COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, July 21, 2010

Maxaa sababay saxeexa Dr. Idiris ee heshiiskii uu hore ugu diiday Baanka Adduunka?

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Weftiga
Hargeysa, (Nnn)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo wax ka yar toddobaad ay xukuumadiisu xilka ku wareejinayso, ayaa shalay xilligan kala-guurka ah heshiis la saxeexday Baanka Adduunka, kaasoo muhiimadiisa uu ku sheegay dhismaha Kawaan Hilibka xoolaha ah oo laga hirgelinayo dhawaan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer iyo Mashaariic kale.
Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Inj. Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere), Agaasimaha Guud Dr. Maxamuud Cali Giire iyo Madaxda Hay’adda FOA oo la soo mariyo mashaariicda Baanka Adduunka, ayaa xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha shalay shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socday baanka adduunka. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo shirkaa ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabihii kulankaasi ku saabsanaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, "Qoladani waxay ahaayeen koox ka socotay Baanka Adduunka oo mashaariic badan oo laga fuliyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maalgeliyay. Markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimid ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano. Waxaana Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaariicda Baanka Adduunka. Mashruuca kawaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame, ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maalgeliyeen, waxa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo-qabatino la sameeyay, waxaana baraago laga sameeyay dalka ilaa labaataneeyo meelood arrimahaasi ayay daba socdaan immika."
Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa uu sheegay in Weftigan Baanka Adduunka ka socota ay shalay la saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay Kawaanka Hilibka Burco u dhisi lahaayeen, isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Waxay immika ogolaadeen inay dhisaan oo aanu kala saxeexanay dhismaha kawaanka hilibka ee Burco…inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan. Kawaankaa Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa ka Magaalada Boorame, waxaana aanu weydiisanay inay lixda gobol ee waawayn-ba ka dhisaan kawaano waawayn. Markaa Kawaanka Burco waxa ku baxaysa in illaa laba milyan oo Dollar ah." "Waxa kale oo ay balanqaadeen inay sii wadaan biyo-qabatinnada ay dalka ka samaynayaan. Waxa kale oo ka mid ah mashaariicda ay Wasaarada la fulin doonaan, iyaga oo soo marinaya Hay’adda FAO, tusaale ahaan in shantii reer ee meel degan-ba laga dhaxaysiinayo Beer Caws ah," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumada xilka lagala wareegayo. "Kawaanka Hilibka Boorame wuxuu awood u leeyahay inuu dhoofiyo Hilibka haddii uu furmo madaarka Boorame, markaa Weftigan ujeedadiisu sidaasi ayay ahayd…waxa kale oo aanu ka sii wadahadalay qiimaynta mashaariicdii hore ee aanu wada-qabanay, Mashaariicda dambena waxaanu ku wareejin doonaa dawlada cusub." Ayuu yidhi Mr. Idiris Ibraahim Cabdi.
Wasiirka oo la weydiiyay sida uu sharci u noqonayo heshiiskan cusub ee uu la galay Baanka Adduunka xiligan kala-guurka ah ee xukuumadiisiina xilka wareejinayso, waxaanu ku jawaabay, "Heshiiskani mid wayn maaha ee waa mashaariic horumarineed, dawlada cusub ayaa la wareegi doonta, balse waanu u sii saxeexaynaa ilayn hawshii anagaa sii wadnee." Mar la waydiiyay hadii xukuumadiisu xilka wareejiso halka uu ku dambaynayo iyo inuu dibadda tegayo, waxa uu sheegay inaanu meel kale tegayn ee uu dalka joogayo.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in heshiiska xilligan labada dhinac kala saxeexdeen uu ahaa mashruuc ku-talogalkiisu waqti hore fuli lahaa, balse dano leexsan ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashanaysay Madaxtooyadu dib ugu riixeen waqti kale. Sidaa daraadeedna, xilligan ay weftiga ka socda Baanka Adduunku ugu yimaadeen sidii aanu mashruucaasi meesha uga baxeen oo waqtigiisu u dhaceen. Sidoo kalena, heshiiskan uu shalay saxeexay Dr. Idiris, ayaa ka mid ahaa Mashaariic waxtar u ahaa dalka oo uu hore u diiday, balse waxay su’aashu tahay, sababta ku khasabtay inuu heshiiskaa saxeexo shalay iyada oo uu xukuumada uu ka tirsan yahay ee xilka wareejinaysa uu waqtigeedii ka hadhsan yahay lix maalmood oo keliya. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, ayaa hore ugu eedeeyay Wasiirka Wasaaraddaas Mr. Idiris inuu dano gaar ah ka lahaa diidmadii heshiiska uu shalay qalinka ku duugay.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking