COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, March 5, 2010

Burco: Taagerayaashii ugu badnaa ee xisbiga Kulmiye kaga soo biiray dhinaca UDUB

Burco, (NNN) - Tageerayaal hore uga tirsanaan jiray Xisbul xaakimka UDUB ee gobolka Togdheer ayaa maanta sheegay in ay ku biireen Xisbiga KULMIYE kana soo diga rogteen UDUB.
Xaflad balaadhan oo Xisbiga KULMIYE u sameeyay soo dhowaynta taageerayaashan ku soo biiray oo lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Xisbiga ee gobolka Togdheer qaar ka mid ah iyo afhayeenka xisbiga KULMIYE.
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed afhayeenka Xisbiga KULMIYE oo soo dhaweynta tageerayaasha cusub ee xisbiga Udub ka soo baxay la hadlay ayaa sheegay in ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan, waxaana Md. Kaahin sheegay in Xisbiga KULMIYE yahay mid ku dhisan nidaam xor ah oo dimuqraadiya, dadkuna u siman yahay cid alaale ciddii soo gashana ay soo dhaweynayaan. Sidaa daradeed waxa uu xisbigu doonayaa in dalka uu ka dhaco isbedel, kaas oo ku yimaada doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka dhaca, oo ay dadkuna si xor ah u doortan cidda ay arkaan in ay tahay kuwa wax u qaban kara.

Waxaanu intaa ku daray Maxamed Kaahin in ay dadku maanta barteen UDUB waxa ay tahay, aanayna u baahnayn sharaxaad, bulshaduna ay ka dheregsan tahay in ay ku fashilantay wixii ummaddu u igmatay. Bulashadan faraha badan ee reer Burco ee hore u taageeri jiray xisbiga UDUB ee maanta ku soo biiray Kulmiyena waa kuwo xaqiiqadada dhabta ah ee UDUB soo arkay oo aan cidi uga waramayn.

Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer Maxamuud Salaan (Faroole) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay tageerayaashan ku soo biiray ay soo dhaweynayaan, waxaana uu cambaareeyay maamulka gobolka oo caaqil ka tirsan cuqaasha gobolka Togdheer xabsiga u taxaabay todobaadkan aynu ku jirno. Iyada oo Md. Faroole sheegay in Caaqilka sababta loo xidhay ay tahay in uu ka mid ahaa dad dhawaan ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Sidaa daraadeed loo taxaabay saldhiga dhexe ee Burco oo uu sheegay in uu ilaa hadda sifo sharci daro ah ugu xidhan yahay.

Waxana uu ugu dambayntii guddoomiye ku xigeenka KULMIYE ee gobolka Togdheer u soo jeediyay maamulka gobolka Togdheer, in ay xabsiga ka sii dayaan caaqilka oo ay sharaftiisa iyo xoriyadiisa u soo celiyaan.

Saynab Jaamac Xaashi oo ka mid ahayd dadka ka soo diga rotay xisbiga Udub ee ku soo biiray KULMIYE oo iyadu u hadashay kooxdaa, ayaa waxa ay sheegtay in ay yihiin dad aad u tiro badan oo iyagu hore doorashooyinkii dalka ka dhacay codkooda u siisay xisbiga talada dalka haya, oo siday sheegtay ay ku han-waynaayeen in ay UDUB wax qabad intan ka balaadhan ay dalka iyo dadka u qabtaan. Taana waa laga waayay oo way ku fashilmeen, sidaa daraadeedna ay go'aansadeen in ay xisbigan ku soo biiran. Waxaanay hadalkeedii ku soo xidhay in ay KULMIYE ka rajaynayaan in uu yahay xisbi dalka horumar u keeni kara.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay masuuliyiin Xisbiga ka tirsan oo uu ka mid ahaa Axmed Cabdillaahi (Sodaani) iyo xubno kale.
Courtesy: Ramaas

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking