COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, March 7, 2010

Munaasibaddii Furitaanka Shirkadda SOMTEL ee dalka oo dhan & bilowga adeegyo cusub

Hargeysa (NNN)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo xadhigga lagaga jaray Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa shalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaaisbaddan oo ay ka qaybgaleen, Hoggaanka sare ee saddexda Xisbi Qaran, Shirguddoonnada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida, Wasiiro, Xildhibaanno, Aqoonyahan, Masuuliyiinta Shirkadda SOMTEL, Shirkadda kale ee Telesom, Madax-dhaqameed, Culima’udiin, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo tiro badan, ayaa maanta lagu furay Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL.
Munaasibaddaas oo ahayd mid ay ka qayb galeen dad tiradoodu ku dhaw dahay Kun qof, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo sheegay in Shirkadda SOMTEL ay adeegyo cusub oo casri ah ku soo kordhisay nidaamka Isgaadhsiinta. “Shirkadda SOMTEL waxa la aasaasay sanadkii 1998-kii, waxaanay ka hawlgeli jirtay magaalooyinka Burco, Berbera, Buuhoodle iyo Laascaanood oo hore looga bilaabay, maantase dhammaan dalka oo dhan ayaa laga bilaabay. Waxyaabaha aanu soo kordhinayna waxa ka mid ah Adeegga Internet-ka ee Telefoonnada gacanta laga isticmaalo (GSM) iyo adeegyo tayo leh” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay ujeedada bilaabista Shirkaddan, waxa uu yidhi, “Markii aanu aragnay xawliga ay Teknoolajiyadda casriga ahi ku socoto iyo baahida ay dadku u qabaan tartan madax bannaan oo xor ah, ayaanu arrintan bilownay, waxaananu keenay qalab tayadoodu aad u sarrayso oo aanu ka keenay dalalka ugu horreeya Teknoolajiyadda casriga ah ee Yurub, waxaanu heshiis la galnay shirkad Faransiiska laga leeyahay oo qalabkeeda tayadeedu sarrayso.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Laga bilaabo maanta Laascaanood ilaa Lawyacaddo inta u dhaxaysa oo dhan adeegga shirkadda SOMTEL wuu ka bilaabmay. Waxyaabaha cusub ee aanu soo kordhinay waxa ka mid ah Telefoon laba Kaadh leh oo mid ka mid ah uu anaga noo xidhan yahay, halka Kaadhka kalena uu qofku u isticmaali karo Shirkadda kale ee uu doono. Sidoo kale, adeegga Internet-ka waa laga helayaa meel kasta oo uu gaadhay adeeggayaga Telefoonnadu, adiga oo Jidka magaalooyinka isku xidha maraya ayaad isticmaali kartaa Internetka.”
Mr. Xirsi wuxuu sheegay in ay sidoo kale keeneen Telefoonno Line ah oo bilaa xadhig ah. “Ma jiri doono Xadhko la jiido iyo kuwo dhulka lagu aaso, balse qofku wuxuu qaadanayaa Madaxii Laynka oo WIRELESS ah, oo uu isticmaalayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu xusay in Ciidamada Qaranka, Booliska, Dhakhaatiirta iyo hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi Siyaasi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ay siin doonaan Telefoonno isku xiga oo bilaa lacag lagula soo hadlo, si ay adeegyada Qaranka u fududeeyaan. Waxaanu xusay in Sheerka Shirkadda ay fureen, isla markaana ay muddada u horraysa ilaa inta tijaabada ay ku jirto Shirkaddu ay bilaash tahay. “Waxaanu Shacabka ugu bushaaraynaynaa oo kale in Dhakhtarrada, Ciidamada iyo Dawladdaba lagula hadli doono bilaash, iyada oo markaad garaacdo 111 ama 333 uu kula hadlayo adeegga SOMTEL, iyaga ayaana ku hagaya Cusbatalka ama Saldhigga magaalooyinka ee aad rabto, haddii ay tahay magaalo kasta oo uu gaadhay adeegayagu.” Ayuu yidhi Xirsi. Waxaanu intaa raaciyay, “Waxaan si gaar ah ugu bushaaraynayaa saddexda Musharax Madaxweyne ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Faysal Cali Waraabe in Telefoonaddooda lagula hadli doono bilaash cidda la hadlaysaa.”
Guddooomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaa ka hadlay, ayaa Shirkadda ku hambalyeeyay waxqabadka iyo adeegga cusub ee ay soo kordhisay. “Hambalyo aad u ballaadhan ayaan u soo jeedinayaa Shirkadda SOMTEL, waxa kale oo aan hambalyaynayaa Shirkadaha kale ee gaarka loo leeyahay ee Isgaadhsiinta, waayo dawlad kaligeed waxba ma dhisi karto, cidda wax dhistaa waa shacabka iyo aqoonyahanka dalka u dhashay, waananu ku hambalyaynayaa doorkooda muwaadiniinta dalka gudo iyo dibedba.” Ayuu yidhi Siilaanyo.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa isna masuuliyiintii halkaa ka hadashay, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha shirkadda cusub ee SOMTEL oo uu ku tilmmaamay inay tahay mid loo baahnaa. Waxaanu si kaftan ah u yidhi, “Axsaab ahaan wax waanu shaxaadnaa, waana nala shaxaadaa ee haddii aad bilaash ka dhigteen dadkii nala soo hadlayay, anagana bilaash nooga dhiga kuwaanu la hadlayno, gaar ahaan dadka dibedda.”
Waxa isna halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “In ifka laga shaqaysto Diintu way ina faraysaa, waxaana loo baahan yahay in dhinaca Diintana wax laga qabto, inkasta oo Shirkadda Dahabshiil ee ay mataanaha yihiin shirkaddan ay ka mid tahay shirkadaha ugu horreeya inay arrimaha diinta gacan ka geystaan, haddana waxaan soo jeedin lahaa in aanu tartanku noqon mid laysla daadego ee uu noqdo mid xor iyo xalaal ah oo laga faa’iido.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu kaftan ahaan u yidhi, “Mar haddii Siyaasiyiintii dalka iyo madaxdii Qaranka looga dhigay, anagana 3 Wadaad bilaash nooga dhiga.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Shirkadda Dahabshiil uga mahadnaqay in ay gacan dhaqaale ka geysteen Xafiis kuwa maamulka ah oo ay Jaamacaddoodu dhisanaysay, waxaanu ku baaqay in la sameeyo wada-hadal dhex mara Shirkadaha iyo inay dadku awood u yeeshaan in iyaga oo kala isticmaalaya Shirkadaha kala duwan ay isla hadli karaan.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadashay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan Shirkadda cusub ee SOMTEL. “Shirkadda SOMTEL waanu ku hambalyaynayaa adeegyada cusub ee ay soo kordhiyeen iyo sida ay u danaynayaan dadka danyarta ah, Shirkadaha ka horreeyay ee Isgaadhsiintana waxaanu leenahay ku dayda Shirkadda SOMTEL. Waxaananu dhiirigelinaynaa tartanka xorta ah iyo Lahaanshaha gaarka ah, balse ma noqon doono taasi mid wax dumiya ee waxay noqon doonta mid aanu hagno.” Ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in Isgaadhsiintu kaliya aanay ahayn war-kala-qaadashada, hase ahaatee ay sidoo kale qayb ka qaataan arrimaha Caafimaadka, iyada oo tusaale u soo qaadatay in ay Khadka Telefoonka ka hagaysay mid ka mid ah Umulisooyinka Caafimaaadka ee ka hawl-gala magaalo ka mid ah kuwa Somaliland. “Somaliland maanta maalin wayn oo farxad leh ayay u tahay, waxaanan odhan karaa halkan iskugumaynaan iman karneen haddaynaan u dhabar-adaygin dhibtii 20 sanno ee ina dhaafay, waana markii u horraysay ee aan arko Madaxdii Qaranka iyo muwaadiniin tiradan leh oo meel sidan oo kale isugu yimi.” Ayay tidhi Drs. Edna.
Mulkiilaha, ahna guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo halkaa ka hadlay, ayaa ugu baaqay Axsaabta siyaasadda in tartankoodu uu noqdo mid la mid ah kuwa Isgaadhsiinta oo uu sheegay in u tartamaan aflagaaddo-la’aan iyo tartan hoose. Waxaanu u mahad-naqay guud ahaan martidii ka qayb gashay munaasibaddaas. “Axsaabta waxaanu leenahay, waar sida Shirkadahayaga u tartama oo isma cayno anagu ee hoosta ayaanu ka tartannaa.” Ayuu yidhi Mulkiiluhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu sheegay in Shirkadda Dahabshiil la aasaasay sanadkii 1970-naadkii.
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay, Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan Ganey) oo tilmaamay in aanay ahayn markii u horraysay ee ay Shirkadda Dahabshiil wax cusub ku soo kordhinin, balse ay hore Shirkadaasi kaalin ugaga jirtay waxtarka bulshada iyo kaalmada arrimaha Bulshada. Waxa kale oo halkaa ka hadlay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye-xigeenka Golaha Guurtida Sheekh Axmed Nuux Furre, Wasiir-ku-xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macallin), Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Yuusuf Axmed Yaasiin iyo Guddoomiye-xigeenka Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Maxamed X. Aadan Axmed, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda adeegga cusub ee shirkadda SOMTEL iyo sida loogu baahan yahay. Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada oo metelayay Madaxweynaha Somaliland xadhigga ka jaray Shirkaddaas oo uu halkaa kaga dhawaaqay inay furan tahay.
Geesta kale, Munaasibaddan qaar la mid ah ayaa shalay ka dhacday magaalooyinka waawayn ee dalka.
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking