COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, July 4, 2010

Hargeysa: Maxkamad amartay in la xaraasho Hanti laga samaystay mashruucii Fadhi-ku-macaash

Hargeysa,(Nnn)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa amartay in la xaraasho hanti xaddigeedu badan yahay oo shaqsiyaad gaar ahi ka samaysteen barnaamij dad badan lacago laga urursaday oo la baxay jiifoo-jaq.
Bishii February ee sannadkii 2009, waxa magaalada lagu xidhxidhay ilaa 40-tameeyo haween ah oo lala xidhiidhiyay inay ku lug lahaayeen barnaamijkaas oo qaab aan sharciyda ku dhisnayn lacago dhawr iyo toban milyan oo Doolar lagu qiyaasay lagaga urursaday dad muwaadiniin ah.
Sida ku cad go’aan uu shalay soosaaray guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Mr. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Maxkamaddu waxay ogolaatay in la xaraasho qaybo ka mid ah lacagtaas oo ay hanti gaar ah ka samaysteen shaqsiyaad ay sheegtay inay ku eedaysan yihiin barnaamijkaas.
Hantida Maxkamaddu xaraashooda amartay oo lagu qiimeeyay lacag hal milyan oo Dolarka Maraykanka ah kor u dhaafaysa, waxay shaqsiyaad eedaysanayaal ahi ka samaysteen hanti maguurto ah.
Lacagtan xaddigeedu sareeyo oo in la xaraasho loo xukumay ilaa todoba qof oo Haween ah, waxa laga samaystay guryo fara badan iyo dhul bogcado banaan ah oo meelo kala duwan ku yaala, sida magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. “Maxkamadda gobolka Hargeysa waxay xaraashaysaa dhammaan dhulkaas iyo guryahaas oo ku kala yaala degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, cidii danaynaysaana waa inay la soo xidhiidhaa Maxkamadda,” ayaa lagu yidhi go’aankaa guddoomiye Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.
Go’aankani waxa uu ka dambeeyay dacwad arrintaa la xidhiidha oo muddo dheer ka socotay Maxkamadda, iyadoo haween badan oo markii barnaamijku fashilmay la qabqabtay, muddona ku jiray Jeelka Gabiley bilo ka hor laga sii daayay xabsigaas.
Barnaamijkaa sida xirfadaysan lacagaha loogu urursaday, waxay dadku ugu yeedhi jireen magacyo ay ka mid yihiin jiifoo-jaq iyo fadhi-ku-macaash.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking