COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, March 6, 2010

Muran ka taagan Mayd muddo laba todobaad ka badan yaala Cusbatalka guud ee Hargeysa

Hargeysa, (NNN)Cuqaal ka tirsan beesha uu ka dhashay nin laba todobaad ka hor ku dhintay gudaha xabsiga Mandheera, ayaa dawladda ku eedeeyay inay ku lug leedahay dilka Ibraahim Jaamac Siciid oo muddo ku xidhnaa xabsigaas, haatana maydkiisu yaalo Cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa.
Inkastoo aanay Xukuumadda Somaliland rasmi ahaan wax war ah ka soosaarin, haddana siday hore warbaahinta qaarkood u faafiyeen, tibaaxo dhinaca dawladda ka soo baxay waxay sheegeen in marxuumkaas oo dil hore loo haystay uu is-deldelay, isla markaana gacantiisa isku dilay.
Hase yeeshee, Cuqaasha beesha uu ka dhashay waxay sheegeen in aanay ku qancin xogta dhacdadaa ku saabsan ee dawladdu sheegtay, isla markaana saraakiisha Xabsiga ee gacanta ku haysay warbixin ka siinin. “Waxa jiray laba nin oo is dilay, waxayna is dileen markay taariikhdu ahayd 2008, Masaajid bayna isku dhex dileen. Nin baa Toori lagu dhuftay, muddo yar markuu joogayna ninkii wuu dhintay, kii kale ee wax dilayna cidna ma qaban, cidna uma tegin ee intuu tagay buu is dhiibay oo Booliska isu dhiibay. Ka dibna Maxkamaddaa la geeyey, saddexda Maxkamadoodba dil bay ku xukumeen. Sidii la arki jiray ee dhaqan Soomaaliga ahayd, ninkii dhintay iyo kii wax dilay reerkoodii labadayadii reer waanu isu nimi - odayaashadayadii anagoo isku dhan baanu isu nimi. Haddii aanu nahay qoladii gacan-u-dhiiglaha, waxaanu qoladii ninku ka dhintay ku nidhi; ‘mag naga qaata sidii dhaqankeenu ahaa, labadaa nin ee is dilayna colaad hore kamay dhexayn. Sidaa darteed, mar haddaan colaad hore jirin, ninkana Illaahay nabarka ku dila, mag waxaad doontaan naga qaada ayaanu ku nidhi haddaanu nahay ninkaa wax dilay reerka uu ka dhashay,” sidaa waxa yidhi Caaqil Baashe Guulleed Jaamac oo ka mid ahaa cuqaal iyo odayaal shalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Ogaal ee magaalada Hargeysa.
Waxa uu sheegay in ka dib markii dhinacooda iyo dhinaca kale ee uu marxuumku ninka ka dilay isku afgaran waayeen arrintaas, isla markaana Maxkamadda dalku xukunka dilka ah ku rideen ninkaas loo gudbiyay xabsiga Mandheera oo sida uu sheegay ay intii ku jiray ku booqan jireen. “Saddex ilaa afar jeer ninkaasi wuxuu ku warbixiyay oo uu yidhi, ‘si dadban baa la ii dilayaa oo aydaan idinku ka war haynin. Laakiin, si kasta ha ahaatee ninku wuu xidhnaa oo in badan buu meesha ku jiray, waanu dhintay markii uu dhintayna waa lanoo yeedhay, waxaana la yidhi, ninkii wuu is-dabay. Isagoo labada gacmood isku xidhan yihiin, kadalooba, madaxana maro kaga duuban tahay ayaa la yidhi ‘ninkii wuu is-dabay oo wuu isdilay. Markaa sidaas buu Jeelka ugu dhintay, anaguna waanu yaabnay oo waxaanu nidhi, ‘qof xidhan oo is-daba lama arage, ciddii ninka dishay hanaloo sheego, laakiin wax warbixin ah dawladda iyo ciddii ninkaa haysay noomay sheegin, maydkiisiina waa la soo qaaday oo 16 habeen buu Cusbatalka Hargeysa yaalaa, anaga iyo ciddii ninkaa gacanta ku hayayna waxaanu isku khilaafnay in warbixin laga bixiyo sidii uu ku dhintay,” ayuu yidhi Caaqilku.
Mar la waydiiyay waxay ku caddaynayaan in ninkaasi aanu is dilin, balse cid kale khaarajisay, waxa uu yidhi; “Anagu maanu arkayn oo maanu taagnayn, laakiin sida uu yahay nin labada gacmood iyo lugi isku xidhan yihiin oo maro isku duubay oo la yidhaa wuu isku dilay, marona marka hore aan haysan oo laga ilaalinayey, qof kasta oo bani’aadam ahi wuu qiyaasi karaa in ninkaa meel kale looga yimi oo aanu isagu is dilin. Markii aanu aragnay waxaanu isku qancinay oo aanu aaminsanahay in ninkaasi aanu is dilin oo cid kale dishay.”
Mar la waydiiyay inay dawladda wadahadal kala yeesheen arrintaas, waxa uu sheegay in masuuliyiinta dawladda arrintaa u qaabilsani u sheegeen in marxuumku isdilay, balse aanay iyagu dhinacooda ku qancin. Wuxuuna si gaar ah arrintaas ugu eedeeyay masuuliyiinta gacanta ku haysa xabsiga uu marxuumku ku dhintay ee Mandheera oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. “Mar hadduu sidaa noqday, anaga nooma yaalo maydkaasi, ninkii imika gacanta ku haya ee uu u yaalo ayay u taalaa, anaguna waanu daawanaynaa waanu arkaynaa, haddii wax cadaan ah lana siiyo oo dhab ahna waanu u imanaynaa, haddii kalena maydkaasi halkaasuu u oolayaa ciddii uu u yaalo,” ayuu raaciyay.
Caaqil Axmed Maxamd Cumar Xayd oo isna arrintaas ka hadlay, waxa uu sheegay in odayaal beeshooda ah loo diiday inay soo eegaan markii marxuumku dhintay. “Jeelkaa Mandheera ee la geeyey ayaanu qabnaa in lagu dilay, labada gacmood iyo lug isagoo xidhan baa la soo tuuray, dadkii yidhi aan soo eegnana waa loo diiday. Markaa anagu dawladda uun baanu u tirinaynaa ninkaas,” ayuu yidhi Caaqil Axmed Cumar Xayd.
Dhinaca kale, waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno masuuliyiinta ay khusayso dhacdadani, hase yeeshee noomay suurtogelin in aanu wax jawaab ah ka helo dhinacooda, ka dib markii qaarkood ka cudurdaarteen, kuwo kalena telefoonadooda gacanta qaban waayeen.
Hase yeeshee, Agaasimaha Cusbatalka guud ee Hargeysa Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdillaahi oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintaas, waxa uu xaqiijiyay in ninkaas maydkiisu muddo laba todobaad ka badan yaalo qolka maydka ee Cusbatalka. “Ninkaasi wuu jiraa oo ilaa laba todobaad inka badanba wuu yaalay,” ayuu yidhi Agaasimuhu. Wuxuuna intaa raaciyay; “Aniga iyo Dhakhaatiirta kaleba waanu eegnay - keliya waxaan kuu sheegi karaa uun in Go’ cunaha kaga dhignaa markii la keenay, ilaa imikana uu weli ku xidhan oo uu u dhintay.”
Agaasimaha Cusbatalku waxa uu cabasho ka muujiyay in maydku sii yaalo Cusbatalka oo uu tilmaamay inuu saamayn ku yeelan karo adeegyada uu bulshada u fidiyo. “Saddex Talaagadood uun baanu haynaa oo yaala (qolka maydka), markaa haddii loo baahdo oo cid kale la keeno dhib bay nagu noqonaysaa - markaa in qof iska yaalo uun maaha,” ayuu yidhi.
Cabdirisaaq Yuusuf Cabdillaahi waxa uu sheegay in maalmo ka hor ay Xeer-ilaalinta guud ka codsadeen in maydkaas muddada yaalay Cusbatalka laga qaado, wuxuuna xusay in Xeer-ilaalintu u sheegtay inay arrintaa ku hawlan tahay.
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking