COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, July 14, 2010

Wasiir ka tirsan Dawladda Ingiriiska oo la kulmay ergooyin ka socda dalal Somaliland ka mid tahay

Nairobi, (Nnn)- Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay aqoonyahan ka kala socda deegaamada Soomaalidu degto oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa qasdigiisu ahaa u xogogaal noqoshada xaaladda Soomaalida ee Dawladda cusub ee Ingiriiska, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka dawladda Ingiriisku la yeelanayso.
Aqoonyahanka iyo masuuliyiinta Somaliland uga qayb galay kulankaa waxa ka mid ah Hormoodka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka warbixiyay ujeedada kulankaa iyo wixii lagaga wada hadlay. “Waxaanu la kulanay Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan iskaashiga caalamiga, waxaanu wada qaadanay laba saacadood oo Qado dusheed ah, anaga oo Aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo dadka Soomaalida wada matala, sida Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland-ba, qaybaha ay ka kala socdeena waxay ahaayeen Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Bulshada rayidka ah. Dawladuna way cusub tahay, dawlad kasta oo cusubina waxay rabtaa inay siyaasad gooni ah la timaado ama teedii horeba dib u eegto. Markaa, arrinta aanu iska waraysanaynay ee Safaaradda Ingiriisku soo qaban-qaabisay waxay ahayd mucaawinooyinkii uu Ingiriiska ama midawga Yurub bixinayeen Soomaalida qaybaheeda sidee bay u gaadhaan? Ama tayadeedu sideebay tahay arrintaasaanu ka wada hadalnay.” Ayuu yidhi Saleebaan oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Mar la waydiiyay Prof. Saleebaan waxa ay kala kulmeen Wasiirka iyo waxay dhinacooda warbixin u gudbiyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta Waraysi buu noogu yimi, wuxuu yidhi, maadaama oo aanu dawlad cusub nahay waxaanu doonaynaa inaanu ogaano ilaa xad xaalkiinu siduu yahay, sida ay mucaawinooyinkaasi yihiin, anagay tahay markaa inaan uga warano. Waxaanu ku nidhi, waa wax la wada ogyahay, dawlada Ingiriiska iyo dawladaha kale mucaawinooyinkay bixiyaan ee Soomaalida waxay u badan yihiin halka laga maamulaa magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale oo Geeska Afrika ah, taanu u sheegnayna waxa weeye inaan inteedii badnayn halkan lagu kharash gareeyo in dadkii lacagtaa loogu talo galay aanay awood badan ku lahayn sidii loo isticmaalayey iyo meelaha ay galaysaba. In Nairobi lagu qorsheeyo, mashaariicda dadka maamulayaana badankoodu ay yihiin dad shisheeye ah, maadaama aanaan marka horeba qorshahaa shaqo ama gacan ku lahayn, fullinteediina gacan badan kuma yeelanayno runtii. Markaa, sidii la doonaynayey aanay wada noqonayn arrintaas si cad baanu ugu sheegnay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanu ku talinay in Ingriiska iyo dawladaha ay gacan saarka leeyihiinba ay dib u eegaan waxtarka ay mucaawinooyinkaasi tarayaan, in isbadel la sameeyo oo la dhagaysto dadkay mucaawinadu u socotay ee Soomaalida ah, dhinaca Somaliland maamul dawlad baa ka jirta in la warsado iyaga cidda kale ee ay la shaqaynayaan, Puntland in la warsado meeshii ay mucaawino geeyaanba, ka dibna la dhagaysto waxa dan la moodana lagu saleeyo baahidii dadka. Taladaa Wasiirku si wanaagsan ayuu u qaatay, wuxuu yidhi dib ayaanu u eegaynaa. Xataa waxaanu ku nidhi, haddii dadka gudaha jooga la is-haleeli waayo ama aydaan noo dhiibin, waxa la idinla joogta dad soomaali ah, kuwaa noo soo dira halka ay ka shaqaynayaan qolooyinkan Afrikada bari iyo dadkan kale ee aan dhaqankayagana aad u fahmayn maslaxadana aan aad u eegayn.”
Gebogebadii, mar uu Prof. Saleebaan ka hadlayay gunaanadkii kulankaa iyo wixii ku dhammaaday, ayaa wuxuu yidhi, “Horta, labada dawladood oo heshiis galaya maanu ahayn ee wuxuu ahaa is-waraysi, waraysigiina talooyinkaa aanu soo jeedinay waxaanu u arkaynay inuu si fiican u dhagaystay, waxaanan jecelahay siduu ballan qaaday inay ku darsan doonaan talada.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking