COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, July 6, 2010

Nidaamka Xil-Wareejinta Madaxtooyada

Ujeedada Nidaamka Dimoqradiyaddu waa habsami xil u wareejinta awooda fulinta ee dawladda. Dawladdaha Caalamkana qarniyo bay ku qaadataa inay dejiyaan nidaam sugan oo distooriya oo lagula kala wareego awooda fulinta ee dawladda. Siyaasiyan way fududay sida badanaa ka dhacda dalalka aan dimoqradiyaddu ka tisqaadin in laba Madaxweyne oo isku Xisbi ahi ay xilka iska dhaxlaan. Laakiin nidaamka dimoqradiyadda runta ahi wuxuu tis qaadaa marka ugu horaysa ee Madaxweyne geeriyeyooday Ku-xigeenkiisa xilka loo dhaariyo.
Dalka Maraykanka Madaxweynihii ugu horeeyey ee dhinta isagoo xilka haya wuxuu ahaa William H. Harrison sanadkii 1841. Laakiin Kongreskii Maraykanku way qaadaceen inay ku-xigeenkiisii, John Taylor, u aqoonsadaan Madaxweyne ilaa la ansaxiyey qodobka dhaxalka Madaxweynaha (Presidential Line of succession Amendment).
Siyaasiyan arintani way khalkhalisay dadka Maraykanka. Laakiin Somaliland waxay ka gudubtay imtixaankan May, 03, 2002 ka dib markii Daahir Rayale Kaahin loo dhaariyey xilka Madaxweynenimo saacado ka dib geeridii marxuum Mohamed Ibrahim Cigaal.
Imtixaanka labaad ee dimoqradiyddu waa marka Xisbi-Xaakimka talada haya ee uu Musharax u yahay Madaxweyne xilka hore u hayey doorashada laga helo ee uu aqbalo natiijada. Arintani Qaarada Afrika kama dhacdo. (Dalka Senegal Sanadkii 2000 Madaxweyne Abdou Diouf wuxuu xilka ku wareejiyey musharaxii mucaaridka ee doorashada ka helay Mudane Abdoula Wade, ka dib markii Ciidamada qalabka sidaa ku hanjabeen inay talada dalka la wareegi doonaan hadii dimoqradiyadda la iixtiraami waayo). Sidaa awgeed waxaa la sameeyey jaaisado iyo bilado lagu sharfo Madaxda Afrikaanka ah ee xilka ka dega marka doorashooyinka laga helo.
Hadaba sidee bay laba maamul oo kala laba Xisbi ahi isu bedali karaan isuguna wareejin karaan shookaanta maamulka fulinta ee dawladnimadda?
Hambalyooyinka iyo Tahniyadda ka dib waa in Madaxweyne Mudane Daahir Rayale Kaahin iyo Mudane Axmed Maxamed Muhamoud, Madaxweynaha la doortay (President Elect) wadajir u magacaabaan Guddiga Xil-Wareejinta Madaxtooyadda. Guddidani waa inay shaqaysaa ilaa July, 25, 2010. Ujeedadada Guddiguna waa habsami xil-u-wareejinta awooda fulinta ee dawladda. Tiro ahaan waa in Xisbiyadda UDUB iyo KULMIYE midkiiba yeeshaan shan xubnood halka Xisbiga UCIDna ay tahay inay yeeshaan laba xubnood oo markhaatiyaal ah.
Siyaasiyan waxaa ugu haboon in loo magacaabo guddigan:
UDUB:
Wasiir ka tirsan Xukuumadda, Xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda, Xubin ka tirsan Golaha Guurtida iyo Xubin ka tirsan Golaha Fulinta ee UDUB iyo Xubin ka tirsan dadweynaha.
KULMIYE:
Xubin uu Madaxweynaha la doortay damacsan yahay in uu Wasiir u magacaabo. Xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda, Xubin ka tirsan Golaha Guurtidda, Xubin ka tirsan Golaha Fulinta ee KULMIYE iyo Xubin ka tirsan dadweynaha.
Sharciyan waa in labada dhinacba ay ku jiraan hal garyaqaan. Kulanka ugu horeeya ee Guddiga waa in la isla meel-dhigo arrimahan:
-Tirada Madaxda la badalayo.
-Tirakoobka hantida Qaranka.
-Wareejinta Arkiveska dawladda.
Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay saraakiishii digreeto Madaxweyne lagu magacaabay oo kala ah:
-Wasiir, Wasiir -u-Dawle, Wasiir-ku-xigeen.
-Maareeye.
-Taliyayaasha Ciidamada iyo Ku-xigeenadooda.
-Danjirayaasha.
-Agaasimayaasha Guud.

Golaha Wakiiladda:
Waa in sida ugu dhakhsaha badan dib la isugu yeedho GW si ay u fatashaan, baadhaan, waraysiyana la yeeshaan Xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada iyo Madaxda kale ee ay distooriyan tahay in ay ansixiyaan.
Waa in laga taxadiro in uu dhaco faariqaad awoodeed (power vacuum). Isla markaana waa in si joogto ah Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Boliiska si joogto ah ugu waramaan lana tashadaan Madaxweynaha la doortay (President Elect).
Ugu dambayn Caalamiyan waxaa akhlaaqiyaadka siyaasadda ka reeban in dawladda doorashada laga helay ay:
-Darajo bixiso.
-Heshiisyo gasho.
-Cafis bixiso.
-Cashuur cusub soo rogto ama mid hore dhaafto.
-Shaqaale cusub qorato.
Ilaamaa xilka laga tirsanayo.

Abdihakim Yusuf Kheire,
President, Institute of Democracy & Governance
Abdihakim365@hotmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking