Washington, (Nnn)- Warbixin lagu faaqiday xaaladdaha xilligan ee awoodaha Al-shabaab iyo dawlada ku-meel-gaadhka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dawladda TFG ee Sheekh Shariif aanay u qalmin taageerooyin sii socda oo ay ka helaan beesha caalamka, balse taas bedelkeeda waqtigan loo soo janjeedhsado ictiraaf caalimiya oo la siiyo Somaliland si wax looga qabto khataraha Al-shabaab ee gobolkan.
Warbixintan oo lagu faafiyay bogga Intrnet-ka ee CSM qaybteeda arrimaha Afrika, isla markaana u muuqata in si toos ah loogula hadlayo maamulka Madaxweyne Obama-ha Maraykanku waxay u dhignayd sidan: “Qaraxyadii argagaxa lahaa ee ka dhacay Kampala, Uganda, waxay ahayd uun keliya arrin timi waqti ka hor soo-jeedimo muujinayay in duullaan Somalia lagu qaado uu taageero Maraykanku. Haddaba, hadii wax kasta oo Somalia laga yaqaanaa tahay uun Black Hawk Down, waxa xaqiiqdii wanaagsan in faraha laga qaado in wax laga sheegoba. Waxba kama taqaanaan dhulkaas, ma fahmaysaan xaaladaha siyaasadeed ee halkaa yaala, waxaanay u muuqanaysaa uun inaad jaahil ka tahay sii-waditaan indho la’aan ah. Hadii aad ka fekeraysaan Afghanistan inay tahay meel tusaale ah, waxba arkimaysaan weli. Soomaaliya waxay u noqon doontaa Afghanistan sida iyada beer qurux badan maalin Axad ah la dhex lugaynayo. Khatarta Al Shabaab waa mid run ah, waana mid aad iyo aad khatar u ah. Inka badan 70 qof ayaa naftoodii waayay Axadii, waxaanay u muuqataa in inka badani ay ku naf-waayi doonaan dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo/ama Burundi ka hor inta aanay tani dhicin.
Obama waa inaanu farogelin Soomaaliya:
Caawinta dawladda Somalia wax badan ka qabanmayso sidii meesha looga saari lahaa khatarta Al-Shabaab ka imanaysa. Aynu taas kala cadayno: Dawladda xilligan ee Somalia ee caalamku aqoonsan yahay waa mid kaftan afka ah uun u taagan. Ma maamusho caasimadeeda ay leedahay. Waxay ka hawlgashaa huteel ku yaala Nairobi dhawr sannadoodba. Kama jiri doonto meel aanay jirin joogitaanka ciidamo ajaanib ah oo aanay taageerayn Maraykanku. Sida uu xusay G. Pascal Zachary, waxaynu dheeraysanay ku-xisaabtanka siyaasadii Ameerikaanka ee Somalia ku wajahnayd. Sheegashadii qayb ahaan ee Wasaaradda Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Aqalka Cad ee la xihiidhay in talaabada ugu muhiimsan ee lagu xasilin karo xaaladaha Somalia waa iyada oo la sii wado arrinta male-awaalka ah ee aqoonsiga dhuleed ee Somalia, taasoo ka dhigan uun fikirkii inagu (Maraykanka) dhex-tuuray dhabaqsanaantii dhacday 1993-kii. Markaa maxay tahay inay ka dhacdo ixtiraamka siyaasada Maraykanka ee Somalia? Wax fara badan ayaa ku xidhnaan doona go’aamada laga qaado shirka AU-da ee toddobaadka dambe ka dhacaya Entebbe, Uganda. Kenya, Ethiopia iyo Uganda waxay dhamaan ku socdeen kabista qorshayaasha Maraykanka ee gobolka ee taageerada tabobarrada, mucaawinada iyo qalabka ee dawladda Somalia. Miyay rabi doonaan sii-waditaanka ah inay sidaa sameeyaan, iyada oo ay muuqatay xaqiiqada ah inay Al-Shabaab immika leedahay awooda ay ku baqdin-gelinayaan dadyowgooda gudaha dalalkooda?
Ugu dambayntii, waxa jirta su’aasha Somaliland, dalka iskii isu-maamula ee waqooyiga Somalia, kaasoo leh dhamaanba astaamihii lagu qadarin lahaa qarannimo, balse uu ka maqan yahay arrinka ugu muhiimsan ‘aqoonsi.’ Somaliland waxay immika uun qabsadeen doorashooyin guulaystay oo isla xilligan awoodii uu xisbiga hayay ku wareejinayo xisbi kale. Waa qaran shaqaynaya oo leh dhaqaale koraya iyo gacan-ku-hayn adag oo dhulkooda ah. Waxa waqti hore laga joogaa in Maraykanku xilligii uu joojiyay hawlgalladii Muqdisho ay ahayd inay la shaqeeyaan kuwa (Somaliland) xaqiiqdii awooda u leh maamul-dawladeedka Gobolkaas ka jira. Zachary wuxuu u ololaynayaa in la aqoonsado saddex gobol (Soomaaliyadii hore u kala go’do) oo iskood isu maamula, balse Puntland siday xaqiiqdu tahay sidaa awood uguma laha inay maamulaan wax banaanka ka ah dhawr meelood oo lagu badan yahay, hase ahaatee Somaliland ayaa siday xaqiiqdu tahay awooddaas leh. Aqoonsigu wuxuu saamaxayaa Maraykanku inuu tabobarro siiyo askarta Somaliland, dabadeedna waxa aad muhiim u ah, in la siiyo saldhig hawlgalada ah, kaasoo aad uga xasiloonaan doona marka loo eego xuduudka Kenya ee fawdada ah. Hadii sidaa la sameeyo, waxa xalismaya damaanba mashaakilaadka ka taagan gobolka, gaar ahaan khatarta Al-shabaab. Dabcan, ma wada xalismayso, balse waxa la gaadhay xilligii ugu haboonaa ee aynu joojin lahayn is-caruuraynta ee ah inaanay dawlada maanta ee Somalia shaqaynayn weligeed. Ma shaqayn doonto.”
Courtesy: OGAAL
0 comments:
Post a Comment