COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 1, 2010

Ugaaska Ciise oo maanta lagu caleemo saarayo Saylac

Hargeysa, (NNN) - Munaasibadda Caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise oo muddoba qaban-qaabadeedu ka socotay magaalada Saylac ee Gobolka Selel ayaa maanta lagu caleemo-saarayaa ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Saylac, Caleema saarka ugaaskani oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan sida; xubna ka socday xukuumada somaliland, xildhibaano ka soo jeda gobalada Salal iyo
 Awdal, Salaadiin, Cuqaal, wax garad, dhalin iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee kor ku xusan waxa ay ku soo dhoweyeen Ugaas Mustafe duleedka galbeed ee degmada Toqoshi shalay galab, halkaasi oo ay u soo galbiyeen caasimada gobolka Salal ee magaalada Saylac, taasi oo horay la isugu af gartay in lagu caleemo saaro Ugaas Mustafe maxamed ibrahim.
Dhanka kale waxaa ka muuqday dhaqdhaqaqyo kala duwan gudaha magaalada Saylac kaas oo ka duwanaa midkii horay uga tagna, dhinaca dhaqaalaha, isu socodka gadiidka, iyo waliba sicirka wax lagu kala gato oo si lama filaan ah isku beddelay kadib markii, ay soo galeen madaxda wafuudda ka qayb galaysa munaasibadda amaba lagu martiqaaday caleemo saarka ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe.
Sida aynu ku xuseyno hadii aynu eegno dhinaca sicirka shayda quudka amaba shaaha oo horay looga siin jiray meelaha qaarkood, 500SL SH ilaa 800SL SHs ayaa hadda isku shareeray in ka badan 1500SL SHs taasi oo ay keentay isu socodka dhaqdhaqaaq dhaqaale iyo boqridda ugaaska, weliba maaha oo kaliya shaaha waxa uu ku kordhay sicirku shaywalba iyada oo laga faa’idaysanayo fursadda caleemo saarka oo dad badan hoygooda ka dhigaysa magaalada Saylac.
Sidoo kale waxaa kusoo kordhay magalada Saylac is beddel dhaqdhaqaaq taasi oo ah adeegga ugu badan ee dhanka war isgaadhsiinta ee ay ka fulisay shirkadda Telesom oo iyadu ah ta kaliya ee ka howlgasha magaalada Saylac

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking