COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, March 10, 2010

Xil Magacaabis: Unugga Wadaniyada Somaliland (Somaliland Nationalism Cell) oo wakiil cusub umagaacabay dalka Sudan

Ogaysiis dhamaan muwaadiniinita reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sudan.
Og: Ardayda jaamacadaha Sudan
Og: Ardayda Jaamacadaha Dibada
Og: Ardayda Jaamacadaha Gudaha
Ujeedo: Magacaabis Xil
Annaga oo ah Unugga Wadaniyada Somaliland oo ah Unugg ay ku bahoobeen qaar kamida ardayda Jaamacadaha dalka jsl iyo waliba qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee qurba joogta ah , kana shaqeeya arimaha wadaniyada ,iskaashiga ,iyo wada jirka muwaadiniinta reer Somaliland ayaa maanta oo ay taariiikhdu tahay 10/03/2010 waxa aanu u magacawnay wakiil cusub ardayda wax ka barata dalka suudaan ee reer Somaliland ka dib markaanu aragnay baahida loo qabo wadaniyada iyo iskaashiga muwaadiniinta reer Somaliland gaar ahaan ardayda ku dhaqan wadamada dibada,
markii aanu ogaanay in loo baahan yahay xoojinta wadaniyada, markii aanu gar-waaqsanay in loobahanyahay in ardayda qurba jooga ah ee reer Somaliland lagu baraarujiyo qiimaha wadankooda hooyo leeyahay,markii aanu samaynay tashi loo dhanyahay markii aanu isku qancinay shaki la’aan go’aankayaga iyo muhimadiisa , markii aanu la tashanay muwaadiniin faro badan oo inta badan ku foogan horumarinta dalkooda,markii aanu eegnay baahida uu uqabo unuggu in wadanka suudaan ku yeesho xafiis isku xidha ardayda jaamacaha suudan iyo kuwa gudaha jsl , annaga oo duruufahaas oo dhan eegayna waxaanu xilkaas umagacaabnay Fu’aad C/Salaan Xasan inuu noqdo wakiilka cusub ee Sudan ujooga Unugga Wadaniyad Somaliland.
Waxaan kula dardaarmaynaa, in uu si hufan iyo dhaqan wanaag ku hawlgalo, xilka iyo hawsha loo igmadayna si mug leh uga soo baxo.
Waxaan illaahay uga baryaynaa in uu u fudueeyo xilkaas. Waxaanu si xushmad iyo karaamo leh uga codsanaynaa ardayda reer Somaliland ee wax kabarta jaamacadaha Sudan inay umuujiyaan wadashaqayn kalsoonidiina ayaanu haysanaa waanan ubaahanay fikirkiina iyo tallooyinkiina
Illaah ayaa Mahad leh.
Gudoomiyaha unugga wadaniyadda JSL .
Sayid Ibrahim Ahmed
Hargeisa Somaliland
W/Q: Xamse Suldaan Aden Faarax.
xamse101@hotmail.com
E-mail; unugga@gmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking