COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, March 4, 2010

Xukuumadda oo eedaysay dhaleecaynta loo jeediyey Faarax Macalin

Laascaanood, (NNN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa su’aalo iyo dalab hawada u marisay Wasiirka Khaarajiga Kenya.
Wasiirka Khaarajiga Kenya Mr. Moses Wantengula, waxa uu todobaadkii hore qoraal uu guddiga xidhiidhka dibadda ee Baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay baadhitaan ku sameeyaan socdaalkiisa guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaas Mr. Faarax Macalin dabayaaqadii December 2009 ku yimi Somaliland.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule) oo xalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu Wasiirka Khaarajiga Kenya ka dalbaday inuu yimaado Somaliland, waxaanu hawada u mariyay dhawr su’aalood oo la xidhiidha sababta uu dacwada uga maagan yahay guddoomiye Faarax Macalin.

Waraysigaas koobani waxa uu u dhacay sidan;

S: Maxay tahay ujeedada aad u qabatay shirka jaraa’id?

Shirkaygan jaraa’id waxa uu ahaa waad ogtahay oo waqti saddex bilood ka hor ah, waxaa halkan noogu yimi guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo wefti guddi hoosaadyo oo arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda madaxdooda. Gudiyada qaybo ka mid ah Baarlamaanka Kenya madaxdoodii ayaa noo yimid oo booqasho noogu yimid Somaliland oo dhan gobolada oo dhan bay mareen.

Hadda xaaladayada waxa lagu jiraa doorashooyin, waxayna u yimaadeen isu-soo dhawayn iyo inay nabadgelyo ku dhacdo iyo bal inay xaalada dalka oo dhan ogaadaan, anaguna aad baanu u soo dhawaynay oo gobollada oo dhan bay tageen….Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya wuxuu ku eedeeyay, ‘ninkaasi inuu tago gobolladaasi arrin khalad ah bay ahayd,’ isaguna waatii uu warbaahinta iska difaacayay. Markaa taas baa keliftay waqtigan inaan ka hadlo anigoo Laascaanood jooga, maalintaa horena joogay markuu yimid ina Macalin.

S: Markaa haddii ay tahay arrin u dhaxaysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kenya, maxaad idinku u doorateen inaad ka hadashaan?

J: Waxaanu uga hadalay cidda loo yimi ee la isku haystaa waa anaga (Somaliland) - Wasiirku waxa uu ku haystaa maxaad u tagtay Somaliland? anaguna waxaanu leenayahay Wasiir adigu Somaliland maxaad u iman wayday? Ma xaaraan baa in la tagaa? Miyayna ahayn dawlad Afrikaan ah? Miyaanay ahayn kuwa aad nabada iyo wanaaga u wado, miyaanay ahay kuwa aad dariska tihiin? miyaanay ahayn kuwa xaqa kuugu leh? Miyaanay ahayn kuwa deeqaha laguu soo mariyo ee deeqahoodii dalkaaga Kenya joogaan ee waliba ka faa’iidaystaan?. Markaa iyagaa keenay in laga hadlo, sababtuna waxa weeyee; meesha laga hadlay ee la isku haystaa waa ‘maxaad u tagtay Somaliland?’.

S: Marka laga hadlayo booqashadii Faarax Macalin, meelaha ugu waawayn waxa ka mid ah degaanka Laascaanood oo muran dhinaca xuduuda ahi ka taagan yahay. Markaa mala odhan karaa murankaas baa keenay su’aalaha booqashada Faarax Macalin?

J: Faarax Macalin ma keenin taas. Marka hore, Faarax Macalin Kenya ha u dhasho deegaanka Kenya, laakiin degaankana wuu u dhashay, Booramana wuu tagay, Laascaanoodna wuu tagay, weliba marka la eego dhaqanka Soomalida meel baa xigta, Puntland iyo isaguna way u siman yihiin oo marka aad qaab qabiil u hadlayso waa walaalo u siman, marka qaab dawladeed la eegana Laascaanood waa degaanka Somaliland…..Booqasho ayuu ku yimi, horumar buu waday, sharaf bay u tahay Kenya, isaga iyo weftiga kale ee Baarlamaanka ah ee la socdayna waa lagu qiimeeyay inay xisbiyada yidhaahdaan doorashada gala oo guulaysa, Laascaanoodna sidaa si la mid ah buu ugu yimi, Puntlandna ma haysato Laascaanood waa Somaliland, haddii Puntland haysatana wuu ugu iman lahaa.

Faarax dalku dalkiisa weeye, Wasiirkana waxaanu leenahay; ‘waar kaalay adigu, dalku waa dalkaad u baahnayd inaad timaado - dawlada Itoobiya Wasiirka Arriamaha Dibadda ayaa noo yimaada, Wasiiru-dawlayaashaa noo yimaada, Jabuuti sidaa si le’eg, dawlad aan noo iman oo Afrika ahina ma jirto. Markaa waxaanu leenahay, noo kaalay dalka soo arag xaq baad u leedahaye.
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking