COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, July 10, 2010

‘Anigaa is-doorshoo, Xil baan u doornahay”

Barkhad M. Kaariye - Q. 1aad
Tartan kasta oo la galo laba jid midkood ayay mutaan tartamayaashu, qayb guulaysata iyo garab laga guulaysto, hase ahaatee, macnuhu kuma jiro in la kala badiyo, waxayse xikmaddu ku duugan tahay in dhinaca laga guulaystay uu aqbalo. Inkasta oo muddadeedii dhaaftay, haddana ugub kuma aha Somaliland in tartan Siyaasadeed saldhiggiisu yahay hoggaaminta dalku ka dhaco, hase yeeshee, hore ayay Umadda Somaliland saacado badan ugu soo dul-qaateen Cadceed kulkeedu sarreeyo, isla markaana ay codkooda u soo dhiibteen.
Waxase Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ay kaga geddisan tahay, Shacabka Somaliland oo yiddidiilo xooggan ku qaba in ay horseed u noqon karto aqoonsi Caalami ah oo ay Beesha Caalamku ku abaal-mariso Somaliland.
Xafiiltanka siyaasadeed iyo xeeladaha kala-hanashada dadweynaha la filayay in ay codkooda dhiibanayaan, ayaa dalka ka socday wakhtigii la xaqiijiyay in ay suurtogal tahay in Doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso ilaa markii laga soo gaadhay maalintii Doorashada.
Ololaha Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa 02 June 2010 dalka ka bilaabmay, isla markaana dhammaaday 23 isla bishaas, taas oo keentay in 26 June dalka looga dareero Doorashadii labaad ee Madaxtooyada oo ay dadweynuhu si xor ah u soo doortaan Madaxweynihii iyo madax-weyne-xigeenkii hoggaamin lahaa.
In Koox dad ah lagu qaabilo Munaasibad, lana shaaciyo in ay ka baxeen Xisbi, kuna biireen Xisbiga Xafladda u sameeyay, ayaa ka mid ahayd tabaha lagu sawirayay in taageerada Xisbigaasi korodhay. Taas oo socotay ilaa horraantii Ololaha Doorashada.
Muddo badan oo Carrabka dadku u badnayd kelmadda ISBEDEL ka dib, Arooryo hore, 26 June 2010 ayay dadweynaha reer Somaliland guud ahaan dalka uga dareereen si ay codkooda u dhiibtaan Doorashada Madaxtooyada, isla markaana tirinta codadkaas natiijadii ka soo baxday ay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqeen in uu ku guulaysteen Murashaxiintii Jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, taas oo ay soo dhaweeyeen tartamayaashii kale ee Murashaxiinta guulaystay kula loollamayay xilalkaas.
Tartanka siyaasadeed waa mid ku caano-maalay in siyaasiga tartamayaa ku talo-galo in laga guulaysto iyo in uu guulaystaba labadaba, taas oo sahasha in la maro Jidka wanaagga huwan ee ay qaadeen siyaasiyiintii la tartamaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay oo ah in laysu hambalyeeyo.
Qof kastaaba geesta uu doono ha iska taago’e, baytal-qasiidka dadweynaha reer Somaliland badankooda ayaa codkooda u dhiibtay si uu dalka uga hirgelo isbedel salka ku haya nidaamka maamul ee dalka ka jiraa. Kuwaas oo ku naalloonayay in ay mar uun arkaan doonistooda oo hirgeshay. .“Waxaan u codeeyay in dalka isbedel ka dhaco, Ilaahay mahaddiina wuu ka dhacay. Markaa aniga iyo inta ila mid ahayd ee u codeeyay isbedelku, waxaanu filaynaa in isbedel khayr qaba uu noqdo.” Waa qaar ka mid ah weedhaha dadkii codkooda dhiibtay ay ku cabbirayeen nooca isbedelka ay doonayaan. Waxa jira in badan oo kale oo ujeedada ay codkooda ugu hureen in dalka isbedel ka dhacaa uu daarranaa in la helo hoggaamiyayaal iyo Masuuliyiin xilka loo igmado uga soo baxa sidii ay dadweynuhu u doonayeen ama loogu dhiibay. Halka dadka in kale oo ka mid ahi ku qanacsanaayeen oo kaliya in dalka isbedel ka dhaco. Ujeedo kasta oo qof waliba ka lahaa in isbedel dhacaba, habeenimadii 01 July 2010, ayay Guddida Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashada, kuwaas oo shaaciyay in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u sharaxnaa Jagada Madaxweynaha ee KULMIYE iyo ku-xigeenkiisu ay ku gulaysteen xilalkii ay u tartamayeen.

La soco qaybo kale…

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking