COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 8, 2010

"Hargeysa wax baa lagu yeeli ugamaan joogin ee waxaan uga joogaa su’aal kaliya oo lay waydiinayo"

Abwaan Singub
Hargeysa, (NNN)- Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub), ayaa ka hadlay sababta uu Hargeysa u iman waayay, ka dib markii uu si aan hore loo shaacin u yimi magaalada Saylac ee gobolka Salel ee Somaliland.
Abwaan Singub waxa uu sheegay in uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa dalka Jabuuti, isla markaana uu isaga soo baxay dalka Maraykanka oo ay dacwad tacaddi bani’aadamnimo la xidhiidhaa kaga socotay. Waxaanu dacwadda loo haysto dembiyo uu galay ee kaga socota Maraykanka ku tilmaamay mid dano gaar ah laga leeyahay.
Maxamuud Cabdilaahi oo ka mid ahaa marti ka qayb gashay Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciise oo dhawaan lagu qabtay magaalada Saylac ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in uu iman doono Hargeysa, isla markaana wuxuu ka warbixiyay sababta uu u iman waayay. "Hargeysa waxaan loogu tegayn dad haddii aad waydiiso Waddo-Bariis aan garanayn. Somaliland waxay leedahay maamul, sharci, dawlad iyo dastuur, laakiin markaad Hargeysa tagto waxa lay waydiinayaa, sideed u aragtaa goonni-isu-taagga Somaliland. dabadeed, haddii aan idhaahdo wax baan ka qabaa (waan ka horjeedaa) Beeshaan ka baxayaa, haddii aan idhaahdo waxba kama qabana, Beesha kale ayaad ka baxaysaa oo dalka joogi maysid, imikana da’daydu 70-jir baan ahay. Markaa in aan iska asluubsado weeye, ugamana joogo Hargeysa tegisteeda waxbaa lagu yeeli ee waxaan uga joogaa su’aashaas." Ayuu yidhi Singub oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da mar uu ku sugnaa magaalada Saylac. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Runtii Daarood Aabahay buun ka soo gala, halkaana (Hargeysa) waxa jooga ehelkayga Abti iyo xigtaba..Dadku wuu damqanayaa oo Nabaro ayaa ku wada yaala, markaa su’aashaas ayaan iska diidayaa, Soomaaliduna runta ma ogola."
Abwaan Singub ayaa hore u shaaciyay hadallo uu kaga horjeedo Goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
Courtesy:OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking