COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, March 7, 2010

Ilmadii Cadceedda

Sawir Qoraal Xanuun Badan Oo Muujinaaya Dhibaatada Uu U Gaysto Tahriibku Hooyooyinka Qaaliga Ah
Indho indhayta xaaladaha guud ee ay ku suganyihiin ummada Somaliland waa mid aan caan ku ahay, naftayduna jeceshahay la socoshada duruufaha kala duwan ee dadka iyo dalka haysta, gaar waxaan aad ugu fiirsada xaaladaha dhaqaale ee igu wareegsan.
Waxaan tixgalinta ugu badan siiya hooyoyinka Somaliland ku nool iyo sida ay ula tacaalan nolosha qoysaskooda, taas oo la wada ogyahay inay Somaliland ku socoto haweenka gaar ahaan hooyooyinka dhabarka uga jabay sidii ay u hormarinlahaayeen ubadkooda una gaadhsiin lahaayeen casrigan aqoontu shaqaysay, dhibaato kasta oo ay ku mutaan hooyooyinku quudinta iyo korinta ubadkooda, abaal celin kama rabaan hadiise laga tagi waayo waxay ku taamaan inay arkaan ubaxay beereen oo si fiican u baxay.
Sureer waa hooyo la nool murugo iyo ciil aduun, cid ka taakulayn kartaana ma jirto oo aan ka ahayn ilaahay, murugada iyo ciilka haysta waxaa cadayn u ah ilmada daqiiqad walba kasoo burqata indhaha sharafta iyo karaamada badan ee hooyadaas, waxaad dareemaysaa rajo la’aanta haysata iyo mugdiga ku wareegsan hooyadaas.

Hooyadani waxay ku nooshahay magaalada dekeda ah ee berbera, waxaa aad uga muuqata tabardaro badan iyo daciif xaga jidhka ah, taas oo ay sababtay dhibaatada badan ee ay usoo martay koriinka ubadkeeda, ka dib markii uu saygeedi ku dhintay halgankii xoraynta Somaliland, dantuna ay tidhi inay xilkiisi gudato.

Hooyadani waxay ubadkeeda kusoo korisay talaagad isgiriin ah oo ay bacadka iyo kulaylka magaalada berbera la wareegi jirtay tobankii sano ee u dambeeyey, dhibaatada iyo rafaadka kasoo gaadha waxay ku ilaabi jirtay mustafe oo u wayn caruurteeda, si fiicana ay ugu soo tabacday, inanta ka yari ma hesho inta la koolkooliyo mustafe, taas oo laga bixiyo waxbarashada dugsiga iyo wixii kale ee uu u baahanyahay, si kasta oo ay ku keentoba ilaahay waa ku guuleeyey inay ubadkeeda gaadhsiiso halkay rabtay.

Jab waaka dambeeye markii uu mustafe ka baxay iskuulka sare wuxuu u xidhxidhay tahriib uu ku maro badacas ee u dhaxaysa Somaliland iyo yaman, damaca galay wiilkaasi wuxuu murugo iyo baqe aan xad lahayn ku abuuray hooyo u baahan inay nasiimo hesho, kana soo kabato diihaalkii mudada dheer ee koriinkooda kasoo gaadhay, waano iyo waxsheeg labadaba way ku dayday balse nasiibdaro uma qudhqudhsana wiilkan indhihiisu ay arkaan Europe iyo America, halkii ay ka arki lahaayeen hooyadii iyo diifta saaran dusheeda.

Muddo ka dib wuxuu habeen madow u ambabaxay dhinaca wadada burco sii marta ilaa garoowe iyo boosaaso oo ah meesha lagu ba’ay ee ubadkii ku dhamaaday, hooyo Sureer markay maalin baxnaaninaysay imaanshihiisa guriga waxay dareentay inuu tahriib u baxay, halkii ayay ka xidhxidhatay una ambabaxday dhinaca boosaaso si ay in uun meel ugu gaadho, nin aad dhashay kuma dhalin ayay somalidu hore ugu maahmaahdaye diba umuu xasuusan hooyadii manuu dhugan dhibaatadii ay lasoo martay.

Si dhakho badan ayuu Doon u raacay una dhaqaajiyey, hooyadaasi markay muddo sadex cisho ah ka baadigoobtay xeebaha Puntland cid wax u sheegtana wayday, diihaalka taraag ee ay mudatay waxa usii dheer kharash la’aan ba’an oo haysatay hooyadan.
Habeen madow ayay ku fikirtay inay soo khaldantay wiilkiina u tahriibay dhinaca liibiya, si dhakhso ah ayay u go’aansatay inay u soo dhaqaaqdo dhinaca itoobiya bal inay meel uun hadana war ku saabsan ka hesho, waagii markuu baryey oo ilmada iyo hurdo la’aanta ay u dheertahay safrad iyo quraac la’aani ayay kasoo dhaqaaqday istaankii baabuurta si ay u timaado Somaliland ugana sii gudubto ilaa itoobiya, ileen waa beer hooyo’e rajo waxay ka qabtaa inay hargeisa ama adisababa mid uun ku gaadho.

Shantii galabnimo ayay soo gashay hooyadaasi magaalada burco, kana dagtay gaadhigii iskuna dayday inay u tagto cidii ehel ugu dhaw si ay u marti galiyaan caawa, rajo iyo ididiilo ay ku abuureen dadkii ehelka ahaa awgeed iyadoo wax ku cunaysa ayaa waxaa soo gashay idaacada BBC-da sagaalkii habeenimo, miisiga ay kusoo gasho ka dib qodobada warka waxaaba usoo horeeya laba doonyood oo ku dagay badacas cidina aanay ka badbaadin, jidhidhico iyo naxdin waxaa hooyadaas ugu xigay oohin aan aad loo maqlayn sababtuna ay tahay tamardaro iyo iyadoo si dhab ah qalbiga uga ooyeysay, dareenka hooyonimo ayaa wuxuu tusay una xaqiijiyey inuu wiilkeedi ku jiro doonyahaas.

Dhagaysiga BBC-du intuu socday waxay go’aansatay inay ku noqoto xeebaha Puntland hadana waxay iswaydiisay meeshu waa Cadan agteedae ee maaha xeebaha Puntland, wax ay samayn karto oo aan ka ahayn inay ooydo ma jirto, murugo iyo ciil dabadii ilaahay dartii ayay ku samirtay, waxaanay go’aansatay inay koriso inanteeda layla oo ka yarayd mustafe, geeridii way dhamaatay balse murugo ayay ku reebtay hooyadaas. Ayax tag eelna ka tag ayay somalidu ku maahmaahda, wiilkeedi mustafe dhimay balse murugo ayuu uga dhintay hooyadii.

Hooyo Sureer waxay halkii ka bilawday shaqadii rafaadka badnayd waxaanay qaadatay talaagadii isgiriinka, si ay wax u barto inanteeda layla, meeshu waa magaaladi kulaylka badnayd iyo talaagadii culayska badnayd, layli iskuulka ayay gashay waxay isku qancisay inay wax barato, sanadkii sadexaad ee iskuulka markay ahayd noqotayna qof wax garad ah, waxaa hubaal ah inay dumarku ka naxariis badanyihiin raga taasi waxay tustay dhibaatada hooyadeed haysata oo ay barbarsocoto dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta iyo rajo la’aanta ka horaysa ee xag mustaqbal iyo rajoba leh.

Sawirada ay ka qaadatay dad badan oo tahriibay oo maalta iyo talyaaniga lacag yar uga soo diray dadkoodi ayaa waxay ku riixeen inay la tahriibto asxaab kharash ahaan ku dhaamay, taas oo ay ku riixday dhibaatada hooyadeed haysata iyo dhaqaale darada dalka ka jirta oo ay sii dheertahay mustaqbalka dhalinta oo soo madow, dareenka ah inay hooyadeed ka saarto dhibka nololeed ee haysta waxaa garab socday inay iyaduna rajo ka qabtay nolol fiican oo xaga mustaqbalka ah.

Sibiq-dhaqaaq waxay ugu baxday dhinaca liibiya waxaanay sii martay dhiibaato uu tahriibku caan ku yahay, aakhirkii waxay gaadhay liibiya halkaas oo ay muddo diyaarinayeen iyada iyo asxaabteediba sidii ay uga bixi lahaayeen una gaadhaan jasiirada maalta, ta ilaahay waa lama dhaafaane, waxaa si sibiq ah loogu xidhxidhay xabsi ka mida xabsiyada liibiya iyada iyo inkaloo badan oo ay ku gadaamanyihiin duruufo noocan oo kale ah ama kasii darani.
Mushkilado miisan culus oo ku dhacay hooyadan hadana tahriibku wuxuu ka qaaday rajadii kaliyaata ee ay lahayd, waxaanu dhigay cidla, waxaanu kaga tagay murugo iyo mooraal xumo nololeed oo abid ah.

Risiqa ilaahay waa mid qoran tahriibna laguma helo, geeriduna sidoo kale waa xaq oo lama celin karo, balse geeri iyo rajo la’aan waxaa dhaama risiq yar oo aad ku cunto niyad samaan.

Hooyadu waa sida cadceed oo kale, aabuhuna waa sida dayax oo kale, inta dayaxa loo baahanyahay in ka badan ayaa loo baahanyahay cadceeda, hooyadu waa cadceed iftiimisa nolosha aadamaha, ilmadeeduna waa birimagaydo, qalbi jabkeeda iyo murugadeeduna waa naar iyo cadaab, intaad risiq badan heli lahayd waxaa ka fiican inaad hooyadaa ka dhawrto murugada iyo cidlada, hooyo waliba ubadkeeda ayay dunida ugu jeceshahay oo lama huraan u ah, inta ubad ku dhimanaysa badaha waxaa dhalay hooyooyin sidan oo kale u murugaysan.

Cadceedu haday ilmayso waa musiibo iyo wax aan loo dulqaadan Karin, hooyaduna sidoo kale haday ilmayso waa musiibo iyo waxaan la xamili Karin
Ka dhawra hooyo dhibka.

Waxaa lagu hal maalaa
Hooyo ababintaadee

Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay.
Hidda lagu arooraay

Qore: Mohamed Hassan Dirir (Mohamed Hanad)
Email: mahatir_m@hotmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking