COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, July 5, 2010

“Maaha inuu Qof waliba u fekero sidii uu Boos (Xil) ku heli lahaa, balse waa in..”

Madaxweyne-xigeenka la doortay
Hargeysa, 05 July, 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa xalay munaasibad ku qaabilay qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga uu Murashaxa u ahaa ee KULMIYE ee qurba-joogga iyo masuuliyiin kale, waxaanu shahaado sharafyo ku maamuusay qurbo-jooga taageera xisbiga KULMIYE qaarkood oo muddadii ololaha doorashadu socday isaga kala yimi dibedaha.
Munaasibad xalay lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaalada Hargaysa, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mahad-naq u jeediyay qurba-joogga. “Waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa qurba-jooga reer Somaliland oo dhan taageerayaasha KULMIYE. Qurba-jooga reer Somaliland waa dadka dalka dhisay hadday tacliin tahay ilaa tuulooyinka ugu hooseeya, cusbitaalada ugu waawayn, jaamacadaha, wadooyinka waa dad hawlo fara badan qabtay, dhiiri galin fara badan sameeyey, dadkaasi waa dadka dalku ku dhisan yahay, illaahay waxaanu ka rajaynaynaa hawlahaa culus ee aad qabateen in aad sidii hore aad ugu wadeen inaad u sii wadi doontaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waliba waxaanu idinka doonaynaa inaad dardar cusub ku sii dartaan inaad ictiraaf raadintii dalka oo maanta aynu isleenahay talaabada dalka ka dhacday ee doorashada ku dhacday nabadgelyada, wadajirka ee ummada iyo dunidu inooga markhaati kacday, waxaan isleeyahay wax wayn bay halkaa sumcadii iyo magacii Somaliland u soo kordhinaysaa, sidaynu caalamkoo dhan ka aragnay goob-joogeyaashii ka markhaati ee cidkasta oo saaxiibkeen iyo cadawgeena ahayd ay maanta qirayaan, markaa waxaanu illaahay ka baryeynaa inaad hawshaa halkaa ka sii wadi doontaan oo aad dadka iyo dalkaba sidaa ugu shaqayn doontaan hawsha iyo xilka lana saaray waxaan illaahay ka rajaynayaa inuu noo fududeeyo, maanta aniga iyo madaxweyne ku-xigeenka hawl cusub oo nooc kale ah ayaa noo bilaabantay anaga maanta raaxo noomay bilaabmin, anagu maanta odhan mayno waad guulaysateene dhabar u jiifsada, waxaanu ognahay hawsha iyo xilka lana saaray waxa ummadu naga sugayso baaxada iyo balaadhka uu leeeyahay.”
Madaxweynaha la doortay wuxuu ka hadlay talooyinka dadku u jeediyeen, waxaanu sheegay in loo baahan yahay dawlad kooban oo tayo leh. “Marka dawlad cusubi dhalanayso orod fara badan ayaa yimaada talooyinka lana siiyaa way fara badan yihiin waa iska dabiici in dadku uu damac yeesho oo ay cid waliba jeceshahay inay dawlada ka qayb gasho. Laakiin aynu ogaano inaynaan dhamaanteen dawlada ka wada qayb gali karayn, waxaynu u baahanahay dawlad kooban oo tayo leh oo shaqaysa, waad aragteen guddiyo ayaanu saarnay talooyin baanu ku jirnaa qaabka ugu wanaagsan ee munaasib ku ah dalkeena dhismihiisa anagoo xataa xisbiga ku koobin, maadaama waxa aanu samaynaynaa uu yahay wax dalka iyo dadka oo dhan aanu u samaynayno waa inaanu dadka wax ka waydiino, illaahay waxaanu ka baryeynaa inay talooyin wax ka ool ahi nooga soo bixi doonaan, waxaanu illaahay ka baryeynaa dawlada aanu dhisnaa inay noqoto tii dalku ku guulaysto, anagana sharaf iyo magac noo soo jiida.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne-xigeenka la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku baaqay in aan dadku ku fikirin sidii qof qof waliba xil uga heli lahaa Xukuumadda cusub, hase ahaatee, lagu fikiro sidii meel looga soo wada jeesan lahaa danaha dalka iyo dadka. “Walaalayaal maanta waxaynu galnay waa cusub, waxaynu u baahanahay maaha inuu qof waliba u fikiro sidii uu Boos ku heli lahaa ee waa inaynu dhexda u xidhano ummada Somaliland halka ay maanta joogto waad ogtihiin ummad baaba’san oo aan dhaqaale haysan oo dhamaantood aanay waxbarasho gaadhin, Caafimaad gaadhin, Biyihii ka ooman. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad dhexda noola xidhataan oo aynu u wada u diyaar garawno, anagu waxaanu u diyaargaroobaynaa ballantii aanu qaadnay ee ahayd isbadel dhab ah inaanu ka samayno dalkan oo ah caddaalad, midnimo iyo horumar.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka la doortay ee Somaliland.
Masuuliyiintii kale ee halkaa ka hadlay waxa isna ka mid ahaa Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Horta wax cusub maaha inay qurba-joogu door wanaagsan ka ciyaaraan Somaliland oo haddaad xusuusan tihiin halgankii la soo galay ee Somaliland lagu abuuray qurba-joogu meel ay joogaanba lafdhabar bay ka ahaayeen. KULMIYE dhaqaale ahaan xisbi baaxadaa lihi muu shaqayn kareen haddaanu taageerada qurba-jooga haysanin aad baanay ugu mahadsan yihiin qurba-joogu.”
Cabdiraxmaan wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay. “Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaan odhanayaa oo aan ka codsanayaa qaynuunkan odhanaya qof qurba-joog ah oo Baasboor sitaa isma sharixi karo, kaasi waa xaq darree halanaga joojiyo, haddii kale anigu isma soo sharixi karo ileen waxaan doonayaa inaan shanta sano ee dambe isa soo sharaxee.”
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah Masuuliyiinta KULMIYE oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay, ayaa la dardaarmay Qurba-joogga ka qayb-galay Munaasibadda. “Waxaan maray Buuraha, waxa marayey qurba-joogga. Waxaan maray Bacadka, waxa marayey shacabka kale oo rag iyo haweenba leh. Markaa ku dheeraan maayo guusha iyo sidii ay ku timi, dalkan waxa horyaala faraxa ka dib, mashaakil fara badan. Dalkani wuxuu sugayaa ictiraaf, caalamka inuu ka helo dhaqaale oo ay u furanto qaddiyadiisu. Dalkan waxa horyaala dhaqaale xumo, waxa horyaala shaqo la’aan, waxa horyaala maamul xumo, dalkani wuxuu u baahan yahay in xooggiinii marayey buuraha iyo bacadka aanu u qaadan in dagaalkii dhamaaday goob dagaal bay ahayde dagaalkii waynaa wuu hadhsan yahay, dal dhis baa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Barigii jabhada aanu ahayn kacdoon shacbi baa jiray oo albaab kasta garaacayey, markaa waxa loo baahan yahay oo albaab walba aad garaacdaan, ictiraafkii raadisaan oo aad ummada u dagaashaan, waxa la idiinka baahan yahay boqol doolar ee aad reerka u soo u diraysaan 2% inaad dalkii kaga tala gashaan oo aad ku caawisaan madaxweynihiina aad maanta doorateen.”
Xidhiidhiyaha Qurba-joogga ee Xisbiga KULMIYE Cismaan Saxardiid oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Sharaf ayey caawa noo tahay haddii madaxweynaha cusub ee la doortay xafladii ugu horeysay ee uu Somaliland ku qabto ee marti sharaf ah uu u soo gudbiyey qurba-jooga reer S omaliland aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa. Dad badan baa waxay nagu yidhaahdaan qurba-joogaw miyeydaan noqonayn ololihii wuu dhamaadaye, markaa waxaanu leeyahay haddaanu qurba-jooga nahay waanu noqonaynaa. Laakiin anagu qurba-joog ahaan kursi doon ma nihin, waxaana daafaha dunida uga kala nimi waxa weeye danta dadka reer Somaliland si ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking