COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, July 4, 2010

Madaxweynaha la doortay oo magacaabay guddiyo kala duwan

Hargeysa,(Nnn)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay magacaabay guddiyo kala duwan oo uu u xil-saaray hawlo kala geddisan.
Axmed-Siilaanyo oo shalay iyo xalay soo saaray Warsaxaafadeedyo kala dambeeyay, isla markaana noqonaya kuwii u horreeyay ee uu soo saaro tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, ayaa shaaciyay magacyada saddex guddi oo kala duwan.
Guddida ka-talo-bixinta qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub:
Guddigan oo 15 xubnood ka kooban, waxay ka kooban yihiin masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo isugu jira Dhakhaatiir caan ah, siyaasiyiin iyo aqoonyahano iyo shaqsiyaad magac leh oo aan xisbigaa ka tirsanayn.
Warsaxaafadeedka Madaxweynaha la doortay oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Ka dib markii uu Xisbiga KULMIYE ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday, haatanna laga eegayo dhismaha dawlad tayo leh.
Ka dib markii aan isku qanciyey inay lagama maarmaan tahay inaan kala tashado qaar ka mid ah waayeelka Xisbiga iyo waxgaradka qarankani leeyahay, qaab dhismeedka ay yeelanayso dawlada cusubi, waxaan goaansaday inaan magacaabo guddidan qaran ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kuwaasoo xilkoodu noqonayo:
Soo jeedinta talooyin la xidhiidha qaab dhismeedka dawladda cusub, gaar ahaan tirada Wasaaradaha ay ka koobnaanayso xukuumaddu iyo hay’adaha madaxabanaan ee la abuurayo.
Magacyada guddiga:-
1-Muuse Biixi Cabdi—Gudoomiyaha gudida talo bixinta
2-Marwo Adna Aadan Dhakhtar—Gudoomiye ku xigeen
3-Dr. Maxamed Siciid Gees
4-Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan
5-Dr Maxamed Cabdi Gaboose
6-Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
7-Xildhibaan Axmed Kijaandhe
8-Sheekh Maxamed Cali Gadhle
9-Prof. Ismaciil Muumin Aar
10-Cabdicasiis Maxamed Samaale
11-Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan
12-Baashe Maxamed Faarax
13-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
14-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuf Cartan
15-Muniir Abusite.”
Guddida xil-wareejinta iyo ilaalinta hantida muddada kala-guurka:
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa kale oo uu magacaabay Guddi kale oo uu u magac-bixiyay Guddida xil-wareejinta iyo ilaalinta hantida muddada kala-guurka, kuwaas oo shaqadoodu noqon doonto sugidda iyo indho-ku-haynta hantida qaranka wakhtiga kala guurka.
Magacyada Guddidan ayaa u dhignaa sidan:
1-Cabdiraxmaan Cabdiqaadir – Guddoomiye
2-Axmed X. Cali Cadami – Guddoomiye-xigeen
3-Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur)
4-Xil. Ibraahim Kacaan
5-Xil. Obsiiye
6-Xil. Cali Maxamed Xasan (Marreexaan)
7-Xil. Ibraahim Jaamac Rayte
8-Xil. Siciid Cilmi Rooble
9-Xusni Maxamed
10-Aamina Maxamuud
11- Xildhibaan Maxamed Jaamac.
12-Axmed Xuseen Oomane
13- Axmed Xaashi Oday
Guddida qabanqaaba xafladda xil-wareejinta:
Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu magacaabay guddi kale oo loo xilsaaray qaban-qaabada Xafladda xil-wareejinta, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 13 xubnood.
Magacyada Guddida:
1-Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle – Guddoomiye
2- Keyse Xasn Cige - Guddoomiye-xigeen
3-Samsam Cabdi Aadan
4-Maxamed Cilmi Aadan
5- Axmed Muxumed Madar
6- Nuura Xuseen
7- Ilhaan Maxamed Jaamac
8-Maxamed Muuse Abees
9-Cali Cabdi Saa’iq
10- Faysal Cali SHeekh
11- Dr. Cabdi Aw-Daahir
12- Xil. Abubakar Cabdiraxmaan Good
13- Cabdikariim Xinnif.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking