COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 1, 2010

Warbixin si Qota dheer uga hadlaysa Habka Cadaalada Somaliland

(Maxaad Kala Socotaa Qaabka uu u Socdo Garsoorka Somaliland )
Qormooyinkan waxaynu ku soo qaadanaynay dhinaca Garsoorka iyo Shuruucda dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Somaliland ku dhaqan, Cadaaladu waa meelaha laga qiimeeyo Horumarka amma Dib-u-dhaca Bulshada.

Xuquuqda Muwaadinka :- Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka ayaa aad u hoosaysa Somaliland,, Xukuumada Talada haysaana weli si saxa uma dhaqan gelin distoorka Dalka, kaasoo si cad u sheegaya in dawladda xilka haysaa damaanad qaado xuquuqda muwaadinka.



Ujeediyo Haatan Waxaa Xalka Umaddu ku Jiraa
In Booliska ama Ciidanka Nabadgalyada .

loo baahanyahay In tirada, tayada, tababarka, aqoonta iyo mooralka Ciidamada Nabadgelyada kor loo qaado darajooyin iyo mushahar ku filan la siiyo si ay hawshoodu u fiicnaato ,Mushaharo yaraan iyo tababar la’aan ay ku keento dhinaca qalabka iyo darajo la,aantu waxay keentaa niyad jab iyo kalsooni darro haysata Ciidanka Nabadgalyada (Booliska), , booliska waa inay si asluub leh u dhaqmaan, sucmada booliska waa in aanay meel kaga dhicin, iyagoo la ogyahay in ay ku jiraan waqti adag iyo duruufo adag, iyagoo mar mar Booliisku hawlgalada galaan dhinaca amaanka ay galaan uu ku dhaco weeraro inta ay shaqadoodaa ku jiraan oo fulinta sharciyada iyo Denbiyada dhaca.
Waxaa muhiima in la xusuusnaado in Cadaalad xumi ay umadu ka dagaalantay waana waxa ilaa iyo hada la baadi goobaayo .

Xalka Umadda Somaliland waa Shareecada Islaamka:- Si dhibkan u haysta dadweynaha Somaliland ee Cadaalad darada ay uga baxaan , ayaa xalkoodu ku jiraa in lagu dhaqo umadda shareecada Islaamka si ay u helaan Cadaalad sugan , oo ay umadduna ay aad ugu kalsoon tahay...

Faa,iidada Shareecada Islaamka :- waxaa shaki ku jirin in shareecada Islaamka oo leysku xukumaa ay keenayso Cadaalad iyo Sinaanta sharciga hortiisa iyo In cadaaladda dalka la toosiyo oo weliba la tayeeyo.

isla markaana ku-dhaqanka Shareecada Islaamka Somaliland xalka udub-dhexaad ayuu u yahay, umadduna si dhib yar ayey nolol dhab ah oo karaamo iyo macaan leh ku heli kartaa ,Arimahaasi oo dhana waxaa xalkeedu ku Imanayaa waa Diinta Islaamka. Caddaalad kale ma jirto, Kitaab qof kale samaystayna socon maayo oo qof iyo qofaf toona socon mayso oo Umadda wadi mayso ee isku dhaqa Kitaabka Ilaahay iyo sunnaha Rasuulka, imikana waxaan shardi ka dhigayaa in aan la saldhigayn haddii ay taydu been noqoto.”
Waxa dadka isku keeni karaya ee walaalayn karaya, ee isu keeni karaya, ee caddaalad keenaya ee dulmiga meesha ka saaraya, waa iyada oo Diinta Islaamka la qaato oo loo qaato si la garanayo oo macnaysan iyo waxay ka hadlayso la garanayo, ileen markaad wixii aad garanayso ayaa lagu dhaqmaaye. Diinta Islaamka oo sida fiican loo dabbaqo ayay ku jiraan guud ahaan waxaan soo sheegay. Imika, waa nin wayn iyo taladii oo waa wixii laga filayay nin wayn, nin dhibsada iyo nin kaleba.”

Iyadoo ay waajib tahay in Xukuumada Somaliland ay dalka ku dhaqdo Shareecada diinta Islaamka, Sidii uu horeba u sheegay Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka ee distoorkeenana ku qoran.

Waxaa ku talinayaa in dhamaan haya’daha Garsoorka, siiba kuwa qaabilsan dacwadaha dhulka iyo kuwa kalaba lagu dhaqo shareecada Islaamka ,laguna bedelaa dad aqoon u leh diinta islaamka, Waxaanaan Hubaa in Cadaalada iyo kalsoonida shacabku u soo noqoto oo lagaga bixi karo dhibta jirta ee soo noqnoqonaysa.

Waxan ilaahay ka baryaynaa inuu dadaalkeena inagu garab galo cidkasta oo dalkan iyo diintiisa u daacad noqotana ka abaal marindoono.

Waxaa ka afeefanayaa in ay Arimahanu ay ku saleysan yihiin Badi dhinaca Sharciga oo ay tahay intii ugu fududayd ee aan soo qaadankaraayey, lakiin ay suurta gal tahay in ay wax ka qaldami karaan , dhinac kasta ha noqoto, lakiin muhiimada ujeedadayda ayaa ku saleysan in Cida ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.


-Wa bilaahi Tawfiiq'.-

Qalinkii , Adan Yusuf Elmi , UK.
 

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking