COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, July 11, 2010

Madaxweynaha la doortay oo hawl kale u xilsaaray guddiga talo-bixinta dhismaha Xukuumadda cusub

Hargeysa,(Nnn)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hawl kale u xilsaaray guddi uu dhowaan u saaray talo-bixinta dhismaha Xukuumadda cusub.
Axmed-Siilaanyo oo qoraal ku socodsiiyay guddigaas, waxa uu uga mahadceliyay hawsha ay qabteen ee la xidhiidha talo-bixintooda qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub ee Somaliland.
Qoraalkaas oo uu shalay gaadhsiiyay guddiga, waxa uu u dhignaa sidan;
“Marka hore waxaan Mudaneyaal iyo Marwooyin si xushmad iyo qadarin leh idiinka mahad celinayaa sidaad uga soo dhalaasheen hawshii aan idiin xil saaray.
Sidaad la socotaan Mudaneyaal iyo Marwooyin, xukuumadda cusub waxa laga sugayaa waxqabad badan.
Sidaasi darteed, waxaan idiin xil saaray sida waxqabadka dawlada mudnaanta loo kala siinaayo boqolka maalmood iyo lixda bilood ee ugu horreeya haddii Alle yidhaahdo.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking