COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, July 10, 2010

Guddiga Talo-bixinta Dawladda Cusub oo liiska Wasaaradaha u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, (Nnn)- Guddigii ka koobnayd 13-ka xubnood ee madaxweynaha Cusubi u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan qaab-dhismeedka dawladda cusub ayaa shir jaraa’id oo ay saaka ku qabteen Hotel Mansor ku soo bandhigay natiijada hawshii ay muddada ku hawlanaayeen.
Guddigu waxay tirada wasaaradaha ku soo koobeen 15 wasaaradood, oo aan lahayn wasiir-ku-xigeenno iyo wasiirul-dawlayaal.
Waxaanay soo jeediyeen inay wasaaradaha dawlada cusubi ka koobnaato sida soo socota.

1. Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah
• Agaasinka arimaha dibada
• Agaasimka iskaashiga caalamiga ah
• Agaasimka qurbo-jooga

2. Wasaarada Arimaha Gudaha
• Agaasinka arimaha amniga
• Agaasinka arimaha qaxoontiga iyo barokacayaasha
• Agasinka arimaha socdaalka
• Agaasinka horumarinta iyo iskaashiga dawladaha hoose

3. Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta
• Agaasinka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha
• Agaasinka lacagta
• Agaasinka maaliyada

4. Wasaarada difaaca
• Agaasinka hawl galinta
• Agaasinka tababarada
• Agaasinka saadka
• Agaasinak naafada iyo agoomaha halganka
• Waaxda ururinta taariikhda halganka

5. Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha
• Agaasinka ganacsiga
• Agaasinka warshadaha
• Agaasinka maalgalinta

6. Wasaarada xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta
• Agaasinka xoolaha
• Agaasinka deegaanka
• Agaasinka horumarinta iyo reer miyiga

7. Wasaarada beeraha iyo khayraadka badda
• Agaasinka beeraha
• Agaasinka khayraadka badda

8. Wasaarada Biyaha, Tamarta iyo Macdanta
• Agaasinka Biyaha
• Agaasinka Tamarta
• Agaasinka Macdanta

9. Wasaarada Arimaha diinta iyo garsoorka
• Agaasinta arimaha diinta
• Agaasinta arimaha garsoorka

10. Wasaarada caafimaadka
• Agaasinka caafimaadka guud
• Agaasinka dawaynta
• Agaasinka shaqaalaha iyo saadka
• Agaasinka maamulka iyo loojisticska

11. Wasaarada Waxbarashada
• Agaasinka dugsiyada hoose dhexe
• Agaasinka dugsiyada sare
• Agaasinka dugsiyada farsamada
• Agaasinka horumarinta manaahijta iyo tababarka macalimiinta
• Agaasinka tacliinta sare

12. Wasaarada warfaafinta isgadhsiinta iyo tignoologiyada
• Agaasinka warfaafinta
• Agaasinka isgaadhsiinta
• Agaasinka tignoologiyada

13. Wasaarada hawlaha guud guryaynta iyo gaadiidka
• Maamulka dekada
• Maamulka duulista hawada
• Maamulka wadooyinka
• Agaasinka guryaynta

14. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada
• Agaasinka arimaha bulshada
• Hawlgabka
• Naafada
• Agoomaha
• Agaasinka arimaha haweenka

15. Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka
• Agaasinka dhalinyarada
• Agaasinka ciyaaraha
• Agaasinka dhaqanka iyo taariikhda qaranka

Guddigu waxa ay ku taliyeen inay sidoodii ahaadaan hay’adaha distooriga ahi ee dawliga ah iyo gudiyada digreetada lagu magacaabay.
Dhammaan wasaaradaha dawlada cusubi waxay shaqayn doonaan laga bilaabo 7:00 subaxnimo ilaa 2 duhurnimo inta lagu gudo jiro lixda bilood ee hore, marka danbana labada galinba la shaqayn doono.
Xubnaha guddiga ka midka ah ee ka hadlay kulanka waxa kamid ahaa gudoomiyaha guddiga, Muuse Bixii Cabdi, ku-xigeenkiisa Marwo Edna Adan Ismaaciil, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan. Waxaanay dhammaantood ku nuuxnuuxsadeen ahmiyada ay dawlad kooban oo tayo lihi u leedahay waddanka horumarkiisa.
Guddigu waxay sheegeen inuu madaxwaynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aqbalay soona dhaweeyay talo soo jeedintoodan.
Guddigan ayaa la magacaabay maalmo yar ka dib markii uu Axmed-Siilaanyo ku guulaystay Doorashada Somaliland ee qabsoontay 26 June 2010, iyada oo loo sameeyay inay ka caawiyaan talada qaab-dhismeedka dawladdiisa cusub.

Guddiga Waxa ka mid ah
1-Muuse Biixi Cabdi—Gudoomiyaha gudida talo bixinta
2-Marwo Adna Aadan Dhakhtar—Gudoomiye ku xigeen
3-Dr. Maxamed Siciid Gees
4-Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan
5-Dr Maxamed Cabdi Gaboose
6-Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
7-Xildhibaan Axmed Kijaandhe
8-Sheekh Maxamed Cali Gadhle
9-Prof. Ismaciil Muumin Aar
10- Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuf Cartan
11- Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan
12- Muniir Abusite.
13-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking