COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, March 7, 2010

Faarax Macalin oo difaacay Somaliland sheegayna inuu mar labaad ku soo noqonayo

Nairobi, (NNN) - Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macallin, ayaa sheegay in mar kale uu booqasho ku imanayo Somaliland, isla markaana wuxuu mar kale dedafeeyay eedayn uu Wasiirka arrimaha dibedda ee dalkiisu u jeediyay, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay.
Md. Faarax Macallin wuxuu sheegay in eedda ka dhanka ah socdaal uu Somaliland ku yimi dabayaaqadii sanadkii tegay ee uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya Moses Watengula, waxaanu sheegay in aanu awood u lahayn dacwaddaas in uu soo oogo. “Baarlamaanku wuu ka awood badan yahay xitaa Madaxweynaha, guddiyada Baarlamaanka ee 27-ka ahi dhammaantood cidday ka amar qaataan ee ay hoos tagaan waa aniga, ciddii aan amrayayna aniga ima dacwayn karto, kaliya waxa laygu dacwayn karaa Baarlamaanka oo dhan oo is-raaca. Waxaanse u arkaa uun in uu Wasiirku cid uu u adeegayay ku qancinayay.” Ayuu yidhi Faarax Macallin oo shalay u waramay Telefishanka ETN. Waxaanu sheegay in siyaasaddii dawladdiisa Kenya ee la xidhiidhay Soomaalidu ay is-bedeshay, isla markaana garatay in dantoodu ku jirto dhismaha Soomaalida.
Mar la waydiiyay guddoomiye-xigeenka in booqashadiisu shaqsi ahayd iyo in kale, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Booqashada waxaan ku metelayay Dawladda Kenya oo waxa hantida iyo kharashka bixisay Dawladda Kenya, ninku haddii aanu ahayn mid ajaanib ah oo aanu Af-Soomaali ku hadlayn Soomaalidu waxay u aragtaa Masuul culus, laakiin waxaan ku metelayay Dawladda Kenya. Warbixinta aanu ka soo diyaarinay Somaliland-na waxa iska leh Baarlamaanka, ma laha Fulintu ee waxa leh Baarlamaanka oo dersaya wixii aanu soo aragnay oo ka doodaya. Maadaama aanu xaqiiqo-raadis ahayn, waanu sheegaynaa xaqiiqadii aanu soo aragnay, hadddana iima saamaxayso in aan ka sheekeeyo wixii aanu soo aragnay, waayo waxay u taalaa Baarlamaanka oo ay u taalaa.” Ayuu yidhi.
Mar Faarax Macallin la waydiiyay kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan Somaliland-diidka ku sugan Nairobi iyo waxyaabaha uu Somaliland ku soo arkay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Anigu hebel iyo hebel kuma odhanayo, in aan halkaa (Somaliland) u socdo dad badan baan u sheegaya, waxaana I geeyay cabsi aan ka qabay in isku-dhac ka dhaco (Somaliland iyo Puntland oo isku dhaca)..Dad baan la tashaday kuma odhanayo, laakiin wax badan baanu is-aragnay dadka reer Sool, waxaanu is-aragnay gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan iyo gobollo kale oo Somaliland ka tirsan. Imikana, dadka ka qaylinaya muxuu u tegay Laascaanood, waxaan leeyahay Laascaanood cid iga xigta ma jirto, maantana ninka u dhashay waa ninka wax la qabta, waayo waxay u baahan yihiin Caafimaad, Waxbarasho iyo Biyo.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan tegay Borama waxaan ku arkay Jaamacad kuwa Kenya ka sarraysa, dadkii aqoonyahanka ahaa ee reer Borama ayaa soo diray Kharashka iyo maal-gelinta, waxa kale oo aan Arkay Cusbatal halkaa ku yaala oo 2-Milyan oo Dollar ay ka badan tahay Qalabka yaala.”
“Anigu waan tagay Borama. Waxaan ku soo arkay Jaamacad ay yaalaan qalab aan kuwa Kiiniya laga helin. Waana dad wax qabsaday. Tusaale ahaan qurbajoogga reer Borama way ku kala aragti duwan yihiin inay Somaliland go’do, laakiin waxay u midoobeen wax-qabad.” Waxaanu Faarax baaq u jeediyay qurba-joogga Gobollada Sool iyo Sanaag. “Qurba-joogga reer Sool iyo reer Sanaag waxaan odhanayaa ha isku dar-daraan lacag oo yaryarka halkaa ku rafaadsan wax la qabtaan oo ay Biyo nadiif ah u raadiyaan deegannadooda. Waayo hadday Somaliland go’do ha la go’aan iyaga oo Bulshadoodu dhisan tahay, haddaanay Somaliland go’inna Soomaaliya ha kula midoobaan dadkooda oo wax taransaday. Waxaan leeyahay, intaydaan dood kale galin dadkiina badbaadiya. Waan diri doonaa waqti aan fogayn khabiir baadha Biyaha halka laga helayo oo waan u soo ballan-qaaday.” Ayuu yidhi Faarax Macallin. Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Horaan u tagay Muqdisho, Puntland, maxaa looga hadli waayey ee loo hadal hayaa booqashadayda Somaliland.”
Mar la waydiiyay in socdaalkiisu daarnaa in Puntland uu uga dan lahaa oo dhawaanahan Itoobiya u dhiibtay dad u dhashay Soomaalida Itoobiya ee Ogaadeeniya oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, wuxuu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Somaliland miyaanay gudbinin dad u dhashay Gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la hubo in aan cadaalad la saarayn oo aan xuquuq la siinin…Waxaan u arkaa aragti rakhiis ah.”
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay waxa uu kala kulmay dadweynaha reer Laascaanood waqtigii uu tegay, ayaa wuxuu yidhi, “Waxay ka cawdeen dadka xidhnaa oo tiro yar, waxaanay dalbadeen in Maxkamad la soo taago, taasna waan u ballan qaaday, Xukuumadduna sidaan ballan qaaday way fulisay, maalin walbana way ila soo hadlaan dadka ku dhaqan Laascaanood oo waxay leeyihiin, dadka waxyaabahan ka hadlaya waa dad dheregsan ee in wax nalala qabto ayaanu doonaynaa, runtiina way igu hambalyeeyeen socdaalkaygaas.” Waxaanu xusay in aanay jirin wax cadaadis ah oo lagu hayo, haddii ay jirtana ay waajib ku tahay inay ka hadlaan. “Waxyaabahaa aan u tegay waxay ahayd arrimo Bani’aadamnimo, sida aanu iyaga ugu doodayno in wax loola qabto, ayaa waajib na saaran tahay in aanu hubino in aanay jirin dadka deegaankaas cadaadis ku haynin Xukuumadda Somaliland.” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa sidii aan ku soo arkay magaalooyinka Borama, Gabiley, Hargeysa iyo Burco in ay dhaqdhaqaaqyo ka jiraan magaalooyinkaas.”
Gebogebadii, Faarax Macallin wuxuu sheegay in dhawaan ay u qorshaysan tahay in uu ku soo laabto Somaliland oo uu mar kale booqasho ku yimaaddo. “Laasacaanood waan tegay, Buuhoodlena in aan tago waan rabaa, waan tegayaa Ceerigaabo, waxaanan jeclahay in ay noqoto mid waqti dhaw..Markaa waa sheeko basiid ah, ninka u dagaallamaya aee leh Soomaaliya kama go’I karto Soomaaliland, muxuu u leeyahay muxuu u leeyahay Faarax Macallin Laascaanood muxuu u tegayaa. Inta arrintan socdaalkayga ka hadlaysa oo dhan waan ogsoonahay, waayo dawlad baan u shaqeeyaa, waanan ogsoonahay. Ajaanib baa faraha kula jira, waanay kula jireen waligood.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking