COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, July 11, 2010

Madbacadda Qaranka oo Albaabada loo xidhay iyo cabashada hawladeenada

Hargeysa,(Nnn)- Madbacadda Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay soo foodsaartay duruuf qalafsan oo sababi karta inay guud ahaan kacdo.
Qaar ka mid ah hawl-wadeennada Madbacadda
Siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Hadhwanaagnews, saddexdii todobaad ee u dambeeyay wax shaqo ahi kama socon Madbacadda Qaranka ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, laguna daabaco dhammaan waraaqaha Cashuur-qabashada dalka iyo dhukumentiyada dawladda qaarkood.
Hoolalka Madbacadda oo albaababdu u xidhan yihiin
Sida uu sheegay Maxamed Cabdi oo ka mid ah hawlwadeenada Madbacadda Qaranka, shaqaalaha xaruntaasi muddo todoba bilood ah wax mushahar ah may qaadan, ka dib markii sida la sheegay ay Madbacadda la degeen maamul-xumo iyo musuqmaasuq. “Wax Mushahar ah ma aanu qaadan, imikana shaqo kama socoto, todoba bilood lacag ma aanu qaadan, waxaananu isbedel iyo horumar ka filaynaa xukuumadda cusub oo iyana aan weli xilkiiba la wareegin. Waxaan ka rejaynaynaa dawladda cusub inay badbaadiso Madbacada qaranka oo ahmiyad weyn u leh dawlada, hase yeeshee hadda qarka u saaran inay kacdo,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi oo tilmaamay inaanay lahayn wax maamul ah oo xiligan sharci ahaan gacanta ugu haya socodsiinta hawl maalmeedka shaqada Madbacada. “Waxa maamul ah ma lihin oo hawsha xiligan sii wada, Maareeyihii Madbacada hore ayaa shaqada looga joojiyay markii shaqaaluhu cabasho ka dhan ah xukuumadii hore u gudbiyeen, waxaana markaa loo soo magacaabay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xasan Macalin oo isna is casilay dhawaan. Markaa ma garanayno cid meesha ka talisa,” ayuu raaciyay ninkaas oo u hadlay shaqaalahaa muddada dheer aan mushaharka qaadan.
Sida warku sheegay, Madbacada qaranku waxay qarka u saaran tahay inay guud ahaan xidhanto ka hor inta aanay xilkaba la wareegin xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dhinaca kale, waxa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Madbacadda qaranka koox ka mid ah Hantidhawreyaasha dawladda oo dhawr jeer oo hore baadhis ku sameeyay xaruntan, inkastoo aan la arag natiijo ka soo baxday baadhistaas.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking