COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, July 8, 2010

Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlay masuuliyadda Hay’addaha Dawladda ka saaran hantida qaranka

Hargeysa,(Nnn)- Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay inuu ku adkaynayo Hay’adaha Dawladda masuuliyadda ka saaran hantida qaranka guud ahaan, isla markaana la ilaaliyo diyaarinta xil-wareejinta gaadiidka dawladda sida ugu haboon.
Wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay inuu maqlayay maalmahanba gaadiid dawladu leedahay oo lambarradii laga furayo, balse ka-wasaarad ahaan aanay iyagu haynin gaadiid siyaabahaas lagu lunsanayay. “Waxaan doonayaa inaan u baahiyo Hay’addaha dawladda in la ilaaliyo masuuliyadda qaranka cid walba saaran ee hantida qaranka, lana diyaariyo xil-wareejinta gaadiidka dawlada sida ugu haboon, wax masuuliyad-darro ahina aanay dhicin,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray, “Kolley anaga ka-wasaarad ahaan, waaxdii gaadiidkuna way ila fadhiyaan maanaan maqlin wax warbixin sugan oo inta lambarkii laga bedelay intan kala-guurka lagu jiro la bililiqaystay ma ogin. Taanu ka digaynaa waa taas, dawladnimaduna waxa weeye in si nidaamsan oo masuuliyadi ku jirto wax laysugu wareejiyo.”
“Wasaaraddaha ama Hay’adaha dawladda waxaanu leenahay, waxaanu idinka rabnaa warbixin la xidhiidha gaadiidka ay hayaan ee ay xil-wareejinta ku darayaan, maadaama oo aanay wasaarada gaadiidku haynin liiska gaadiidka oo dhan. Waa jirtaa in marar badan aanu qoray, hadana waanu qoray, maadaama oo xilkii ay wareejiso xukuumadii hore ee xisbiga UDUB, kuna wareejinayaan xukuumada cusub, waxaanu leenahay waa in si hufan loo keenaa liisaska gaadiidka. Amarkii hore ee aanu ku joojinaynay socodka gaadiidka ee 6:00 ka dambeeya ee aanay masuuliyiini wadanina wuu jiraa oo waa la qabanayaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasiirku wuxuu sheegay in siyaabaha kala duwan ee ay gaadiidku ku soo galaan dawladda awgeed aanay haynin liis sugan oo la xidhiidha tirada guud ee gaadiidka dawladdu leedahay, balse inta ka-wasaarad ahaan ay ku leeyihiin tahay uun inay lambarrada siiyaan. Isla markaana gaadiidka meesha ka baxa ee xumaada iyo kuwa kaleba aanay wasaaraduhu la soo socodsiin. Mar la waydiiyay Wasiirka Hawlaha Guud dhanka uu mustaqbalkiisa ula baydhi doono, maadaama oo ay xukuumada uu ka tirsanaa xilka dhawaan wareejinayaan, waxa uu ku jawaabay, “Inkasta oo aanan ku talogalin inaan ka hadlo wax ka baxsan mawduucaas, hadana waa su’aal meesha ku jirta. Horta, anigu talada dalka ka biximaayo, balse maadaama oo aan shaqada ka tegayo, waa inaan shaqo samaystaa, wixii hawl qaranka igaga soo aadana waan u qabanayaa qarankayga. Kolley dee, waxa jira Xisbiga UDUB oo aan ka tirsanahay, markaa isagana kolley, Boodhka waa laga tumayaa.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking