Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay War sheegaya in Madaxweynaha la doortay uu magacaabay laba Wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan. Isla markaana wuxuu ka hadlay wakhtiga uu Madaxweynaha cusub soo magacaabayo Xukuumaddiisa.
Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Warbaahinta ee Xisbigaas Maxamed Cilmi Aadan, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa ku soo baxay Wargeysyada qaarkood Warar sheegaya inuu Madaxawaynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu magacaabay Wasiiro hordhac u ah xukuumadiisa Cusub. Haddaba, Xafiiska Madaxwaynahu  wuxuu caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee Wasiiro  si hordhaca loo magacaabay ilaa hadda. Madaxwaynaha  la doortay wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu talooyin iyo afkaaro habboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani  leeyahay,  si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh inshaalaahu tacaalaa.  
Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu  soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego, Qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku.”
Courtesy: OGAAL
 




 
 



 
 









 



0 comments:
Post a Comment