COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, July 12, 2010

Spain oo isku darsatay Horyaalka Adduunka iyo Horyaalka Yurub + Sawiro

Hargeysa, (Nnn)- Ciyaartii Faynalka Koobaka adduunka oo ay foodda is-dareen xulalka Spain iyo Holland oo wakhti dhow soo gebo-gebawday ayaa guushu ku raacday 1 iyo 0 ay koobka ku hanteen xulka Spain.
Goolka guusha ee Spain u horseeday inay koobka Qaaddo ayaa waxa u dhaliyay xiddigga dhexda hore uga ciyaara xulka Spain iyo kooxda Barcelona ee Andres Ineasta isaga oo koolka keenay intii lagu gudo jiray 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray ka dib markii la ismari waayay.
Xulka Dalka Spain ayay noqonaysaa markii u horaysay ee taariikhda dunada ay ku guulaystaan koobka kubada cagata taas oo ahydna markii ugu horaysay ee ay u soo baxaan ciyaarta kama danbaysta ah ee koobka kubada cagta dunida.
Ciyaartan caawa ayaa hayd mid ay 90 daqiiqo ee loogy talagalay ay ismariwaayeen labada dala balse 30daqiiqo ee lagu daray ayay spain ka faaidaysatay iyada oo kaadhka casba loo taagay laacibka hitinga ee reer Holand taas oo keentay ayaa la odhankraa wa ta horseeday in spian ay caawa hantido koobka dunida ee sanadka 2010.
Xulka dalka Holand ayaa isagu qaybtii hore ee ciyaarta la yimi furasado qaaliya oo uu dayacay taasian waxa la odhankaraa waa ta baday in caawa ay khasaaraan .
Dhinaca kale oo la bixiyay billadihii la siinayay ciyaartoyga iyada oo xiddiggii ugu wanaagsanaa ee intii uu koobku socday lagu cumaamaday xiddiga xulka qaranka Uruguay ee Diego Forlan oo la siiyo Kubadda Dahabka ah halka Kabaha dahabka ahna la siiyo xiddigga qaranka Jarmalka ee Muller oo qaatay Kabaha dahabka ah.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking