COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, July 5, 2010

Kulan dhex maray M/weynayaasha talada la kala wareegaya ee Somaliland & dalab loo gudbiyay Rayaale

Hargeysa,(Nnn)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay hoggaamiyaha xilka wareejinaya Daahir Rayaale Kaahin.
Kulankaas oo gelinkii hore ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxa uu sida la sheegay ka yimi Madaxweynaha hadda xilka wareejinaya.
Inkastoo aanay labada dhinac wax war ah ka soosaarin, haddana siday ilo xogogaal ahi Wargeyska Ogaal u sheegeen, Axmed-Siilaanyo waxa weheliyay kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), guddoomiye kuxigeenka 2aad ee KULMIYE iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaas, halka Madaxweyne Rayaalena uu kulanka ku weheliyay kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Daahir Rayaale si toos ah u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay, ka dib kulankoodaas oo ahaa kii u horeeyay ee labada hoggaamiye dhexmara tan iyo intii ka dambaysay doorashadii ay ku kala guulaysteen.
Sida warku sheegay, kulankaas oo waqti kooban qaatay waxa uu la xidhiidhay sidii ay uga wadahadli lahaayeen xil-wareejintooda oo qabsoomi doonta todobaadyada soo socda.
Ilahaa xogogaalka ahi waxa kale oo ay sheegeen in Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynaha uu xilka kala wareegayaa u balameen kulamo dambe, isla markaana la filayo inay maanta kulan gaar ah oo aan cid kale ku wehelin isku horfadhiistaan.
Hase yeeshee, wararka qaarkood waxay tibaaxeen in Madaxweynaha la doortay dalab u gudbiyay Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana uu ka codsaday inuu wax ka qabto meelaysi hantiyeed oo masuuliyiintiisu ku hawlan yihiin iyo sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka muddada kala-guurka lagu jiro.
Ma cadda waxyaabaha ay kaga wadahadli doonaan kulamadaa la sheegay inay u balameen, balse waxa la filayaa inay sii ambaqaadaan wadahadalkoodaa shalay, geedi-socodka xil-wareejinta iyo qodobo kale.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking