COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, July 8, 2010

Taleefishanka Universal oo raaligeliyay shacabka Somaliland

London,(Nnn)- Taleefishanka Caalamiga ah ee Universal, ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay barnaamij hore uga baxay oo meel-ka-dhac ku ahaa ummadda reer Somaliland. Isla markaana taleefishanka Universal waxa uu maamulkiisu shaaciyay in macaamiishooda ugu badani yihiin dad reer Somaliland ah.
Weriye ka tirsanaa Taleefishanka Universal oo lagu magacaabay Nadaara ayaa barnaamij si toos ahayd loo tebinayay dood ku dhex-dhigay dhawr qof oo Somaliland iyo Somalia u kala dhashay toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo la xidhiiday xilligii ay labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur is-raaceen. Sidaas darteedna gefaf xad-gudub ahaa ayaa ka dhacay nin koonfurta u doodayay, kuwaasoo weriyihii barnaamijka daadihinayay aanu ka qabanin, kaasoo aanay ahayn markii ugu horaysay ee uu gefkaasoo kale ka dhaco.
Sidaa aawadeed, kulan balaadhan oo ay ka qaybgaleen muwaadiniin badan oo Reer Somaliland ah oo Taleefishanku qabanqaabiyay, ayaa lagu soo bandhigay inuu Maamulka TV Universal ka xun yahay khaladka laga galay Somaliland, isla markaana waxay ku shaaciyeen in weriyihii khaladaadkaas galay laga fadhiisiyay shaqada. Inj. Axmed Abubakar oo ah hantiilaha taleefishankaas ayaa sheegay inuu dadka reer Somaliland ka raaligelinayo dhacdada ka baxday Teleefishanka Universal. Waxaanu hadalkiisii madashaas oo ay meteleyeen reer Somaliland laba xubnood ka jeediyay ku bilaabay, “Waxaan raaligelin ka bixinayaa barnaamijkii ka baxay toddobaadkan TV-ga Universal oo ay dad badani ka xumaadeen. Inkasta fikir shaqsi gaar ahi watay aanu ahayn fikir Tv-ga ah, TV-ga Universal waa mid loo aasaasay inuu ummada kulmiyo, inuu ummada fikirkeeda iyo wanaageeda ka shaqeeyo, inuu isu keeno ummada Soomaaliyeed qof kasta oo Afka Soomaaliga ku hadlaa wuu iska dhex-arkaa Teleefishanka. Inay dad gaar ahi wadaan olole ay doonayaan inay ummada reer Somaliland iyo Universal TV iskaga horkeenaana, ummada reer Somaliland waanu ka raaligelinaynaa khaladkii Wariye Nadaara uu sameeyay.”
Raaligelintan oo ahayd markii labaad ee TV-ga Univesal ka bixiyo khaladkii uu Somaliland kula kacay Weriye Nadaara, waxa barnaamijka lagu baahinayay lagu soo celiyay xalay markii saddexaad, isla markaana dadka reer Somaliland ee madashaa ku sugnaa ayaa ka dalbaday TV-ga Universal inuu gees isaga leexiyo khaladkaas, balse Jaaliyad ahaan aanay ka hadhi doonin weriyahaa gefka xad-gudubka ah kula kacay sumacada iyo sharafta guud ahaanba muwaadiniinta reer Somaliland.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking