuu yidhi Samaale.
Waxa uu si adag u beeniyay warkaas oo dulucdiisa lagu sheegay in sababo ismaandhaaf jira ay labadaa masuul guddiga uga baxeen, wuxuuna tilmaamay inuu ku faanayo hawsha uu xisbigiisa KULMIYE u soo qabtay, isla markaana wax ismaandhaaf ahi aanu ka jirin xisbigaas iyo guddiyadiisa.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking