COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, March 31, 2010

Hormoodka Jaamacadda SUTECH oo ka hadlay habka ay u bixinayaan Deeq Waxbarasho oo dalka dibeddiisa ah

Hargeysa, (NNN)- Guddoomiyaha Jaamacada (SUTECH) Prof Siciid Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Somaliland aanay ula dhaqmin Jaamacaddaas sida Jaamacadaha kale, isla markaana wuxuu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale.
Prof. Siciid Sheekh Maxamed oo shalay xarunta Jaamacaddaas ugu waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa sheegay in Jaamacadda SUTECH dhammaan ardayda dhigata ay bilaash ugu dhigaan, hase ahaatee, ay Wasaaradda Waxbarashada ka waayeen wixii ay xaqa ugu lahaayeen.
“Dhammaan ardayda oo dhan bilaash baanu ugu dhignaa, inta arday dhigatana waxaan 10 ka badnayn ayaanu ka qaadnay Lacagtii is-qorista (Registration Fee), waxa taa dheer Dhulka ay Jaamacaddu ku fadhido oo Beer wayn ah waxay nagu joogtaa Nus-Malyuun Dollar. sidaa darteed, anagu soo maanu lacag doonan sida Jaamacadaha qaarkood ee waliba ku jira Guryaha kirada ah, isla markaana ah Jaamacadda labaad ee Hargeysa Dhul iyo dhisme iyadu leedahay ku jirta. sidaas oo ay tahay, ayaa haddana Wasaaradda Waxbarashadu aanay noo diidday Warqad aqoonsi.” Ayuu yidhi Prof. Siciid, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxay sanad ka dib markii aanu aasaasnay Jaamacadda, ayuu Wasiirka Tacliintu na siiyay Warqad aan qiimo badan lahayn, taas oo macnaheedu yahay in aananu helin kaalmada ay Jaamacadaha kale ka helaan Dawladda.”
Prof. Siciid wuxuu ka hadlay muran u dhaxeeya Jaamacaddiisa iyo Jaamacadda ADMAS, waxaanu sheegay in Jaamacaddaasi ay kaxaysatay Macallimiin ajaanib ah oo kala duwan oo uu ka kala keenay afar dal oo Yurub ah. waxaanu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. “Horeba codsi waan ugu jeediyay Dawladda oo Wasiirada Tacliinta iyo Arrimaha gudaha ilaa Madaxweyne Rayaale ayaan socday, waxaanan mar kale ka codsanayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda in Macallimiintaas laga masaafuriyo dalka, haddiise la leeyahay Jaamacadda kaliya ee bariga Hargeysa ku taala waa la cabudhinayaa ha la caddeeyo.” Ayuu yidhi Siciid. Waxaanu sheegay in Telefishanka Qaranku aanu dhex ka noqonin muranka labada Jaamacadood u dhaxeeya.
Mar la waydiiyay Hormoodka Jaamacadda SUTECH habka ay imtixaanka uga qaadayaan iyo nidaamka ay u xulanayaan 20 Arday oo ay Deeq Waxbarasho u fidiyeen Baanka Islaamiga ah oo iyaga loo soo mariyay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Habka aanu u xulanaynaa waxa weeye, cid kasta oo Dugsi sare ka baxday, waxaanu ku baahin doonaa Jaraa’idka, anaga oo imtixaan ka qaadi doona Ardayda aan dhigan Jaamacaddayada, halka kuwa Jaamacadda SUTECH ugu yaraan in uu laba sanno dhigtay Jaamacaddu ay shuruud u tahay. Hase yeeshee, waqtiga ay noqonayso dib baanu ka sheegi doonaa.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking