COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, July 10, 2010

“Reer Galbeedku miyay curyaaminayaan fursadda wanaagsan ee dimuquraadiyada Somaliland?” –

Warbixinta CSM

Boston,(Nnn)- “Hadii ay Somaliland tahay ilme rabitaanka wanaagsan xambaarsan, markaa Somalia waxay noqonaysaa Ugxaan aan wanaagsanayn,” sidaa waxa lagu sheegay warbixin uu bogga Christian Science Monitor boggiisa arrimaha Afrika ka baahiyay faaqidaad lagu lafo-guray Somaliland iyo Somalia.
Warbixintan oo uu qoraaga qalinka u qaatay ka tirsan yahay shabkaddaas, isla markaana uu booqasho ku yimi Somaliland mudo sannad ah ka hor, waxa uu ku bilaabay, “Jamhuuriyada isku maacowday Somaliland waxay codadkooda bixiyeen toddobaadyadii la soo dhaafay si ay u doortaan Madaxweyne cusub. Somaliland waa mid koone kaga taala Somalia oo shaqaysa, balse beesha caalamku ay diideen inay u aqoonsadaan wadan madaxbanaan. Markaa Reer Galbeedku miyay curyaaminayaan fursadeeda ugu wanaagsan ee dimuquraadiyada gobolka? Wax inyar ka badan sannad ka hor, ayaan diyaarad nooca Ruushanka qadiimiga ah ka raacay dalka Djibouti si aan duulimaad waqti kooban uu tago Somaliland. waxay ahayd markaygii ugu horaysay, taasoo ilaa markaa ahayd booqashadaydii keliya ee aan ku gaadho Somaliland, taasoo Somalia 20 sannadood ka hor ka go’day, balse aanay cidina u muuqan inay eegaan. Sidaa darteed, waxa wax lala yaabo inaanay weli dunidu eegaynba.
Somaliland waxa ka dhacay dhawaan doorashooyin madaxtinimo, isla markaana marka loo eego doorashooyinka dalalka aadka loo qadariyo sida, Kenya, Suudaan iyo Burundhi – may jirin wax sheegashooyin khaladaad ah oo jiray, may jirin cid ka mid ah goob-joogayaasha caalamiga ah oo ku dhawaaqay wax isdaba-marin ahi. Xataa may jirin wax indhuhu qabteen oo tuhuno ahi. Inkasta oo ay jirtay hanjabaad Al-shabaab ka timi oo sheegasay inaanay codeeyeyaashu doorashaddaas ka qaybgelin, hadana cod-bixiyeyaashu taas way dafireen. Isla markaana markii natiijadii doorashadu soo baxday, isla markaana uu guuldaraystay madaxweynihii talada hayay, waxa jirtay in si nabadgelyo ah uu awooda u wareejinayo Madaxweynaha ay doorashada iskaga soo horjeedeen.
Dabcan, way fududahay in la dafiro Somaliland. Maaha wadan sida Suudaan, Nayjeeriya iyo Angoola soo saara saliidda. Maaha wadan sida Burundhi oo kale uu ka dhacay xasuuqii aadka u xumaa. Maaha wadan sida Kenya oo kale u haysta hoynimada dhaqaalaha gobolka oo ay mararka qaarkood ka dhacaan burburo iskood ahi. Somaliland waxa ugu badan ee ay dibada u dhoofisaa waa hilibka xoolaha, mana xusuusto xilligii ugu dambeeyay ee ay beesha caalamku u farogelisay dhaqaale ahaan, xataa marka ay fiican tahay ee ay u baahnayd. Laakiin, laga yaabe inay aad muhiim u tahay, inaanay beesha caalamku wax farogelin ah samaynin ilaa dalkaas ay ka dhacaan mashaakilaad. Waa waddan aad u degen, faqiir ah, qaran ahaan shaqaynaya – sida caruurta sida fiican u dhaqanta – wanaagsan, waxay ku dhaceen in la dafiro.
Somalia oo dawlad ahaan gacanta ku haysa dhul aan ka badnayn 6km, isla markaana ay kabayaan 6100 askari oo ka socda AU-du ayaa hadana dawlad la’aanta koonfurta Somalia ay horseeday inay ka dilaacaan gaangiistariin dembiileyaal ah, kuwo hubka tahriibiya iyo budhcad-badeed ku kala baahsan deked kasta oo ku taala xeebaha Somalia. Sidaa aawadeed, Maraakiibta Yurubiyaanka ah ee badda ayaa gaaf-wareega Gacanka Caddan si ay u badbaadiyaan maraakiibta ganacsi ee halkaa maraya oo qiimahoodu uu sannadkiiba gaadhayo. Hase yeeshee, mudo intee in le’eg ayuu waddankan degen, faqiirka ah ee dal ahaan shaqaynayaa uu ku sii dhex-jiri karaa gobolkan khatarta ah? Maxay u sii wadayaan inay xidhxidhaan gaangiistariinta budhcad-badeeda ah ee biyahooda soo gala, mar hadii ay haystaan keliya saddex doonyood oo ay ugu yeedhaan hawlgallada badda? Sideese uu ku ballanqaadayaa waddankan sida wanaagsan u dhaqmayaa inuu ku sii wadanayo si uga tarjumaan danahooda nabadgelyo?
Jawaabtu way fududahay, sida uu sheegay Madaweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kaasoo aan waraystay xilligii uu weli ahaa Musharraxa Madaxweynenimo. “Waxaanu nahay qaran waddan ah, waxaanu nahay dad u qalma inay aqoonsi helaan,” ayuu yidhi Mr. Siilaanyo, xilli aan waraysi kaga qaadayay gurigiisa oo ku yaala Hargeysa. “Sababta aanu u nahay Jasiirad nabadgelyo ah oo ku taala gobolka, waa in dhamaantayo ay naga go’an yihiin qoddobada aasaasiga u ah nabadgelyadu iyo jiritaanka aanu la wadaagno jaarkayaga.” Hase yeeshee, wadan ganacsi ahaan ka go’an dunida inteeda kale ma badbaadayo, ayuu hadalkiisa raaciyay. “Dadku waxay dalkan ku soo noolaayeen kumanaan sano. Ma arkaysaa xaaladaha jidadka, xaaladaha caasimadahayaga, maqnaanshaha horumarinta. Waa maxay sababta ay dunidu noo aqoonsan wayday, mar hadii aanu nahay dad doonaya inaanu ku noolaano nabadgelyo?” Tani waa su’aal u qalanta in jawaabteeda loo helo!”
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking