COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, July 17, 2010

Hargeysa: Maayar Jiciir oo Qurbe-jooga Somaliland xog-waran ka siiyay wax-qabadkiisa

Hargeysa, (Nnn)- Maayarka Caasimada Hargeysa Inj. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa xaflad xog-waran ah oo uu u qabtay qaar ka mid ah Qurbe-jooga Somaliland ku soo bandhigay wax-qabadkiisii intii uu hayay jagada maayarnimada caasimada.
Xafladan oo ka dhacday Huteel Maansoor, waxa uu Maayarku faahfaahin ka bixiyay ujeedada munaasibaddaas uu u qabtay, isla markaana waxa uu mahadnaq u jeediyay xubnaha ka aqbalay martiqaadkiisa. “Caawa waxaan xog-waran kooban idinka siinayaa wixii aanu soo qabanay intii aanu xilka haynay, waayo, waxaad garan kartaan in wadankeenu dhaqaale ahaan hooseeyo. Markaa kolley wixii itaalkayaga ah, waxaanu qabanay waxa ka mid ah, inaan xero-dhiigtii magaalada ka dhex-saarnay, waayo waxa dhici gaadhay in la yidhaahdo ‘hilibka Hargeysa cunimayno’ oo nadaafadiisu waa mid aad u hoosaysa oo urta ka soo baxaysaa waa mid aad u xun. Markaas waanu rarnay oo meel magaalada ka baxsan ayaanu gaynay, immikana aad iyo aad ayay nadaafadeedu u saraysaa oo halkii islaamuhu subuxii ka kallahi jireen imika mid walba gaadhi ayaa u keenaya, taasina waa horumar ayaan odhan karaa.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Inj. Jiciir. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxa kaloo aanu xaafadaha Hargeysa ka samaynay Guddiyo, kuwaasoo aanu sanad walba dhammaadkiisa isla eegno waxay ka-xaafad ahaan doonayaan in sanadka dambe la qabto. Runtii Guddidaasina waa mid faa’iido keentay, sababta oo ah, immika Guddidu waa la socdaan xaafadooda cida cusub ee soo dagtay iyo cidda doonaysa inay guri ka kiraystaan, taasina waa qayb ilaalinta nabadgelyada ah oo madaxdooda mushahar ayaanu siinaa.”
Maayarku waxa uu sidoo kale sheegay inay wax badan ka qabteen dhinaca dhismaha jidadka iyo sariibadaha (suuq-yarayaal). Waxa kale oo uu ka hadlay Inj. Jiciir, siday ula jaan-qaadayaan dawlada cusub. “Maadaama oo Madaxweynaha cusubi yahay dhaqaale-yahan, waxaanu ka rajaynaynaa inuu bixiyo kabkii dawladda hoose ku lahayd dawladda dhexe,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Isla markaana waxa uu ballanqaaday inay jidad kale dhisi doonaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya dawlada cusub iyo inay dawlada hoose ee Hargeysa ku talo-jiraan dhismaha goobo ciyaareed.
Mr. Axmed Caddare oo ka mid ah Qurbe-jooga Somaliland oo xafladdaas ka hadlay ayaa tacsi u diray eheleda ninkii ay habeen hore ciidanka ilaalada Madaxtooyadu dileen. “Waa in qurbe-joogu la jaan-qaadaan isbedelka wadanka ka dhacay, waana in aad wadankiina soo maalgashataan,” ayuu yidhi Mr. Cadarre. Sidoo kale, waxa isaguna xafladdaas ka hadalay Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan Hay’adda Akadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland. Waxaanu sheegay Mr. Boobe in dhibta ugu wayn ee haysata Qurbe-joogu ay tahay xaga qoysaska. Waxa kale oo uu sheegay in qurbe-joogu yihiin kuwo ka qaybqaata kolba halganka ka jira Somaliland, sida kii dib-u-xoraynta Somaliland oo ay qayb wayn oo xaga dhaqaalaha ah ka soo qateen. Cabdilaahi Dayib Askar oo ka mid ah ardayda wax ka barata dibedaha ayaa dhalinayarada Somaliland ugu baaqay sidii ay dhalinyaradu uga fogaan lahaayeen balwadaha, isla markaana xooga u saari lahaayeen xaga waxbarashada, sidoo kalena waxa uu dhalinyarada ugu baaqay inay ka foojignadaan waxa loo yaqaano sibiq-dhaqaaqa ama tahriibta. Cabdikariim Maxamed Jaamac, Cismaan Cabdilaahi, Axmed Cilmi iyo xubno kale oo iyana ka tirsan Qurbe-jooga Somaliland ayaa xafladdaas ka hadlay, kuwaasoo dhamaantoodba soo jeediyay sidii dawalda cusub loola shaqayn lahaa.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking