COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, July 5, 2010

Khabiir Nukliyeerka Iiraan ah oo Maraykanku afduubay

Hargeysa, (Nnn)- Dalka Iiraan ayaa soo saartay warbixin caddaynaysa in Maraykanku afduubay mid ka mid ah khubarada nukliyeerka ee dalkaas. Caddaymahan oo dalkisani u gudbiyay safaaradda Switzerland taas oo wakiil ah danaha Maraykanka ee Iiraan.
Shahram Amiri oo la waayey isaga oo ku guda jira gudashada waajibaad xajka ayaa la rumaysan yahay inuu ku sugan yahay dalka Maraykanka. Waxaana dhawaan soo baxay saddex muuqaal oo midkood sheegayo in la afduubay halka mid kale ay muujinayso inuu si xornimo ah ugu nool yahay Maraykan.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay inay tahay weerarro dhanka afka ah oo hay’adaha sirdoonka labada dal oo loolan ka dhexeeyo ay isku dayayaan in mid kasta oo ka mid ahi ku muujiyo inuu ka horreeyo ta kale. Haseyeeshee, Maraykanku waxa uu beeniyay eedaynta afduubka Mr. Amiri, laakiin telefishanka ABC ayaa soo wariyay in khabiirkani uu caawinayay isla markaana uu la shaqaynayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA si uu ula socodsiiyo habsami u socodka barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Mid ka mid ah muuqaalada oo la sii daayay 8 June, waxa ka muuqda nin sheegayana inuu yahay Amiri kaas oo leh in Sirdoonka Sucuudiga iyo Maraykanku afduubeen, kuna qasbeen sheegashada inuu ku nool yahay Maraykan. Laakiin muuqaalka labaad waxa uu ku sheeganayaa inuu si xor ah ugu nool yahay Maraykan.
Warbaahinta Iiraan waxa ay sheegtay in Mr. Amiri uu cilmi-baadhe ahaan kaga shaqaynayay jaamacad ku taala magaalada Dehraan, laakiin warar kale ayaa iyaguna sheegaya inuu u shaqaynayay hay’adda samaynta Nukliyeerka Iiraan isla markaana uu aqoon qotodheer u leeyahay barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaal.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking